Sign in to follow this  
General Duke

PM Geedi: announces Mogadishu commitee headed ByMinister Aydeed:

Recommended Posts

20040521143827aideed203bodyap.jpg

 

Nairobi: Ras'iisal Wasaare Geedi oo Gudi Heer Qaran ah u magacaabay Muqdisho

- Tuesday, March 22, 2005 at 20:57

 

Nairobi (AllPuntland)- Ras'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u magacaabay gudi heer qaran ah oo uu madax u yahay Xuseen Maxamed Caydiid, wasiirka arimaha gudaha federaalka Soomaaliya ahna ra'iisal wasaare ku xige inay ka hawlgasho nabadaynta iyo maamul u samaynta magaalada Muqdisho.

 

Gudiga uu magacaabay Prof. Geedi ayaa lagu sheegay wareegto maanta uu kasoo saaray xafiiskiisa Nairobi in ay hawshoodu noqonayso qorshaynta, maamul u samaynta iyo guud ahaan nabadaynta magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Gudigaan ayaa loo xilsaaray habaynta, qorshaynta qaabka ugu haboon ee loo xaraynayo loona tababarayo maleeshiyooytinka Muqdisho ku hubaysan.

 

Ra'iisal wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in hawsha gudigaan ay tahay mid horay u dhaqaajinaysa in dawladu ku taalaabsato hawlaheeda amaanka Muqdisho lagu sugayo.

 

Gudiga Ra'iisal Wasaaruhu magacaabay oo 11 xubnood ka kooban waxay kala yihiin:

 

Xuseen Maxamed Caydiid - Guddoomiye

Cali Cabdullaahi Cosoble

Cabdiraxmaan Yusuf Diiriye

Xasan Maxamed Nuur

Xasan Abshir Faarax

Mowliid Macaani Maxamuud

Cabdicasiis Sh Yusuf

Ibraahim Sh Cali

Fahma Axmed Nuur

Amiin Axmed Shiikh

Xuseen Cabdisalaam

AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Kii ugu weynaa qabqablayaasha aawey? Last name was "Yalaxoow" LOL. Just wondering if he can cause trouble because of the exclusion he was excluded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Maxamed Geeddi oo Magacabay Guddi ka shaqeeya sidii Muqdisho Maleeshiyooyinka looga saari lahaa

 

(Magacyada Guddigas iyo Kooxaha Muqdisho oo laga reebay Guddigaas)

 

Wareegto shalay ka soo baxday Xafiiska Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu magacabay guddi wasiiro ah oo hirgeliye qorshe lagu doonayo in wax looga qabto magaalada muqdisho.

 

Guddigan ayaa shaqadiisa lagu sheegay inay tahay in magaalada muqdisho ka saran maleeshiyooyinka laguna xaraynayo meelo bannaanka ka ah magaalada muqdisho,iyadoo la tababarayo halka qaar kale dhaqancelin lagu sameeyn doona.

 

Guddigan ayaa sida muuqato waxaa lagu soo darin hoggaamiyeyaasha hubka iyo awooda ku leh xamar,waxaana guddoomiye looga dhigay Guddigan Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, waxaana ka mid ah Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud oo ah Wasiirka Beeraha,Wasiirka Kalluumeysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka Waxbarashada Cali C/llaahi Cosoble, Wasiirka Dhulka Mowliid Macaan Maxamud,Wasiirka Caafimaadka C/siis Sheekh Yuusuf,Wasiiro-dowlaha arrimaha dibadda Ibraahim Sheekh Cali (Ibraahim Jeebo) Drs Fahma Axmed Nuur Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Guriyeynta C/raxmaan Yuusuf Diiriye (Indha-buur) Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Aamin Axmed Sheekh,Wasiir kuxigeenka Dhirta iyo deegaaminta Xuseen C/salaan Maxamed.

 

Guddigan ayaa sida muuqato waxay ka kooban yihiin 11 xubnood, kumana jiraan raga awooda ku leh Gobolka Banaadir sida Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cusmaan Caato, Cumar Finish iyo raga kale, marka laga reebo Xuseen Caydiid, iyadoo la ogyahay in Xuseen Caydiid muqdisho ka maqan yahay in ku dhaw 4 sano kadib markii lagu weeraray Dekedda magaalada muqdisho.

 

Guddigan ayaa shaqadooda waxay bilaabayaan laga bilaabo maalintii shalay, waxaana la sheegay inay kulamo la yeelan doonan kooxaha Siyaasadda muqdisho.

 

Dhanka kale guddigan ayaa dadka qaarkiis waxay ku sheegen inuu yahay mid la doonayo inuu sii laado heshiis 12 kii Marso Nairobi ku gaareen kooxaha Xamar kaas oo dhigayay in Maamul loo sameeyo magaalada muqdisho, iyadoo heshiiskaas ka koobana 29 qodob, waxaana la sheegay in loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha laakiin waxba kama soo qaadin ayaa la yiri.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno Gaaraya ilaa 11 oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho

Posted on Wednesday, March 23 @ 13:41:02 CET by editor

 

wassirka koowaad ayaa waxa uu Magaacay Laba golle oo oo nidaamina holgal lagu nidaaminayo caasimada soomaali ee Muqdisho waxaana gudomiya u ah Eng.Xuseen Maxamed Caydiid.

 

 

Wasiirka koowaad ee dowlada FKMG ah ayaa xalay magaacabay xubno ka mid ah labada golle oo hormuud u noqon doona howlgal lagu nidaaminayo amaanka caasimada dalka ee mogadisho maamulna loogu samaynayo ka hor inta aysan dowladdu caga dhiganin.

Guddigan ka mid ah laba golle ee dowlada iyo baaralamaanka waxa ay ka kooban yihiin 11 xubnood uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamad Caydiid,go'aankan wasiirku ku magacaabay xubnahan ayaa ka dambayay maalin kadib markii uu wasiirka koowaad keenay ajande dhan ka ah caasimadda soomaaliya oo dowlada lagu dajinayo laba magaalo ah oo baydhaba iyo jowhar wasiiradda badankoodna ay u codeeyeen kadib markii ay banaanka uga soo baxeen shirka wasiiro xoog ku leh caasimadda oo sheegay in lagu xadgudbay dastuurka dalka u yaalla oo dhigaya in dowladdu dagto caasimadda Somaliya ee mogadisho.

 

Balse wasiirka waxa uu sheegay in ujeedada loogu guurayo labadan magaalo ay tahay kadib markii kulankii hogaamiyayaasha mogadisho ay ku sheegeen in muddo 3bilood ah ay ku xalinayaan caasimada dalka sidaas awgeedna ay dowladdu mudadaas sii dagi doonto magaalooyinka loo codeeyay.

 

Gudigan oo howshooda bilaabaya maalmaha soo socda sida uu ra'iisul wasaaruhu sheegay waxaa ay kala yihiin.

 

1.Ing.Xuseen Maxamad Caydiid. Gudoomiye.

 

2.Xasan Abshir Faarax.

 

3.Hassan maxamad Nuur

 

4Amiin axmad shiiq.

 

5.Mowliid macaane Maxamuud.

 

6Fahma Axmad Nuur.

 

7.Ibraahim Sh Cali

 

8.C/casiis Sh yuusuf.

 

9.C/raxmaan Yuusuf Diiriye

 

10.Xuseen C/salaam

 

11.Cali C/llaahi Osoble.

 

Gudigan waxa ay gudagalayaan iskuba ridka howlaha ay dowladda u baahan tahay sida xafiisyadda,Goobihii ay dagi lahayd dowladda iyo amaanka guud oo loo sameeyo booliis ilaaliya xafiisyada iyo xarumaha dowladda ka hor inta laga samayanayo nidaam guud oo ay caasimaddu ka howla markaas oo ay dowladuna usoo guuri doonto xamar.

 

Dhinaca kale waxaa go'aankan lagaga wareegay caasimadda u codayntisi ka baxay wasiiro ka u badan kuwii heshiiska ku galay in ay caasimadda u dhisayaan maamul iyo amaan uuna mid yahay Muuse suudi,maxamad Qanyer afrax Cismaan caato iyo wasiiro kale oo gaaray 10 xubnood,waxa ayna dhamaantood sheegeen markii ay ka soo baxen shirkii wasiiradda in lagu xadgudbay dastuurka oo dhigana in caasimaddu tahay xamar dowladduna ay ka bilaawdo howlgalkeeda ugu horeeya.

 

Lama ogga wax ku xigi doona talaabada uu qaaday wasiirka koowaad cali Maxmad geddi ee ah magacaabista guddigan iyo howlahooda,waxaana la filayaa in dowladdu dhawaan ay u kala guurto goobahaas.

 

Canab Mumtaaz.

 

ONKOD News.

 

Keny -Nayrobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this