Sign in to follow this  
ANWAR

SOMALI PROGRESSIVE PARTY

Recommended Posts

ANWAR   

Horudhac

 

Ka dib markii aan aragnay baahida Ummadda Soomaaliyeed ee xiligan u qabaan in la helo dad Soomaaliyeed oo maskaxdoodu ka caafimaad qabto caadifad qabiil iyo u hiilinta danaha cadowga Soomaliyeed ayaan go’aansanay in aan dhisno xisbigan oo howshiisu tahay horumarinta wadanka ee dhinaca dhaqaalaha, arimaha bulshadda & ku soo dabaalitaanka nabadgelyada Soomaaliya oo Dagaalo sokeeye halakeeyeen 16 sano ee la soo dhaafay.

 

-Ka dib markii aan ogaanay in Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah oo kaashanaya Cadowga Islaamka (Mareykanka) iyo caada qaateyaal ay qabsadeen wadanka isla markaana Itoobiya oo gumaysi gaamuray ah qabsatay caasimadda Soomaaliyeed & guud ahaan Gobolada Dalka, xisbigu waxa uu dareenka wadaninimo ku raacsan yahay Ummadda diidan kana dhiidhineysa in dalkaada dal kale qabsado, isla markaana waxaan sharci daro qaawan ku tilmaamaynaa qabsashada Dhulka Soomaaliyeed.

 

 

Ka dib markii aan aragnay in umadda Soomaaliyeed ay ka aamuseen waxa loogu yeero Bulshada Caalamka iskana indha tireen wax u qabad la’aanta Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan xisbigan waxa uu balan qaaday in uu bulshada caalamka u soo bandhigi doono baahida rasmiga ah ee ummadda Soomaaliyeed.

 

Ka dib markii aan aragnay dagaalada Muqdisho laga hurinayo & madaafiicda arxan daradda ah ee Amxaaradu ku garaacayso Shacabka Soomaaliyeed habeen & maalin, sidoo kale dhaawacyadda faraha badan ee yaala isbitaalada Muqdisho & caruurta la ildaran cudurka Colera ee daadsan shamiitada qalalan ee Banaadir Hospital iyo dhibaatada baaxada weyn ee shacabka heysata.

 

 

Baaq:

 

Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa

 

 

Wuxuu ku baaqayaa Xisbiga SOMALI PROGRESSIVE PARTY qodobada soo socda :

 

1. Waxaan ugu baaqaynaa Hay,adaha caalamiga ah ee caafimaadka inay daawo deg deg ah la soo gaaraaan shacabka Soomaaliyeed

 

2. in shacabka Soomaaliyeed is afgartaan laguna xaliyo wax kasta

wadahadal & shareecada Islaamka. Iskana ilaaliyaan in ay mar kale

isku dagaalaan qabiil iyo waxkasta oo dhibaata u keenaya umadda

Soomaaliyeed.

 

3. Hadii ay dalka Soomaaliya yimaadeen ciidamada AU-da midowga Afrika waxaan ka codsanaynaa in ay u turaan Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka baxaan dalka ciidamada Ethiopia taasi oo ah in ay Soomaalidu xasuusan tahay Taariikh aysan iloobi Karin

.................................................

 

somali_women.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this