Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Farole talks about many issues a report and analysis of his speech

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay arrimo badan

 

3 Aug 3, 2010 - 10:28:32 AM

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed C/raxman Sh. Maxamed Maxamud (Farole) ayaa xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe habeenkii Axada oo ku beegnayd 1da August 2010 ee Munaasabadii Xuska Sanadguuradii 12aad ee Aasaaska Dowladda Puntland ka jeediyay khudbad dheer (37-daqiiqo) oo uu kaga hadlay kaga hadlay arrimo tiro badan.

 

Xafladaani ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah loo suray Calanka Dowladda Puntland oo garab-taagan Calankii buluuga ee Federaalka Somaaliyeed.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadaani kaga hadlay arrimo tiro badan, sida: Aasaaskii Puntland; Amniga Puntland iyo Geeska Afrika; Diinta iyo arrimaha Bulshada; ladagaalanka Argagaxisada, Burcadbadeeda iyo Tahriibta; Warbaahinta; Dilalka qorsheysan; Somaliland iyo Laascanod; iyo qodobo kale oo tiro badan.

 

Madaxweyne Farole ayaa khudbadiisa ku furay Aayado Quraan oo Duco ah isagoo yiri: "Waa ducadii uu ku duceystay Nabi Muuse (cs) markii Nabinimada ILAAHAY usoo dajiyay. Marka taas ayaan ku ducaysanayaa. Inaan wixii niyada ku jiro ama aan rabo inaan iraahdo inaan si la garan karo u sheego."

 

Wuxuu u mahadnaqay dadkii ka soo qaybgalay xafladaasi oo ay ka mid ahaayeen: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenadiisa, xubnaha Golayaasha Dowladda Puntland, Issimada, marti-sharafta ay ka mid ahaayeen Qunsuliyadda Dowladda Ethiopia, Culumaa’udiinka, Ganacsatada, Waxgaradka, Ururada Bulshada, Ciidamada Qalabka Sida, iyo guud ahaan Dadweynaha Reer Puntland wadanka gudihiisa iyo dibadiisa meel kasta ha joogeen.

 

Ciidamada Puntland

"Waxaan mahad balaaran u celinayaa oo kabka iyo laabta ka soo go’day ciidamada Amniga ee Puntland dhalinyarada halkaan wada taagan oo heeganka…Waxay ku amaananyihiin halganka ay ugu jiraan inay sugaan nabada Dadka iyo Dalkooda. Waxay ku amaananyihiin iyagoo aan nasan inay caawa iyo maanta iyo maalin walba ay meel walba taagan yihiin. Waxay ku amaananyihiin inay horfadhiyaan Cadowga kusoo duulay dalkaan inuu burburiyo oo amaankiisa iyo xasiloonidiisa waxyeelo oo banaan qorax aan geed lahayn oo har lahayn oo meel lagu qubaysto oo musqulo lahayn ay maanta ku horfadhiyaan Cadowga oo ay sugayaan nabada Dadka iyo Dalkooda. ILAAHAY ajar haka siiyo Khayr haka siiyo anagana waxay inaga mudan yihiin ALLAHA ina garabsiiyo."

 

"Ciidamada amnigana waxaan u rajaynayaa Guul iyo wanaag dadkana waxaan u rajaynayaa in ILAAHAY quluubtooda iskumid ka dhigo."

 

Aasaaskii Puntland

"Puntland waxay dhalatay markii 8sano dadaal loogu jiray Dowlada Soomaaliyeed oo dhexe ay dhalato ay imaan wayday si caqli-gal ah oo maskax ku dheehan tahay ILAAHAY waafajiyay dadka Reer Puntland inay go’aan sadaan inay dowlad iyagu ay leeyihiin dhistaan oo ay ku sugaan Dowlada Soomaaliyeed oo dhexe…Qaab dhismeedkaas ah dadku inuu aayihiisa ka tashado. Waxaa ugu horeeyey shirkii lagu qabtay Djibouti 1991kii oo anagu aan ka mid ahaa dadkii ka qaybgalay waxaana ku qortayd ismaamul-goboleed in la sameeyo si aan loogu noqon dowladii dhexe oo xukunkeedu gacan kaliya ku uruursanaa awooda dhaqaale iyo maamul iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshadana ay hal magaalo wada ahaayeen oo markii maamulkii gacanta ku hayay markaa iyo magaaladiiba ay mar isla dhaceen oo magaaladii burburtay oo dadkii Soomaaliyeed meel cidla ah soo istaagay oo ismaciirsato dhacday."

 

"Hadii siyaasadaha caalamka lagaga dhaqmo hada oo ah xukunka in la baahiyo awoodaha la qaybiyo wadanka la isu camiro oo meel walba la isu dheeli tiro wixii Soomalida ku dhacay ma dhaceen. Hadii Xamar ay dhacday oo gacan ku dhacday Jabhado iyo wax aan wax kala garanayn dadku waxay u kala yaaci lahaayeen meelaha kale oo camiran markaasna Xamar lama taabeen sida ay markaas u camirnayd. Laakin markii ayadii (Xamar) ay burburtay Dowladiina (Kacaanka) ay burburtay waxay noqdeen Reero tiro ari lahaa oo tiradii laga dhacay oo labadii Rati oo ay raranaayeen oo markaas (sic) isootaagay bay noqotay. ILAAHAY naguma cesho nidaamka noocaas ah mar danbe anaguna waynu ka tashanay. Waxaa mahadwayn leh dadkii Reer Puntland oo fikirkaas wax ku ool ah oo waxtarka ah keenay oo dabadeena hirgaliyay."

 

Nabadda Puntland iyo Somalida kale

"Waxa nabada Puntland ka faa’ideystay dadka Reer Puntland kaliya ma aha iyo kuwii waagi hore ku dhashay oo dhulkaas koonfureed u guuray oo dib usoo noqday waxaa kaloo ka faa’idaystay dad badan oo Soomaaliyeed oo aan waligood arag oo maqal xataa. Anagu u imi dadka degaankaan oo u yaqaana Gaari-waa – meel Dowladu ay iska nacday oo aan la imaan. Yacnii meel Dowladu aysan waligeed tegin, calaamadaheeduna way ka muuqdeen oo wax kaabaha oo dhaqaale lagama samayn aan ahayn Wadada Laamiga oo Mashaariicdii ay ku deeqeen Dowlada Talyaaniga iyadoo aan dhamaystirneen ay Dowladii dhacday waxaan ahayn lagama hirgalin."

 

"Waxaan xusuusnahay in dadka halkaani degan (Puntland) ay ahaayeen dad la cadaadinaayo oo Xukunkii Dowladdii Milatariga horumar aan u ogaleyn ilaa ugu danbeyntii markii naftu ka sii baxaysay ay intaa xusuusteen inay xaq u lahayd [Puntland]."

 

"Dadka Somalida ah oo u soo barakacay Puntland oo ka mid ah dadka Koonfur ka yimid – kuwo nala soo qaxay iyo kuwo dib ka yimid – intoodaba waa lagu soo dhaweeyey si Somalinimo ah raali baa laga ahaa. Waxaa xusid mudan soo dhaweyntii dadkii Soomaaliyeed ee halkaani yimid inay ku soo dhexdhuumanaayeen dadkaas shaqaaqada wada oo Koonfur laga soo diray. Qaarkood waxay ahaayeen kuwa badda isku tuura."

 

'Shabaab ma aha Shayaadiin weeye'

"Hase yeeshee markii la soo batay oo shaqaaqadaan Koonfur ka socotaa ay hadba dhinac u dilaacaysay, markii u danbeeyey ay soo ifbaxday kooxdaan xagjirka ah ee la baxay Shabaab – Shabaab ma aha Shaydiin weeye. Shabaab waxaa ah Somali Youth League – dhallinyaradii 13-ka ahaa oo Somaliya xornimada u horseeday. Kuwaasaa ahaa Dhalinyaro kuwaan Dhalinyaro ma aha waa Shayaadiin cirka laga soo tuuray shisheeye ku adeeganaayo remote control lagu hogaaminaayo loo soo diray dalkaa inay baabi’iyaan aduunyadoo dhan nabadgelyo-la’aan ka abaabulaan gaar ahaan Bariga Dhexe oo hada ay gacan kulul ku hayaan iyo Somaliya oo ay rabaan inay la wareegaan guud ahaanteeda iyagoo aan maamul rabin iyo kala danbayn midna laakin dhibaato u rogaya dabadeedna ku fida Geeska Afrika oo dhan, Badda Cas iyo dowladaha ku hareyraysan intaba."

 

Dilalka qorsheysan

"Bartilmaadeedkii la tilmaamsaday xubnaha Golayaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidamada Amniga, iyo shacab badan oo waxtar u leh dalka dilalka qorsheysan oo lala beegsaday oo soo jiitamaayey ilaa 2008kii intaan Dowlada aan anigu hogaaminaayo la dooran soo socday waxaa loola jeeda qas-wadayaashu ula jeedaan in dadka la bajiyo ay argagaxaan ay isweydiiyaan: 'Meeshaan malagu noolaan karaa mise waa laga tagaa?' oo dad badan ay ka guuraan [Puntland] hantidoodana ay kala guuraan camirnaanshada dalkana halkaasi ku istaago. Dad badanina ay ku dhici kari waayaan inay sheegaan dadka wax dila ama wax qariya. Dabadeedna uu dhaco argagax wayn oo mid baqdin guud sababa oo markaas dadku isyiraahdo, 'War waxaan intay na layn lahaayeen aan iskaba raacno' meesha looga jeedaa waa halkaa wax kale ugama jeedaan."

 

"Waxaan idiin sheegaya anigu hadii aan ahay Hogaamiyaha la doortay inaanan u joojinayn shacabkuna aan ogahay inuu igula socdo inaanan dhabarka u godeyn cid Argagaxisonimo dalkaan ku qabsato. Taas waxaa i saaray mas'uuliyadda la ii doortay oo dadka Reer Puntland ii doorteen Hogaaminta iyo tan iga saaraan Soomali oo dhan inteeda kale waxaan caawa idiin cadaynayaa inaan la dagaalamayno Argagaxisada ku been abuuranaysa Diinta Islaamka."

 

'Shareecadu idin qabatee waad ka been sheegteenee'

"Shacbiga Reer Puntland waxaa ugu yeerayaa iyo inay isdaafacaan hubka wada qaadaan kuligood gabar iyo wiil, saqiiq iyo kabiir sidii 1991kii iyo 1992kii. Horana waan u iri hadana waan ku celinayaa."

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu xusay Hadith Nawawi:

 

"Qofka Muslimka ah waa qofka dadku ka nabad-galo Gacantiisa iyo afkiisa. Kuwaan hada Diinta Islaamka ku been abuuranaya malaga nabad-galay gacantooda iyo afkooda? Waa been. Marka maxay yihiin? Shayaadiin weeye. Waa beenloowyaal, waa dhiigyacabyaal, waa dad-qalato."

 

"Hadith kale oo saxiix ah wuxuu oranayaa:

 

"Qof kastoo Muslim ah waxaa ka xaaraan ah inuu qof kale Dhiigiisa, iyo Xoolihiisa iyo Sharaftiisa waxyeelo. Ma yeelaan ayagu? Intii ILAAHAY xaaraamtiyeey Nabigeena suubanaan aan kaga soo gaarnay oo kaga dayanay bay samaynayaan. Marka maxaan ku sifayn karnaa? Waxaan ku sifayn karnaa inay yihiin Shaydaan la soo diray oo dibada laga hagaayo oo cid wadata aananan garanayn. Iyagoo sidaas samaynaya bay isna waxay ku andacoonayeen 'Shareecad baan hirgalinaynaa'. Shareecadu idin qabatee waad ka been sheegteenee."

 

"Diin ma aha iska ilaasha. Meeshii hadaayay uu ka hadlaay Garaad C/llahi Cali Ciid wiilasha dhalinyarada la hadlaayay waxaa weeye anagu way iska hurudnay waxaa la target-gareeyey caruurteeni, ubadkeeni macalimiin baa la isugu sheegay. Dee macalinku muxuu yahay? Macalin wax dhigaaya miyaa mise waa macalin madaxa habaabinaaya caruurta yaryarka oo madaxoodu xaanshida cad yahay xumaan ku qoraaya?"

 

Fariin Haweenka Soomaaliyeed

"Dadka noocaas ah oo Shayaadiinta ah way soo socdeen oo waa la arkaayay beryihii hore xataa. Waxaan xusuusanahay gabaygii Cismaan Yusuf Keenadiid ninkii caanka ahaa oo Wadaniga ahaa shiikhna ahaa Gabayaana ahaa oo ka yaabay kuwo Diinta ku shaqaysta oo muran miiran ah oo aan waxba kala aqoon oo Kitaab-gaab ah oo Culumada waa wayn sida Shiikh C/qadir Nuur Farax la murmaaya."

 

"Dadka ay ku shubtaan Haweenka ka mid ah. Meelaha ay qabsadaana adoonsiga iyagaa ugu horeeya. Xoriyadooda bay u diidaan, inay caruurtooda u soo adeegaan bay u diidan, guryaha ayay xabsi kaga dhigaan. Way gumaystaan."

 

Kooxda Galgala iyo Al Shabaab

"Subaxnimadii July 26 kooxda Kooxda argagixada ah oo Buurta Galgala ku haysata calooshii u shaqaysteyaal ku xiran argagaxisada caalamiga ah oo ka kala yimid gobollada dalka iyo kuwa koonfur oo ay soo baabi’iyeen waxay soo weerareen ciidanka Puntland oo Karin jooga oo wadada ilaaliya."

 

"Isla habeenimaadii maalintaa dagaalku dhacay oo la jabiyay oo dhimasho iyo dhaawac badan la gaarsiiyay oo la dhaafiyay buurtii iyo meelihii awal ay fadhiyeen habeenimadii wuxuu Atom ka hadlay meesha Internet ka loo yaqaan Paltalk…Wuxuu sheegtay inuu laayay dadkii birmagaydada ahaa oo lagu laayay Puntland ilaa 2008dii la laynaaye inuu laayay buu sheegtay…Wuxuu [Atom] qiray sida awalba la ogaa inuu yahay Al Shabaab dhagahayga baan ku dhagaystay waana yaala Dowladaa haysa: 'Anagu Shabaab baa ka mid nahay Shabaabna anaguu naga mid yahay', wuxuu ka sheegay Paltalk."

 

"Wuxuu [Atom] khalkhal galiyay dad odayaal ah oo degaanka ah oo anagu aan chance-siinay muddo dheer oo aan ugu dirnay in dadka halkaa uu ku haysto ay ka furfuraan oo Umadda Reer Puntland ay ku soo daraan oo aynan dadkooda iyo dalkooda dhibaato u gaysan oo dilka ay joojiyaan oo ay ka saaraan ayuu khalkhal galiyay wuxuu yiri: 'Anaga nagula soo duulay' oo markaas caadifad qabiil damcay inuu galo taasina waa shaqayn kari wayday."

 

'Ma jirto beel-beel kale dhul ku qabsatay Puntland'

"Cid qabiil gooni ah Puntland ma jirto dadka oo dhan baa isu qabiil ah. Maxaa laga qabiil tamaya? Hadaad doontid inaad wax sheegtid, wax wayn baa la sheegtaa. Maxaa wax yar oo hoose iyo jilib ka sheeganaysaa? Adigoo Soomaali ah jilibkaaguna Puntland yahay maxaa jilib kale oo ka hooseeya kuu tarayaa oo dad aan wax kala garanayn ay ku jiraan. Meel shaqayn karta oo maamul iyo hey'ado dowli ah leh sheego oo Aduunka laga yaqaan oo calan leh calankeeduna kaa yahay, kii guud ee Dalka iyo kii Puntland."

 

"Ma jirto kumana ogin Puntland beel beel kale dhul ku qabsatay oo ka haysata ma jirto. Dadku waa Reer Guuraa badidiisu magaalo walbana nin kasta gurigiisa buu ku leeyahay iyo Bakhaar haduu ku leeyahay. Ninkii beer leh beertiisa isagaa leh dhul daaqsiinkana Somalida waa wada daaqdaa oo dhan bal iska daa Reer Puntland."

 

"Xagee qofka meel yeelanaya iyo beesha meel yeelanaysa xagee bay joogtaa? Waligay ma arag nin leh halkaan dooxada anigaa iska leh ha daaqin. Kuwaa meelo ayaamo dhawayd meel caws ood-ootay Gobolkan Nugaal waliba dooxooyinkaan iyagana ciidan baan ku kicinay oodii baan ka tuurtuurnay Geedkii noolaa oo waynaa waa goyeen kii ILAAHAY soo saaray oo xooluhu ay daaqi lahaayeenna way xirteen. Waan ka tuurnay dadkii iyo xoolihiiba way duceeyeen. Hadana way furan yihiin marka nin sheegan kara meel ma jiro oo isaga wax ILAAHAY dadka siiyay ka sheegan kara ma jiro bal iska daa mid kale."

 

"Waxaa weeye marka walaalayaal inagu hadaynu nahay Ummad dalkooda iyo dadkooda rabta inay noolaato rabta inay jirto rabta horumar rabta inay higsato maamul inuu u jiro rabta way is bedbedelayaan Maamulku. Aniga kuwaa iga horeeyey kuwana way iga danbaynayaan."

 

Cafis Madaxweyne

"Anagu waan naqaanaa intii dambiileyaasha ah way inoo tirsan yihiin waa tiro dadka beenhabaabisay oo habaabisay dadka Buurtaa Galgala ku jira iyo dad ku soo biiray oo dhul kale ka soo duulay iyo shisheeye. Dadka masaakiinta ah oo beenta loo sheegay oo galay oo markii sharciga dhowaan la pass-gareeyey oo Golaha Baarlamaanka pass-gareeyeen oo ah Sharciga Argagaxisada lagula dagaalamayo oo aan saxiixay maalin dhawayd intuusan dhaqan-gelin cidii ka baxaysa waa u furan tahay inay ka baxaan oo iyaga dambi gaar ah iyo dil gooni ah aan lagu helin. Hadeerba ha isaga baxeen haka carareen nooma qorna, nooma xisaabna ma soo qabsanayno. Waa cafis guud oo aan u jeedinayo intii aan dambi dil ah gaysan oo aan loo qabsan dil ileen kuwo badan baa la hayaa oo gacanta lagu hayaa. Haka faa’ideysteen caawa xuska sanadguurada 12-aad ee Dowladda Puntland."

 

"Waxaan kaloo sheegaya arrintaas markay soo dhamaato dadka Reer Puntland oo dhan Odayaashiisu iyo Ururada Bulshadu inay isugu imaan doonaan Hadii ILAAHAY idmo Shir Wadatashi ah sidii dalka loo hormarin lahaa oo dardar loo galin lahaa."

 

Ladagaalanka Burcadbadeeda iyo Tahriibta

"Hor'umarkaas Puntland ay ku tilaabsatay tirade badan oo ka mid tahay adkaynta Dhaqaalaha, arrimaha Bulshada, Dhisida ciidamada, Xiriirka Caalamiga hormarintiisa, iyo mar kasta la dagaalanka burcad badeeda oo aad ogtihiin dhibaatada ay ku hayaan dadkeena oo aad uga badan dhibaatada ay ku hayaan dunida. Maxaa yeelay Aduunweynaha ciqaab bay ku soo rogeen dad masaakiin ah oo musaafuriin ah oo wadooyinkaa marayo badda lacagna waa ka qaataan madax-furasho ah ciqaab aduunka ay ugu soo hormariyeenna way ku sameeyaan laakin inaga waxay inooga tageen dhaxal xun oo mujtamaceena cunay sida khamri iyo cuduro faafa oo fusuqaa inta la wadaagay la qaadsiiyay dadki naadiifka ahaa oo caafimaadka qabay."

 

"Iyo La dagaalkanka tahriibta iyo hormarinta iyo u heelanaanta in wadanka laga hirgaliyo mashaariic hormarineed. Waxqabadkaas oo aanan tafaashiisiisa koobeen hasayeeshee waxaa xasad u noqday dad nacsan in wax la qabto iyo in la arko in meel maamul ka dhismay in hor’umar laga gaari karo, in Somalida kale ay ku dayato iyadana maamulo dhisato dabeedna Dowladii dhexe oo Fedeeralka ah sida ku hirgasho – dad diidan ayaa cadow u noqday Puntland."

 

"Cadownimadaa loo noqday waxay keentay waxaa lagu qiyaasi karaa maahmaadaan Somalidu ay qofka xasadka ay ku tilmaamtay: 'Walaalka Xaragadana kuuma quuro, Xumaantana waa kugu caaya'."

 

'Somaliland haka baxdo Laascaanood'

"Waxaan rajaynayaa oo kale arrintii halkaan uu ka hadlaayay Garaad Cabdullahi Cali Ciid uu ka hadlaayay si tifatiran u sheegay baan sii ayidayaa. Horena waa uga hadalnay: Maamulka cusub ee Somaliland inay Xaqa gartaan iyo derisnimada iyo wada noolaanshaha dadka Somalida ah oo walaalaha ah oo waxba dhexoolin xaga Shacbiga inuusan raacin wadadii maamulkii isaga ka horeeyey ee dadka Gobolkaas Sool ku nool oo ay gacanta ku hayaan gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo tuulooyinka ku dhow ciidamo ka tirsan maamulkaas inay isaga baxaan oo nin walba akhyaarkiisa loo sii daayo Gobolladaas oo ka mid ah Puntland oo aan gorgortan gali karin marna si kastaba hala yiraahdee."

 

Fariin Bulshada

"Waad ogtihin hor'umar waxaa asal u ah Nabadgelyada, waxaa ku xiga Midnimada, waxaa ku xiga waxa xun oo la iska dhaafo oo waxa wanaagsan la adkaysto oo la isku daydo oo qofka wanaagsan noqdo qofka lagu daydo maha qofka xun. Kuwa qayilaaya oo fadhi-ku-dirirada oo aan waxba qabsanayn oo habeenkii oo dhan soo jeeda maalintii aan shaqo tagayn oo aan waxna kororsanayn waxna baranayn laguma daydo."

 

"Waxaa lagu dayanayaa kuwa wanaagsan oo iskuulada aada ama shaqaysanaya ama ciidamada oo qalabka qaadaya oo dalkooda iyo dadkooda daafacaya. Kuwaasaa ku dayasho mudan."

 

"Waxaan idinku waaniyanaa hadaad tihiin dadka Reer Puntland dhamaantiin ama Soomaali oo dhan ilmihiina meeshaa gaynaysaan ka fiirsada iyo cida wax u dhigaysa. Ma waxbaa la barayaa mise waa la habaabinayaa? Ma waxaan beeraynaa dadkeenii yaryaraa oo dhan kuwo cadow dadka iyo dalkeena u ah? Waxaa loo dhigaayo hubiya. Quraan waa la dhigan jiray, macalimiin waa la arki jiray. Waligay wax xun oo dalka ku xun nalooma sheegin mana ogayn mana malaynayn laakin hada way dhacday."

 

Fariin Warbaahinta

"Waxaa weeye dadku inuu warka gaaro waa la rabaa, laakin wararka qaarkood propaganda ay ku shubtaan dadka iyagu shaqaaqada wada oo isku qarinaya Diinta Islaamka in la baahiyo ma istaahilaan maxaa yeelay intay wax bi’iyaan bay cid kale masabidaan oo yiraahdaan, 'Halkaasaa loo malaynayaa' ama 'Waxaa loo malaynayaa aano qabiil' 'waxaa loo malaynayaa laba reer baa isdilay'"

 

"Waad aragtaan hadii qof la dilo propaganda meel kasta waxaa la leeyahay 'Amaanku ma sugna' hadii wax wanaagsan la sameeyana waxaa la leeyahay waxa wanaagsan yuu sii soconee halaga hortago."

 

Tahniyad Heshiiskii Ethiopia iyo Jabhada Somali Galbeed

"Waxaan u tahniyadeenayaa Dowladda Ethiopia iyo Dadka Kilinka Soomaaliyeed ee Shanaad oo heshiiska ku gaaray inay qoryaha dhigaan oo nabad qaataan oo dhinac ka noqdaan ku dulaalada ah oo Dibadaha dadka dhiigiisa ku ganacsanaaya afmiishaarada ah anigu waan ku aqaan qaarkood Dibadaha qaarkoodna hade meelaheena xitaa waa lagu sheegaa iyagoo ku dhuundhuumanaaya anagu aan ka sooci karin dadka inoo soo qaxay ileen waa la isku dhexjiraa. Waxaan ugu baaqayaa nabad cid kasta oo donaysta inay nabad gudaheeda ka heshiiso ama ha ahaato qabaa'il islaayay ama Dowlada Puntland iyo wixii kaloo wax isku haystaan oo aan ahayn kuwa dambiyada gaarka ah galay ama xiriirka caalamiga ah oo argagaxisada ku lug leh inay nabad isugu yimaadan oo wixii ay isku hayaan meel iska dhigaan."

 

Shirkii Sanca Forum

"Waxaa maanta loo fadhiyay Magaalada Sanca wadamada ka tirsan Geeska Afrika iyo Yemen shir lagu magacaabo Sanca Forum sida argagaxisada iyo burcadbadeeda meel looga mari lahaa iyo dadka Tahriibeyaasha ah…Waxaan rajaynayaa shirkaas inuu ka soo baxo natiijo qaali ah anagu nasiib uma helin inaan ka qaybqaadano waana la rabay inaan tango laakin xaga transport-ka cirka ayaa aad iyo aad ayaa dhulkaan uga curyaansan yahay waana ka bixi doonaa hadii ALLE idmo laakin qoraal baan u dirnay aanu kaga codsanayno in Qadiyadda Puntland iyo Somalia lagu soo qaado oo dadka u dagaalamaya xaqooda oo argagaxisada la dagaalamaya taageero siyaasadeed iyo mid afeed iyo mid gacmeedba intaba la siiyo. Guul baan u rajaynayna in wadamada Afrika ay isku raacaan inay Somalia ka badbaadiyaan dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeedna iyagaaba isaga filan wiilal xunxuna oo dambiil loo soo dhiibay ha iska wada qabteen caruurtoodana hala baxeen meelaha ayagu ay ku urursan yihiin."

 

Ducadii Madaxweynaha

Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisii ku soo gabogabeeyey Duco:

 

"ILAAHAY towfiiqda ha ina waafajiyo Nabadeena ILAAHAY ha inoo quweeyo wixii inaga xasad inagu ah ama col inagu ah ILAAHAY ha inaga qabto inaga nin-na kuma ahinee. Dalka Soomaliyeedna ILAAHAY haka saaro shidada dadka Soomaaliyeedna ILAAHAY xasadka iyo qabyaalada iyo waxa xun ILAAHAY haka saaro iyaguna ha isku tashadeen."

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The above is a comprehensive and wide-ranging Presidential speech. It entails everything one's needs to know.

 

Read bit by bit and try to comprehend the finer details in it and perhaps mark and take out a blueprint of the governments policies.

 

Anyway nice reading.

Share this post


Link to post
Share on other sites

good read overall.

 

But the following passage shows the shallowness of Faroole SSC strategy:

 

'Somaliland haka baxdo Laascaanood'

"Waxaan rajaynayaa oo kale arrintii halkaan uu ka hadlaayay Garaad Cabdullahi Cali Ciid uu ka hadlaayay si tifatiran u sheegay baan sii ayidayaa. Horena waa uga hadalnay: Maamulka cusub ee Somaliland inay Xaqa gartaan iyo derisnimada iyo wada noolaanshaha dadka Somalida ah oo walaalaha ah oo waxba dhexoolin xaga Shacbiga inuusan raacin wadadii maamulkii isaga ka horeeyey ee dadka Gobolkaas Sool ku nool oo ay gacanta ku hayaan gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo tuulooyinka ku dhow ciidamo ka tirsan maamulkaas inay isaga baxaan oo nin walba akhyaarkiisa loo sii daayo Gobolladaas oo ka mid ah Puntland oo aan gorgortan gali karin marna si kastaba hala yiraahdee."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole is talking rubish, all the silly moves he made specially with the security forces have come to bite him in his behind.

 

The sooner he leaves the better, but we need a strong new champion.

 

Insha Allah khair.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I agree with xiinfaniin on this particular sentiment. We need strong leadership.

 

But however the overall speech was worthy the title of 'Presidential Speech'. He's been lacking on the SSC issue and found out to be short in that department.

 

The focus will be on security but I don't believe Laascaanood is on his agenda now particularly at this time of his presidency.

 

He will leave Laascaanood on the last burner, when everything else fails than he will be trying to dig him self out of his self imposed dilemma.

 

Faroole needs to step up on this issue I believe. Leave the SSC folks to fight for their goal which is the same as Puntland's without any harassing from the governments sides or hindering in that manner and don't interfere if they try to do what the government has failed to do in their duty.

 

I'm with xiin on this matter.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland declares war on terrorists and pirates

 

3 Aug 3, 2010 - 11:29:23 AM

 

The leader of northern Somalia's stable Puntland government has vowed to fight terror groups who have "attacked Puntland," Radio Garowe reports.

 

Dr. Abdirahman Mohamed Farole, Puntland's president who won the peaceful 2009 election, spoke at the State House in the Puntland capital Garowe to mark the 12th anniversary since Puntland's formation in 1998.

 

The ceremony also marked the first time that Puntland's new state flag was raised officially at the State House.

 

farole-deep_3.jpg

Puntland President Abdirahman Farole

 

President Farole's 37-minute speech addressed many topical issues, including: terrorism and piracy; regional and global security; politics and the Islamic religion; assassination of Puntland officials by terror groups; Puntland's foundation and pro-federal stance; and many related issues.

 

The President praised and thanked Puntland's security forces, who killed 13 militants during a July 26 battle in Karin, an army post in the southern outskirts of the port city of Bossaso, Puntland's commercial capital.

 

"I praise our security forces for their struggle to defend the State and its people against terrorists and their sympathizers," President Farole said.

 

Puntland 'welcomes all Somalis'

 

pl-flag_8.jpg

Flag of Puntland

 

President Farole said that when Somalia's last effective government collapse in 1991, many Somalis fled to the relative safety of Puntland regions in the northeastern corner of Somalia.

 

"All Somalis benefit from Puntland's peace today. Puntland used to be a remote place where cars could not access as it was neglected by Somali governments…The military dictatorship [of Gen. Barre] targeted this region and prevented development and infrastructure initiatives, except the north-south highway," Puntland's leader stated.

 

Continuing, he said: "The Somalis who fled to Puntland – including natives of the southern regions – were all welcomed as fellow Somalis and everyone was happy. But as the conflict in the south continued, and this devil called Al Shabaab emerged, it is worthy to mention that terrorists dispatched from the south to create insecurity in Puntland were hiding among the newcomers."

 

Targeted killings

 

puntlandmap_5.jpg

Map of Puntland

 

President Farole said: "The terrorists responsible for the targeted killings of Puntland government officials and civic leaders intend to create disorder until the people ask themselves, 'Can we live here in peace?' They want people to leave Puntland out of fear. Eventually, the terrorists want the people to surrender and say, 'Let us follow them [terrorists] or they will kill us' . This is the true intention of their evil."

 

Puntland's leader said he will fight against Al Shabaab and their sympathizers hiding out in parts of Puntland's Golis mountain range.

 

"I am informing you, in my capacity as the elected leader of Puntland and my duty to the people of Puntland and generally to all Somalis, that we [Puntland] will fight against the terrorists who hide under the Islamic religion," President Farole declared to the crowd's thunderous applause.

 

President Farole accused an individual on the U.S. wanted list, Mr. Mohamed Said Atom, of hosting Al Shabaab members in the Galgala hills, located southwest of Bossaso.

 

"Atom was recorded speaking on Paltalk Internet chat-room and he said: 'We are members of Al Shabaab, and the Al Shabaab are members of us.' Two days later, Atom and the Al Shabaab spokesman named Ali Dheere denied Atom's original declaration," President Farole said, while referring to a controversial interview the two men gave to Voice of America's Somali section. READ: Al Shabaab and Galgala militants deny each other [Report]

 

President Farole accused Al Shabaab of wanting to "create havoc around the world" and explicitly blamed them for the 7/11 bombings that killed more than 70 people in Uganda.

 

"Al Shabaab are not youth. The youth is the 13 founders of the Somali Youth League who steered Somalia towards independence [in 1960]. They [Al Shabaab] are directed by remote-control to destroy the whole world and to seize the Middle East and all of Somalia. They do not want peace or government. They want to spread chaos to the entire Horn of Africa sub-region, the Red Sea, and all the governments around," Puntland's president said.

 

Limited presidential amnesty

 

Puntland's leader said Atom's claims that he represents "clan interests" are also false and intended to mislead the public.

 

"He [Atom] scared off a group of clan elders we gave an opportunity to find a solution for months but he told them [elders] that 'his clan was attacked'. This was Atom's attempt to turn the situation into a clan issue but it did not work," President Farole said.

 

The president stated that "no clan claims the territory of another clan in Puntland" and that "all Somali clans share grazing land, forget Puntland clans only."

 

President Farole used an example where Puntland security forces tore down "illegal structures" built by nomads in Nugal region, where Puntland's capital Garowe is located. The nomads' illegal structures cordoned off grazing land and were designed to prevent other nomads' livestock from grazing or drinking water, but Puntland forces tore them down.

 

"The criminals in Galgala hills are listed for us. The poor people who have been lied to – the opportunity is open for you to leave now, before the Counterterrorism Law goes into effect. We [Puntland] will not pursue you. This is a general amnesty in honor of Puntland's 12th Anniversary but excludes those responsible for killings and those connected to international terror groups," President Farole said. READ: Puntland Cabinet approves counterterrorism law

 

'Piracy leaves evil legacy'

 

President Farole said his administration has accomplished many tasks since the January 2009 presidential elections.

 

He noted the Puntland government's ongoing crackdown against pirates and human smuggling ring. Puntland has jailed nearly 300 convicted and suspected pirates, the most anywhere in the world today.

 

The president said: "As you know, piracy leaves an evil legacy in Puntland such as social problems like alcohol and adultery. This legacy is far [greater] than the suffering felt by the international community except for the personal suffering of pirates' hostages."

 

Mr. Farole added: "Puntland's enemies do not want to see a stable region with a functioning government for all Somalis to emulate and together to build a strong federal government for Somalia."

 

Located in northeastern Somalia, Puntland functions as a self-government and supports the establishment of a Federal Somalia.

 

The region has been relatively stable since 1998 and has held three successful presidential elections since.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland declares war on terrorists and pirates

 

3 Aug 3, 2010 - 11:29:23 AM

 

The leader of northern Somalia's stable Puntland government has vowed to fight terror groups who have "attacked Puntland," Radio Garowe reports.

 

Dr. Abdirahman Mohamed Farole, Puntland's president who won the peaceful 2009 election, spoke at the State House in the Puntland capital Garowe to mark the 12th anniversary since Puntland's formation in 1998.

 

The ceremony also marked the first time that Puntland's new state flag was raised officially at the State House.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Middle finger aint got nothing but a stinking middle finger that stinks to high heaven.

 

Ama giving this dude till december to run back to his ole td driving job in down under! He drove NE somalia to the shyte-pit.

 

watch my word.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I think this man is good for Puntland. He seems more reasonable and a man willing to compromise for the sake of peace in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole needs two things to address,

One---He needs to better understand Ethoipian policies towards the state, perhaps not blindly take orders from them.

Second---for Gods sake inuu madax adayga iyo macangagnima iska dhaafo.

otherwise i think he is a fine leader.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

It is interesting how a sizable number of Faroole supporters are Somalilanders. Hawl fiican buu u hayaa nimanka.
:D:D

Haduu saakimi waayo

Gabadh suurad wanaagsan baan

Surrada ugu dhisaa.

Haduu saakimi waayo

Xoolo gooni u soofiyo

Sadadaan ku ladhaa

Haduu saakimi waayo

Seeddow, mood iyo mood iyo

Salaantaan badiyaa.

Haduu saakimi waayo..... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this