Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hambalyada Sucuudiga ,,, looooooool

Recommended Posts

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sucuudiga ayaa shaacisay in dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Suldan Binu Cabdal Casiis Aala Sacuud oo isla markaana ah raysal wasaaraha boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka difaaca iyo gaadiidka cirka uu hambalyo u diray madaxweynaha dawladda Imbagati Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

 

Hambalyadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay ku beegan tahay munaasabadda xuska maalinta wadaniga ah ee 21-ka October. Waraaqdan amiirku ku hambaleyeeyey Somaliya waxa uu ku sheegay in madaxweynaha dawladda federaalka ah ee ee Somalia (Waa sida ay u qoran tahay warqaddu) iyo shacabka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliyeed uu dalka Sucuudigu u dirayo hambalyo sare una rajaynayo madaxweyaha Soomaaliyeed caafimaad iyo badhaadhe, shacabkiisana horumar iyo barwaaqo. Haddaba fariintan hambalyo ee ka soo baxday dalka Sucuudigu waxa ay muujinaysaa sida aanu dalka Sucuudiga iyo xataa dalal kale oo waaweyn oo carbeed aanay ugu war haynin qadiyadda iyo xaaladda dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo ka tirsanaa ururka Jaamacadda carabta iyo ururka Islaamkaba. Waxa ay warqaddani u muuqataa in masuulka qasriga boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan hawlaha noocan ahi aanu waxba kala socon waayaha Somaliya iyo in aanay jirin cid ku daba gasha.

 

Waxa ay u eeg tahay in uu jiro qalab ama Kombiyuutar ay ku kaydsan yihiin dhammaan dalalka ay tahay in Dalka Sucuudigu hambalyeeyo munaasabadahooda wadaniga ah, qalabkaasina uu si otomaatig ah isu farayo in uu diro farrinta hambalyada ah. Waxa nasiib darro ah in aan kombiyuutarkan qaybta hambalyooyinka ee Somalia aan waxba laga beddelin muddadaa ka dambaysay dhicistii Siyaad Barre oo ah 18 sano ah oo uu Sucuudigu sannad walba dirayey hambalyo noocan ah. Waxa kale oo qudheedu hambalyadan ka muuqata sida aanu dalka Sucuudigu ula socon in maalinta 21-ka October ay tahay maalin hadda ay inta badan dadka Soomaalidu isku waafaqsan yihiin in ay ahayd maalin daran, seesna u ahayd dhibaatada illaa hadda ka taagan dalka Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa ay u eeg tahay in uu jiro qalab ama Kombiyuutar ay ku kaydsan yihiin dhammaan dalalka ay tahay in Dalka Sucuudigu hambalyeeyo munaasabadahooda wadaniga ah, qalabkaasina uu si otomaatig ah isu farayo in uu diro farrinta hambalyada ah. Waxa nasiib darro ah in aan kombiyuutarkan qaybta hambalyooyinka ee Somalia aan waxba laga beddelin muddadaa ka dambaysay dhicistii Siyaad Barre oo ah 18 sano ah oo uu Sucuudigu sannad walba dirayey hambalyo noocan ah.

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

saaxib Siyaad bare waxbadan qabay anaaba taas uqirsan laakin gadaal ayey ka xumaatay sheekadu.

 

Markaa fadlan TFG oo ah maqti maqaar dawladeed wadata lama dhinac dhigi karo marnaba,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this