Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kulmiye Future Foreign Minister Meets Donald Payne

Recommended Posts

Somaliland.Org (Washington DC) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington, oo uu ku tagay booqasho rasmi ah ka dib markii uu martiqaad ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland.

 

Masuuliyiinta Maraykanka ee maanta ku soo dhawaysay Dr. Maxamed Cabdillahi Capitol Hill waxaa horkacayay Congressman Donald Payne , oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale.

 

Soo dhawayntaasi ka dib waxay xoghayaha iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanku ay yeesheen kulan dheer oo ay kawada arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay isfagranwaa. Waxay kaloo kawada hadleen arrimaha siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarawga doorashada madaxtooyada Somaliland. Waxaana la filayaa inuu dhawaan warsxafadeed ka soo bixi doona wadahadalka laba geesood.

 

Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay shirka ka dib ayaa sheegay inuu dawladda maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kale guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, manadaqadana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgalyo darro, sida agweed buu yidhi loo baahan yahay dawladda Maraykanku taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.

 

Dr Maxamed oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, wuxuu yidhi “ xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland ka dib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.”

 

Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay kawada hadli doona arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxaa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibada ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka oo loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kale hadli doono xadhiga xaqdarada ah ee wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul oo labaduba ka tirsan Idaacadda Horyaal.

 

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanku iyo kulamda rasmiga ee uu dawlada Maraykanku la yeelanayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu jooga magaalada Washington in muddo ah oo ay dawlada Maraykanku diiday inay la kulanto, arrintani oo muujinaysa sumcad xumida Wasiir Cabdillahi Ducaale iyo xukuumada Rayaale ay maanta adduunka ku leeyiiihiin.

 

Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu la tashi ugu yeedhay Dr. Mamxamed Cabdillahi si loogala tashado arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna waxaa loogu yeedhay madaxwayne Daahir Rayaale magaalada London.

 

Arrimahani waxay muujinayaan in siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland uu hadda horumarinteeda gacanata ku haya xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, halka awooda siyaasadda dibadda ee xukuumaduna ay ku soo ururtay inay kolba jawaabcelin ka bixiso siyaasadda iyo diblomaasiyadda xawliga ku socota ee xisbiga KULMIYE.

 

Dr Mohamed Abdilahi ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madax ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee Maraykanka.

 

Washington DC,

Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maraykanka

 

Washington DC, July 28, 2009 (Haatuf) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shalay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee loo yaqaan Capitol Hill ee magaalada Washington kula kulmay guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka, halkaas oo la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE ee aqalka Baarlamaanka Maraykanka ayaa la sheegay inay ka dambaysay kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka si loola yeesho la tashi ku saabsan arrimaha Somaliland.

 

Masuuliyiinta Maraykanka ee uu Dr. Maxamed Cabdillaahi kula kulmay Capitol Hill ayaa waxa horkacayay Congressman Donald Payne, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka dawladda Maraykanka iyo masuuliyiin kale.

 

Xoghayaha Khaarajiga KULMIYE iyo Congressman Donald Payne oo ay weheliyaan xubno ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ayaa halkaas ku yeeshay kulan dheer oo ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iyadoo sida la sheegay ay si gaar ah uga wada hadleen labada dhinac sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka iyo iskaashigii ka dhexeeyay Somaliland iyo Maraykanka oo uu dhawaan soo dhex galay is-afgaranwaa. Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jira Somaliland iyo xiisadaha ku xeeran hawlaha diyaargarowga doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaana la filayaa in wada-hadalka labada dhinaca dhawaan laga soo saari doono war-saxaafadeed.

 

Dr. Maxamed Cabdillahi oo warbaahinta u waramay kulankaas kadib ayaa sheegay inuu dawladda Maraykanka ka codsaday in aanay joojin iskaashiga iyo taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland. Wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay inay Somaliland maanta marayso xilli kala guur ah oo siyaasad ahaan xasaasi ah, mandaqaddana ay ka aloosan yihiin xiisado colaadeed iyo nabadgelyo darro, sidaas agweed buu yidhi “loo baahan yahay dawladda Maraykanku inay taageero isla garab taagto shacabka Somaliland kana caawiso siday u kobcin lahaayeen nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda ay dhibka badan u soo mareen.”

 

Dr Maxamed oo ka waramayay ujeedada booqashadiisan ayaa waxa uu yidhi: “Xil baa naga saaran xisbi ahaan inaanu u gurmano danaha shacabka Somaliland kadib markay noo muuqatay in xidhiidhkii Somaliland iyo dawladda Maraykanka oo ah dawladda adduunka ugu awoodda badan uu jar ka sii dhacayo, khalad xagga xukuumaddeena ka bilaambay awgeed.”

 

Muddada uu booqashada ku joogo Maraykanka wuxuu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar kulan gaar ah la yeelanayaa masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ay ka wada hadli doonaan arrimo saameeya siyaasadda Somaliland. Waxa kale oo uu la kulmi doonaa Wasaaradda Macaawinada Dibadda ee Maraykankan ee loo yaqaano USAID iyo hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda bina aadamka ee loo yaqaano (Human Rights Watch), oo uu kala hadli doono xadhigga labada weriye ee Raadyow Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul.

 

Booqashada Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ee Maraykanka iyo kulamada uu la yeelanayo masuuliyiinta dawladda Maraykanka ayaa waxay ku soo beegmeen xilli Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, uu booqasho ku joogo magaalada Washington in muddo ah, kaas oo ay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland sheegeen inuu hawlo shaqo halkaas u joogo, iyagoo aan faahfaahin ka bixin hawlahaasi nooca ay yihiin, taas oo ay jawaab uga dhigayeen kuna beeninayeen warar sheegay in masuuliyiinta Maraykanku diideen inay la kulmaan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, iyadoo diidmadaas lagu macneeyay inay ka dhalatay markii uu wasiirku ka baxay balanqaad uu hore ugu aqbalay inuu ka qayb-galo kulan lagu qabtay bishii hore Baarlamaanka Maraykanka, kaas oo lagaga hadlayey arrimaha Somalia iyo sidii nabad looga dhalin lahaa, kulankaas oo lagu casuumay madaxda Somalia, maamul-goboleedka Puntland iyo Somaliland, hase yeeshee uu wasiirku balantii uu qaaday ka qayb-galka kulankaas ka baxay, taasina ay ka cadhaysiisay Congressman Donald Payne oo gudoomiye ka ah guddida arrimaha dibadda iyo Afrika u qaabilsan Baarlamaanka Maraykanka, isla markaana qaban-qaabinayay kulankaas.

 

Sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii Wasiirka Xafiiska Arrimaha dibadda ee dawladda Ingirriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, Lord. Mallach-Brown, uu kulan la tashi ah la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillaahi, kaas oo sida la sheegay lagaga hadlayey arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dib u dhac ku yimid, ka dibna uu kulankaasi sababay in xukuumadda Ingiriisku ay u yeedho Madaxweyne Daahir Rayaale.

 

Xukuumadda Riyaale ayaa xilligaas xisbiga KULMIYE ku cambaareysay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee uu ku tallaabsaday Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE, waxaanay xisbiga KULMIYE ku eedaysay inaanay aqoon u lahayn hab-dhaqanka diblomaasiyadda, isagoo kulankii wasiirka Ingiriiska iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi ku tilmaamay mid been ah, oo sawiro laysku geeyay.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa arrin suura gal ah as long good Maxamed expresses his commitment to America's new somali script. Speaking from both sides of the proverbial mouth is what brought Ducaale down.Maxamed should learn a lesson from that fiasco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The secessionist are in trouble for if the minister is ignored and the civilian is embraced it's deeply troubling. I doubt Payne knows what Kulmiye is and probably met another Somali intellectual wishing to add his point of view to the helping Somalia project. Thus as he promised Somaliland and it's admin is being isolated.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Jacaylbaro:

and what is the Somala project ?? ,,, last time i remember you were fed up with your own country.

 

 

Good for Kulmiye ,,,,

Good for Somaliland....I would say!

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE

July 29th, 2009 Comments Off

 

 

 

 

3768732012_07e75253a7.jpg

 

 

OCDAALKA DALKA MARAYKANA – XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA EE KULMIYE

 

WAR-SAXAAFADEED – JULY 29, 2009

 

Xisbiga KULMIYE isagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee ka saaran hagaajinta xidhiidhka Somaliland la leedahay bulshada caalamka; arkayna in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo Maraykanku uu imika soo kale dhexgalay isafgaranwaa culus, sida ka muuqatay hadaladii ay is dhaafsadeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland iyo xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Afrika uu qaabilsan Kongaress ka Maraykanka, wuxuu go’aansadey xisbigu inuu ka shaqeeyo sidii xidhiidhka Somaliland la wadaagto dawladda Mareykanka loo hagaajin lahaa. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye , oo mrtiqaad ka heley Congress-ka Mareykanka ayaa socdaal ku tagay dalkaas . Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay magaalo madaxda Mareykanka ee Washington DC Mudane Donald Payne, Guddoomiyaha Guddiga Baarlmaanka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika.

 

 

 

 

3768731986_ee15a4ef79.jpg

 

Gudoomiye Donald Payne waa nin miisaan wayn ku leh siyaasadda Maraykanka ee Afrika, wuxuuna ahaa xildhibankii soo bandhigaya mooshinkii nambarkiisu ahaa 20, ee laga ansixiyaya Kongaress ka Maraykanka taariikhdu markay ahayd Febuary20, 1999. Nuxurka mooshinkaasi wuxuu ku baaqaye in Somaliland la siiyo gargaar dhaqaale iyo taakulo bini’aadanimo, waxaanu ahaa mooshinka kaliya ee Kongarayska Maraykanka laga soo saaray ee taageero loogu fidinayay Somaliland. Gudoomiye Payne waa xildhibaanka keliya ee ka tirsan Kongaresska Maraykanka ee yimi Somaliland, waana xildhibaankii u suurto geliyay in Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Madaxwayne Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, loogu sameeyo casho sharaf Kongaresska Maraykanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano badan. Gudoomiye Payne waa Kongaressman-ka keliya ee la kulmay Madawayne Rayale markii uu yimi Maraykanka. Waxa uu Gudoomiye Payne taageero joogto ah la garab taagan yahay shacabka iyo dawlada Somaliland. Shirkii ugu dambeeyay ee uu ku qabtay Washington wuxu ugu talo galay in Somaliland ay ka hesho taageero dhaqaale oo lagu sugo amaanka. Gudoomiye Payne wuxuu madax ka yahay guddi barlamaan oo qaabilsan soo jeedinta iyo ansixinta taageerada iyo hawlgalada xukuumadda Maraykanku ka fuliso Afrika. Wuxuu gacan wayn ku leeyahya samaynta qawaaniinta iyo hindisayaasha siyaasadeedd ee saamaynta ku leh qaaradda Afrika. Wuxuu kaloo wax ka go’aamiyaa dakhliga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku baxa waddamada Africa.

 

Wuxuu socdaalka Xoghayuhu Dr. Maxamed xaqiijiyay in Gudoomiye Payne yahay saaxiibka ugu wayn ee Somaliland ku leedahay barlamaanka Maraykanka iyo in isfagaran waaga culus ee soo kale dhex galay labada geesoodna uu maanta gaadhsiisan yahay heer uu joogsaday wada hadalkii iyo xidhiidhkii labada dal. Taasi oo dhaawac wayn gaadhsiinaysa dantii qaranka Somaliland. Xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiyewaxa loo sheegay in dawlada Dahir Rayaale ay martiqaad qoraal ah ka heshay xafiiska Gudoomiye Payne, xukuumada Dahir Rayale-na ay jawaab qoraal ah oo ay ku aqbashay inay ka soo qayb gasho shirka u soo dirtay xafiiska Gudoomiye Payne. Muddo yar ka hor xiligii shirka bilowgiisa waxa maamulka Rayale ay go’aansadeen in aanay shirka ka soo qayb gelin, inkastoo wakiilka xukuumada Rayale ee Maraykana Dr. Saad Noor uu yimi oo uu soo fadhiistay madashii shirku ka dhacay. Shirkaas oo nuxurkiisu ahaa in laga wada hadlo arrimaha saameeya nabad gelyada gobolka iyo sidii ay dawlada Maraykanku taageero uga gaysan lahayd. Taageeraadaasi oo Gudoomiye Payne oo masuul uga yahay barlamaanka Maraynkanka.

 

 

 

Xukuumada Riyaale waxay ula dhaqantay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Guddidd Arrimaha Africa ee barlmaanka Maraykanka iyo khaasatan xidhiidhkii Gudoomiye Payne si aad iyo aad u fool xun oo wax u dhimaysa danaha aasaasiga ee shacabka Somaliland. Taasuna waa mid tusaale wayn u ah sida xukuumada Riyaale u maamusho xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka. Safarka Dr. Maxamed Cabdillahi wuxu ka halwgalay sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii Somaliland la lahayd dalka Mareykanka iyo Guddoomiye Donald Payne oo madax ka ah guddi barlamaan aad ugu mihiima qadiyada Somaliland. Gudoomiye Payne wuxu ogolaaday in uu kulan kula yeesho xoghaya arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye xarunta barlamaanka maraykanka ee Capital Hill. Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha 27-kii iyo 28-kii bishii July. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray arrimo fara badan oo khuseeya nabadgelyada, dimuqraadiyadda, xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo Somaliland iyo arrimo la xidhiidha doorashada madaxtooyada Somaliland. Wuxuuna Guddoomiye Donald Payne ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta nabadgalyada iyo kobcinta dimuqraadiyada . Waxaanu ugu baaqay in Somaliland qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda xiligii loogu talo galay. Waxaanu muujiyay walaac uu ka qabo khatar soo gaadha nabadgelyada Somaliland iyo inuu diyaar u yahay inuu Somaliland la shaqeeyo oo ka caawiyo sidii looga hor tagi lahaa khatarahaasi. Waxaa kaloo shirlka lagaga wada hadlay go’aanka uu maanta madaxwayne Rayaale ka qaatay natiijadii diiwaangalinta codbixiyayaha dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto nabadgalyada dalka. Dr. Maxamed iyo Gudoomiye Payne waxay is la qaateen in si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan balaadhinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.

 

Hussein Cabdi Ducaale,

 

Gudoomiyaha Woqooyiga Amerika ee Xisbiga KULMIYE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this