Gabbal Posted May 5, 2006 Heshiis laga gaaray xiisadii ka jirtay deegaano ka tirsan degmada Kismaayo Kismaayo 05 May. 06 ( Sh.M.Network) Xiisadihii dagaal ee ka jirey gobolka J/hoose ayaa hakaday, ka dib markii odayaasha dhinacyadii dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen heshiis xabadjoojin ah. Gudoomiyaha maamulka degmada Kismaayo iyo K/xigeenkiisa Cabdi Dhaaleey Xuseen oo ay wehliyaan waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda beelihii isku haya deegaanka Cabdi Dhoorre ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo, ka dib markii heshiis ay soo dhex dhigeen labada beelood. Gogol nabadeed oo ka furneyd deegaanka Cabdi Dhoorre oo la isku mariwaayay ayaa markii dambe labada dhinac odayaashoodu waxa ay isla garteen in xal nabadeed laga gaaro khilaafyada u dhaxeeya sida uu shabelle u sheegay Suldaa Rashiid Hurre oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelihii isku hayay halkaasi. Suldaanku waxa uu sheegay in ay gaareen labada dhinac heshiis xabadjoojin ah, oo kor ay ka ilaalinayaan isbaheysiaga D/jubba, iyadoo cidii xabad joojinta ku xadgudubta uu talaabo sharci ka qaadi doono Isbaheysiga D/jubba. Dagaalo goos goos ah o ka dhacay deegaanka Cabdalle Dhoorre oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan ayaa dhinacyadii dagaalamay iminka ay gaareen heshiis xabadjoojin ah. Farxaan Lafoole Shabelle Media Network, Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 5, 2006 Isbahaysiga Dooxada Jubba oo dhexdhexaadinaya Beelo Dad Isaga Laayay Jubbooyinka Degaanka Cabdi Dhoorre iyo Beerxaanni, ilaa Kaamjirroon ilaa Yoontooy ee galbeedka illaa aqooyiga magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmahaan ka taagnaa xiisad colaadeed oo u dhexeysay beelaha Gaaljecel iyo Cawramaleh. Ugu yaraan 7 qof ayay isaga dileen si aarsi ah labadan beelood saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, Dilalkaasnina waxa ay dhaliyeen in ay xiisad colaadeed ku fiddo degaannada galbeedka illaa waqooyiga magaalada Kismaayo ee ay beelahani wada deggan yihiin. Isu hub uruursi xoog leh ayaa laga dareemayay degaammada Beerxaani iyo Cabdi dhoorre, halkaas oo ay ka taagnayd dhiillo colaadeed oo kalliftay in dadkii ugu badnaa ay isaga dileen hab aargoosi ah. Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Xildhibaan Barre Aadan Shire oo hor kacaya wefti ay ka mid ahaayeen Xasan Maxamed Nuur (Qalaad), Taliyaha ciidanka Isbahaysiga Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), Guddoomiyaha maamulka degmada Daahir Maxamed Cilmi iyo Xildhibaan Buulle ayaa waxa ay illaa shalay ku sugnaayeen degaanka Cabdi Dhoorre si ay xal uga gaaraan una xalliyaan xaaladda cirka isku sii shareertay ee colaadeed ee u dhexeysa labadan beelood ee Gaaljecel iyo Cawramaleh. Galabtana waxa ay wasiirka iyo weftigiisa oo ay la socdaan odayaasha beesha Cawramaleh yimaadeen tuulada Beerxaani, halkaas oo ay doonayaan inay ku qabtaan kulan ay odayaasha labadan beelood ku soo af jaraan colaadda sii hureysa. Wasiirka intii uusan ka soo kicitimin tuulada Cabdi Dhoorre ayaa waxa uu si kulul ula hadlay odayaasha iyo wax garadka beesha Cawramaleh oo uu ku tilmaamay inay gardarrada iyaga wadaan, waxana uu yiri "Colaad Dambe oo Cawramaleh ka socota haddii aan aragno Geelashiinna ayaan Kismaayo ku xeraynaynaa" taas oo uu wasiirku ku canaananayay inaysan dhicin colaad dambe oo ka timaadda beesha Cawramaleh. Dhanka kale wasiirku waxa uu sheegay in uu odayaasha beesha Gaaljecelna la kulmay isla markaasna ay is waafaqeen. Kulankii galabta ayaan weli qabsoomin, waxana sabab looga dhigay odayaashii beesha Gaaljecel oo aan soo xaadirin awgeed. Ahmed Timajilic Gedonet, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites