Sign in to follow this  
Paragon

Tallabo ku dayasho mudan oo ay qaden Ardayda Jamacada ‘London Metropolitan Universi

Recommended Posts

Paragon   

Tallabo ku dayasho mudan oo ay qaden Ardayda Jamacada ‘London Metropolitan University'

 

(La soo galiyay: 07/04/06)

 

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 28kii Maarso 2006 oo ku beegnayd 28kii Rabiicul-Awal (Mawliid) 1427,...

 

Waxaa hoolka dhexe ee Masaajidka Wayn ee Bariga London (London Muslim Centre – LMC-) lagu qabtay kulan ballaaran oo dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay waxyeelleeyeen.

 

Kulnakaas waxaa qabanqaabadiisa iska lahaa dhallinyarada Jaamacadda LONDON METROPLOLITAN UNIVERSITY oo ay horkacayeen Xasan A. Xuseen oo Soomaali ah, Amir Ashraf iyo Waseem Tailor.

 

Dhallinyaradaasi waxay horay u arkeen hawlaha gargaar ee Muslim Aid ay ka waddo Geeska Afrika, sidaa awgeed ayay Muslim Aid kala tashadeen sidii la yeeli lahaa iyo gacanta ay MA arrintaas ka geysan karto. Muslim Aid oo fikradda dhallinyaradaas si aad ah u soo dhoweysay ayaa dhallinyarada la hawlgashay oo ku dadaashay in kulankaasi uu noqdo mid miro fiican dhala.

 

Habeenkii kulanka waxa halkaas yimid dhallinyaro arday ah oo aad u faro badan oo wiilal iyo gabdhoba isugu jira. Inkasta oo dhallinyarada badankoodu ka yimaadeen Jaamacadda LONDON METROPLOLITAN UNIVERSITY, haddana waxaa jiray arday iyaguna ka yimid jaamacado kale oo London ku yaal sida Jaamacadaha Westminster Southbank iyo kuwo kaleba.

 

Runtii ardayda halkaa timid waxay u badnaayeen arday asalkoodu qaaradda Asia ka soo jeedo, soomaaliduna aad bay ugu yaraayeen. Si kastase ha ahaatee, habeenkaas khayr badan ayaa meesha ka dhacay, hadday noqon lahayd hadalladii meeshaas laga soo jeediyay oo Muslim Aid ay ku bilowday bandhig iyo warbixin gaaban oo muujinaya dhibaatada dadka Soomaaliyeed ay abaaruhu soo gaarsiiyeen oo ay ku xigeen labo Muxaadaro oo aad looga faaiideystay laguna soo gabagabeeyay tartan QURAAN akhris ah oo dhexmaray qaar ka mid dhallinyaradii kulanka ka soo qaybgashay.

 

Haddaba waxaa wax lagu farxo ah in ardayda kulankaas ka soo qaybgashay (oo sida aan horay u soo sheegnay u badnaa dad aan Soomaali ahayn) ay habeenkaas iska ururiyeen lacag gaaraysa £5.811.11 oo siugu jirta lacag caddaan ah oo gaaraysa £4,399.11 iyo ballanqaadyo lacageed oo gaaraya £1.412.00, oo qaarkood mar hore ay MA soo gaareen.

 

Waxaa iyaduna xusid mudan gurmadka lacag-ururinta abaaraha Soomaliya ee Muslim Aid ay toddobaadyadii la soo dhaafay meelo kala duduwan siyaabo kala duduwan uga samaynaysay. Midkii u dambeeyay wuxuu ka dhacay waddada caanka ah ee Green Street, Bariga London. Lacagta maalintaas abaaraha loo ururiyeyna waxay dhammayd £2.750. Arrintaanina waxay ku tusaysaa sida ay dadweynuhu ugu baraarugeen dhibaatada haysata dadka walaalohood ee Soomaaliyeed.

 

Marka laga reebo lacagaha kor ku xusan oo goor dhow la gaarsiin doono dadka tabaalaysan, Muslim Aid waxay ilaa iyo hadda Soomaaliya u dirtay lacag kor u dhaaftay £124.000 oo £37.500 oo ka mid ah loo diray Soomalida ku dhaqan gudaha xudduudda Kenya. £12.000 oo lacagtaas ka mid ahi waxay ka timid Muslim Aid Australia.

 

Baraarugga dadweynuhu intaas kuma koobnayn, maalmihii u dambeeyay waxaa Muslim Aid la soo xiriirayay dadweyne aad u faro badan oo dhammaantod raba inay taageero u fidiyaan Soomaalida ku tabaaleysan dhulalka ay abaaruhu ku dhufteen. Dadweynahaas qaarkood si toos ah ayay kaalmo u bixinayeen qaarna ballanqaadyo ayay sameeynayeen.

 

Dhanka Soomalida, oo aad mooddid inay la’ yihiin hoggaan midysan oo arrintaan u soo qabanqaabiya, waxaa Muslim Aid la soo xiriiray Soomaali iyaguna raba inay arrintaas gacan ka geystaan iyagoo qaarkood soo jeediyeen in la qabto kulan la mid ah midka aynu kor ku soo sheegnay qaarna ay yiraahdeen inta nagu hareeraysan iyo xaafadahayaga ayaan wax ka uruurinaynaa.

 

“Xooluhu waxay aad ugu le’anayaan gobollada qaarkood sida gobolka Gedo oo xudduudda kenya saaran,†sidaa waxaa yiri Axmed Maxammed oo ah Maamulha Muslim Aid ee Soomaaliya isagoo sii raaciyay “lo’da iyo ariga ayaa ugu daran, haddii roobabka bisha April aysan wax rajo ah keeninna, ifafaaluhu waa xaaladda oo sida ay hadda tahay ka sii xumaata. Haddii rajada roobku ay cirka isku shareerto, Muslim Aid waxay qorshaysay inay cunto qaybin degdeg ah ka bilowdo beelaha dhinaca galbeedka xiga ee u dhow xudduudda Bakool.â€

 

Haddaba marka waxyaabahaas oo dhan la isku soo duuduubo, waxaa ka soo baxaya oraahda caanka ah ee tiraahda ‘kubbadu hadda waxay taal garoonka Soomaalida’ gaar ahaan kuwa ku dhaqan Galbeedka, Woqooyiga iyo Koonfurta London iyo weliba gobollada kale ee Boqortooyada Midowday (UK), iyaga ayaana laga sugayaa tallaabadii ay, iyagoo mdieysan, qaadi lahaayeen si ay u caawiyaan walaalohooda tabaalaysan.

 

Gabagabdii baaqaan, waxaa ku dayasho mudan in qaar ka mid ah ardayda Muslinka ah ee dhigta Jaamacad ka mid ah jaamacadaha London (oo weliba sannadkaan lacagtii jaamacadda lagu kordhiyay) ay ka dib markii ay arkeen rafaadka walalohooda Soomaaliyeed haysta, ay muddo 3 saacadood ka yar ugu ururiyeen lacag ku dhow lix kun oo gini.

 

Muslim Aid, waxay mar kasta diyaar la tahay wixii taageero iyo tusaale ah oo looga baahdo, hadday noqon lahayd kireynta meeshii la isugu imaan lahaa iyo soo bandhigidda xaaladda dhabta ah ee Koonfurta Soomaaliya ka jirtaba.

 

Muslim Aid

 

38-44 Whitechappel Road

 

London E1 1WP, U.K

 

Tel: 44 (0) 207 377 4200

 

Website: www.muslimaid.org

 

e-mail: mail@muslimaid.org

 

http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=3269

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this