Mintid Farayar Posted November 13, 2009 Originally posted by General Duke: ^^^How has Puntland tried to blackmail the TFG? Explain yourself lad. 1- Give us the lion's share of proceeds from the international community 2-Let us write the future Constitution in our home town (basically setting the terms of power distribution within the Federal structure as well as regional vis-a-vis Federal power distribution) That's why it's called a shakedown or blackmail. When Ina Abdirashid went back to Mogadishu and showed the boys in Xamar the document he signed with his Tol, he was quickly told what to do with it. Today, you have the results... Wax kastaba waa inaan far-waaweyn kuugu qoro, no!? Try the security angle again, it's brought some dividends in the past Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 14, 2009 Nayrobi: Madaxweynaha Puntland oo ku jiheysan Addis Ababa 13. november 2009 APL Nayrobi(AllPuntland)- APL ayaa heshay xaqiijinta warka sheegaya in uu Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo caawa usocdaalayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo ay la socdaan qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada. Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirka arrimaha gudaha, dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir) iyo Wasiiro kale ayaa uduulaya magaalada Addis Ababa, markii ay casumaad ka heleen Raysalwasaaraha dalka Itoobiya. Xiriirka labada dhinac ayaa lasheegay in lugu soo qaadayo wada xaajoodyadaasi, ayadoo ay maalmihii ugu dambeeyey uu xumaaday xiriirka Puntland & Itoobiya, hadana dawladda Puntland ayaa aqbashay in ay Madaxdeedu tagaan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Mr, C/rixmaan ayaa horay ugu diray dawladda Itoobiya warqad uu kaga hadlayay, falkii ay ciidan ka tirsan Itoobiya ku galeen deegaanadiisa, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taasoo ay dawladda Puntland uqabatay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dawladda Itoobiya, oo hada lugu hayo Xabsiyada sida gaarka ah loo ilaalsho ee Puntland. Itoobiya ayaa doonaysa in ay la baxdo Saraakiishaas, balse taasi waxaa dhabarka ujeedisay dawladda Puntland, oo ku sheegtay mid aysan marnaba aqbali doonin, sidoo kale dawladda Puntland ayaa saraakii ka tirsan ay usheegeen APL in ay jiraan shakiga ah in Itoobiya & ONLF, ay doonayaan in ay ku dagaalamaan gudaha Puntland, taasoo wax aan la aqbali Karin ay ku sheegtay Xukuumada Puntland. Madaxweynaha Puntland Dr, C/rixmaan Sheekh Maxamed ayaa hor-dhigaya Raysalwasaarah dawladda Itoobiya Meles Zanewi qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha labada dhinac, ayadoo la filayo in ay dhinacyadu si dhab ah uwada hadlaan, ka dibna ay soo saaraan go’aamo ku wajahan xaaladaha dalka Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 14, 2009 Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu horkacayo oo u dhoofay Itoobiya Jimco, November 13, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa intii uusan u dhoofin dalka Itoobiya waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Soomaalida ee Kenya madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyadoo kulankaasna uu is-garan la’aan ku soo dhamaaday. Lama oga ilaa iyo haatan waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu u aaday dalka Itoobiya, hayeeshee wuxuu dhawaanahan ku mashquulsanaa safarro uu ku kala bixinayay dalal badan oo Caalamka ah, kuwaasi oo uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale uga raadinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay. Wixii ku soo kordha socdaalka uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu amba baxay Dalka Itoobiya kala soco halkan haddii Alle idmo Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiaan Online sxiis@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mintid Farayar Posted November 14, 2009 Sharif has been summoned to Addis, Faroole has been summoned to Addis. I think tomorrow Xiinfaniin's letter of summons to Addis will be arriving, courtesy of U.S. Mail Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 14, 2009 LOOOL@Mintid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 14, 2009 Raggii tashan waayo waa loo taliyaa now that is exactly what Meles is doing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted November 14, 2009 It was expected. Quote Share this post Link to post Share on other sites