ANWAR Posted March 23, 2007 Horudhac Ka dib markii aan aragnay baahida Ummadda Soomaaliyeed ee xiligan u qabaan in la helo dad Soomaaliyeed oo maskaxdoodu ka caafimaad qabto caadifad qabiil iyo u hiilinta danaha cadowga Soomaliyeed ayaan go’aansanay in aan dhisno xisbigan oo howshiisu tahay horumarinta wadanka ee dhinaca dhaqaalaha, arimaha bulshadda & ku soo dabaalitaanka nabadgelyada Soomaaliya oo Dagaalo sokeeye halakeeyeen 16 sano ee la soo dhaafay. -Ka dib markii aan ogaanay in Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah oo kaashanaya Cadowga Islaamka (Mareykanka) iyo caada qaateyaal ay qabsadeen wadanka isla markaana Itoobiya oo gumaysi gaamuray ah qabsatay caasimadda Soomaaliyeed & guud ahaan Gobolada Dalka, xisbigu waxa uu dareenka wadaninimo ku raacsan yahay Ummadda diidan kana dhiidhineysa in dalkaada dal kale qabsado, isla markaana waxaan sharci daro qaawan ku tilmaamaynaa qabsashada Dhulka Soomaaliyeed. Ka dib markii aan aragnay in umadda Soomaaliyeed ay ka aamuseen waxa loogu yeero Bulshada Caalamka iskana indha tireen wax u qabad la’aanta Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan xisbigan waxa uu balan qaaday in uu bulshada caalamka u soo bandhigi doono baahida rasmiga ah ee ummadda Soomaaliyeed. Ka dib markii aan aragnay dagaalada Muqdisho laga hurinayo & madaafiicda arxan daradda ah ee Amxaaradu ku garaacayso Shacabka Soomaaliyeed habeen & maalin, sidoo kale dhaawacyadda faraha badan ee yaala isbitaalada Muqdisho & caruurta la ildaran cudurka Colera ee daadsan shamiitada qalalan ee Banaadir Hospital iyo dhibaatada baaxada weyn ee shacabka heysata. Baaq: Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa Wuxuu ku baaqayaa Xisbiga SOMALI PROGRESSIVE PARTY qodobada soo socda : 1. Waxaan ugu baaqaynaa Hay,adaha caalamiga ah ee caafimaadka inay daawo deg deg ah la soo gaaraaan shacabka Soomaaliyeed 2. in shacabka Soomaaliyeed is afgartaan laguna xaliyo wax kasta wadahadal & shareecada Islaamka. Iskana ilaaliyaan in ay mar kale isku dagaalaan qabiil iyo waxkasta oo dhibaata u keenaya umadda Soomaaliyeed. 3. Hadii ay dalka Soomaaliya yimaadeen ciidamada AU-da midowga Afrika waxaan ka codsanaynaa in ay u turaan Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka baxaan dalka ciidamada Ethiopia taasi oo ah in ay Soomaalidu xasuusan tahay Taariikh aysan iloobi Karin ................................................. Quote Share this post Link to post Share on other sites