Sign in to follow this  
General Duke

Inurgency led by IndaCade....hypocracy of the Al Shabaab

Recommended Posts

Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta

 

Jimco, June 20, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in uunsan khuseynin heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in sida uu u yiri raggii heshiiskaas saxiixay ay ahaayeen kuwo la goostay wixii ay mas’uulka ka ahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan heshiiskaas wakiil uga ahayn.

 

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu sheegay in isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu Heshiiskaas waxba kala soconin, sidaas darteedna uusan khuseynin, “Walaalow annaga heshiiskaas nama khuseeyo, waana sii socon doonaa dagaalka Ciidmada Itoobiya looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Yuusuf Indha Cadde in ay ka digtoonaadaan shirqoollada loo dhigayo, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo heer caalami ah oo marba weji loogu soo yeelayo.

 

“Dadkani waxaa Dad Muslimiin ah haddii ay wax qeybsanayaan waxay wax ku saleysanayaan Kitaabka Alle”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in haddii ay dhaceyso in ay wax qeybsadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay wax ku qeybsanayaan qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5).

 

Ugu dambeyntiina, hadalka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 9-kii bishan ay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen-na ay ugu muhiimsan yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah, inkastoo lagu xiray shuruud ah marka ay yimaadaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta

 

Now its sad that this buffoon, is the real power behind the insurgents.

 

This gives us confidance that, he will not get far. We hope his blind supporetrs would come around and spare the children.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indha Cade, sow maaha ninkii Itobiya u fooriyey ee yiri iska dalkeenee Ardisababa ayaan idiinku imaaneynaa, markuu arkay iney soo dhaqaaqeena diyaarad ku boodey ee isaga Mansuur israaceen Xaj aan waajib ku ahayn wakhtigaa asaga ah aadey, miyuusan ahayn ninkii Kenya kula soo shiri jirey Mareykan lacagtana kaga soo qaadan jirey, misuun ahayn ninkii Beeraha dadku lahaayeen canshuurta kaga guran jirey, miyuusan ahayn ninkii Sidii GEEDI BAABOW dhihi jirey Odey hebel Gabadhiisa cawada ha la ii meheriyo waa gabar hadey u badato 15 jir ah, oo waxaa hadba meel ila joogta oo aanan been ka sheegeyn gabar reer Marka ah oo ka mid ah gabdhihii sidaa la yeeli jirey, oo aabaheed habeyn madow ka saarey magaaladii keenay Xamar kadibna laga soo dhoofiyey oo kenya la keenay sidaasna maraykanka lagu soo geliyey miyaa intuu Cimaaamad qaato oran kara dal baan xoreynayaa cadowga uu sheegayo waa kuwa uu ku soo casumay dalka weliba muqdisho iyo marekankuu Lacgta sida caadada u hayd Qab Qablayaasha oran jireen Argagixisaa Joogta, miyeysan kuugu imaan jirin marka ayagoo xogta kaa qaadanay maxaad maanta sheegi kartaa Indhacadoow waa dakaas oo kale dadka dhminaaya waa inaan ka diidnaa

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Indhacade is not Al-Shabaab mate, he's an opportunist. There was a time when revoking his name worked but not anymore. The whole Indha-cade shebang doesn't have the same flair, you get me? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Its an art form I know.

In almost all parts of the world,it is called a Lie. Thought i would mention that,Duke smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^You have to admit though, it takes a skill to repackage it and sell it to the consuming public
smile.gif
.

True. Only a professional habitual liar can pull that off. I gotta give it up to Duke for perfecting that skill. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this