General Duke Posted June 20, 2008 Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Jimco, June 20, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in uunsan khuseynin heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya. Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in sida uu u yiri raggii heshiiskaas saxiixay ay ahaayeen kuwo la goostay wixii ay mas’uulka ka ahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan heshiiskaas wakiil uga ahayn. Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu sheegay in isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu Heshiiskaas waxba kala soconin, sidaas darteedna uusan khuseynin, “Walaalow annaga heshiiskaas nama khuseeyo, waana sii socon doonaa dagaalka Ciidmada Itoobiya looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Yuusuf Indha Cadde in ay ka digtoonaadaan shirqoollada loo dhigayo, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo heer caalami ah oo marba weji loogu soo yeelayo. “Dadkani waxaa Dad Muslimiin ah haddii ay wax qeybsanayaan waxay wax ku saleysanayaan Kitaabka Alle”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in haddii ay dhaceyso in ay wax qeybsadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay wax ku qeybsanayaan qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5). Ugu dambeyntiina, hadalka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 9-kii bishan ay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen-na ay ugu muhiimsan yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah, inkastoo lagu xiray shuruud ah marka ay yimaadaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2008 Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in uusan khuseynin heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Now its sad that this buffoon, is the real power behind the insurgents. This gives us confidance that, he will not get far. We hope his blind supporetrs would come around and spare the children. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted June 20, 2008 I like how you post articles and then put your own misleading titles and interpretations on them. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2008 ^^^Its an art form I know. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 20, 2008 Indha Cade, sow maaha ninkii Itobiya u fooriyey ee yiri iska dalkeenee Ardisababa ayaan idiinku imaaneynaa, markuu arkay iney soo dhaqaaqeena diyaarad ku boodey ee isaga Mansuur israaceen Xaj aan waajib ku ahayn wakhtigaa asaga ah aadey, miyuusan ahayn ninkii Kenya kula soo shiri jirey Mareykan lacagtana kaga soo qaadan jirey, misuun ahayn ninkii Beeraha dadku lahaayeen canshuurta kaga guran jirey, miyuusan ahayn ninkii Sidii GEEDI BAABOW dhihi jirey Odey hebel Gabadhiisa cawada ha la ii meheriyo waa gabar hadey u badato 15 jir ah, oo waxaa hadba meel ila joogta oo aanan been ka sheegeyn gabar reer Marka ah oo ka mid ah gabdhihii sidaa la yeeli jirey, oo aabaheed habeyn madow ka saarey magaaladii keenay Xamar kadibna laga soo dhoofiyey oo kenya la keenay sidaasna maraykanka lagu soo geliyey miyaa intuu Cimaaamad qaato oran kara dal baan xoreynayaa cadowga uu sheegayo waa kuwa uu ku soo casumay dalka weliba muqdisho iyo marekankuu Lacgta sida caadada u hayd Qab Qablayaasha oran jireen Argagixisaa Joogta, miyeysan kuugu imaan jirin marka ayagoo xogta kaa qaadanay maxaad maanta sheegi kartaa Indhacadoow waa dakaas oo kale dadka dhminaaya waa inaan ka diidnaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 23, 2008 Yusuf Inadacde Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 24, 2008 Indhacade is not Al-Shabaab mate, he's an opportunist. There was a time when revoking his name worked but not anymore. The whole Indha-cade shebang doesn't have the same flair, you get me? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted June 24, 2008 Originally posted by General Duke: ^^^Its an art form I know. In almost all parts of the world,it is called a Lie. Thought i would mention that,Duke Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 24, 2008 ^You have to admit though, it takes a skill to repackage it and sell it to the consuming public . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted June 24, 2008 Originally posted by Paragon: ^You have to admit though, it takes a skill to repackage it and sell it to the consuming public . True. Only a professional habitual liar can pull that off. I gotta give it up to Duke for perfecting that skill. Quote Share this post Link to post Share on other sites