Sign in to follow this  
RedSea

Maanso gabay for Melez!

Recommended Posts

RedSea   

Gabaygu wuxuu ku billaabanayaa:

 

 

 

Allaa mansab leh makaan lagu nastiyo meelo darajeysan

 

Kii soo miciinsada asaan midig u waayeynin

 

Isagaa Malaa'igo dirsada ciidan magag weyn leh

 

Makhluuqiisa isagaan nahoo kownkan maamula y e

 

Mu'miniin inaan nahay asaan mahadineynaaye

 

Adna kii maroodiga watee Maka ku soo dulaay

 

Ee yiri xajkaan soo masixi Mowle gurgiisa

 

Abrahaad maskaxda liidatiyo magac wadaagtaane

 

Miyirkaadi kibirkaa qarribay wuu ku muufeyne

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Maan laawe danihiisa moog lagu muraadsanaye

 

Maxas laaye muudsade dhallaan mahad ma soo celiye

 

Marin lagu hodaayiyo jid baas mugdi ku guureeye

 

Marax liita inkastood tahoon murti laguu quurin

 

Oo ay mamnuuc tahay inaan ***** u maansoodo

 

Mujrim qooqay inad tahay ayaan dhaar ku marayaaye

 

Anigoon mashquul kaaga dhigin mas'alo qaangaar ah

 

Miinleyda suugaan ayaan kuu malgacadeyne

 

Iyadoon basaas kuu macnayn miinka waad garanne

 

Waa taan madraso kuu dirniyo macallin waagiiye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mukhtaarkii Gumeysiga niciyo Mahdigii Suudaanta

 

Mandeelliyo Nakruumiyo raggii muujay cududdeenna

 

Mintidkii Lamuumbaan tabniyo wiil madaale ahe

 

Maxamuud sidiisii hadduu geesi maamulayo

 

Mowlaheenna uu garabgaloo marinsan qaadsiiyo

 

Mar horey Afriikada madow caadka mari layde

 

Maanka iyo lama quursadeen midabka kooda ahe

 

Maashaa Alley noqon lahayd meel ammaan badane

 

Mug shidaal leh oo keydsan iyo macdano nooc nooc ah

 

Wabiyaal iyadoo ay maraan badu mallaay buuxo

 

Macaluul dhasheedoo u la'an misir ma tuugteene

 

Mucaawino ayay fidin lahayd mood intuu haraye

 

Maafiyo kuwey soo dirtiyo dulli macaanjecel ah

 

Maqaarsaaryo waxa noogu wacan aad midkood tahaye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye

 

 

 

Waa meerto dunidani niyahow maalin iyo leyle

 

Mannixihii dergigu maalintuu miigga soo kiciyay

 

Muddulkiinnu maalintuu dumee taangi la marsiiyay

 

Maalintuu xasuuqaye Tigrey meydku tiro beelay

 

Maalinteey musiibadu dhacdeey qaxe malaayiintu

 

Maalintu dhul midabdoorsamee dhiiggu mulucleeyay

 

Midig iyo markaad bidix daydeed meel kastaba eegtay

 

Mushriggaad sugeysiyo markuu Mulxidba kuu deyrshay

 

Masiixigad walaalow lahayd kuguba maadeysatay

 

Adigoo madluunoo bukoo maanka jugi gaartay

 

Oo ciil madoobaadayoo murugo ooynaaya

 

Deris lagama maarmee halkaad mudatay waad garanne!!! ( MUQDISHO )

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Munkar ku hadli maayoo adaa ii marqaati ahe

 

Maganteyda goortaad gasheed muusannaabaysay

 

Marwooyinka dayacan iyo markaad muluqyo ii keentay

 

Mas'uuliyadda waanigii gutoo maatidow naxaye

 

Masaakiin canshuur laga guroo meel u qoondaysan

 

Marashiyo waa taan kaaga jaray bilo masruufkoode

 

Waa taan makaan aad degtiyo maalba kuu qoraye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Maahsane haddii aadan ahayn qalbigu maareystay

 

Makhaayaddii Taleex Matabcadow meelahaad jiiftay

 

Martisoorki Soomaaliyeed waa mid aad garanne

 

Mafafaayga muuskii Jubbiyo khudrad la miisaamo

 

Muufada adiga oo daldali maraqu hoos yaallo

 

Macaanaada adigoo hayoon murudna reebeynin

 

Intaad indhaha mirig siisayeed margatay baa badane

 

Maamuuskii gobonnimo sidaan macangag kuu sooray

 

Iyo sidaad nacayb iigu miri waaba kala maane

 

Mannasheegadkaan diiddanniyo marti ka sheekeyne

 

Milyan gabayna waan marin lahayn milgo la'aantaaye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Waa maacaleesh ruux hadduu yara marqaamaaye

 

Xamar waa magaalee haddaad jaman mushaaxeeda

 

Meelahaad ku nooleyd haddey muhatay laabtaadu

 

Mar kaleeto inaad noo timaad ma aha ceebaale

 

Macariifo adigoo yaqaan Muuse iyo Faarax

 

Magan Alla adoo dhihi karoon manfac laguu waayin

 

Maquuniyo haddii aad is tiri khasab ku maareyso

 

Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe

 

Miyir inaad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno

 

Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Dabinnadaad maleegeyso iyo meeshad xaal geysay

 

Makrigaagu waa waxan la maqal dunina soo marine

 

Ma gudbiyo saqiir miijiy iy o mici ku dhiigloo dhan

 

Marduuf qaada kuwo lagu masliyo odayo ********a

 

Qamri miiste balwadaha ku mamay oo macsida quuta

 

Maqaraaruf aan tacab aqoon meheredlaawoo dhan

 

Xabsiyada intii mudan lahayd mooro lagu owdo

 

Haddaad maamulkood nala rabtiyo inan musiibowno

 

Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe

 

Miyir inad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno

 

Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Meel ka dhacyo waa lagu yaqaan ruux is mahadshaaye

 

Haddaad Malik is moodeyso iyo boqor la maamuuso

 

Ooy qaar ku maaweeliyaan kaa muraadsanaya

 

Mudanowda beenta ah haddaad uba maqsuudeyso

 

Dhabtu waa miskiin inaad tahey marinhabowsheene

 

Sida macallinkaadii anoo casharro kuu meerin

 

Oo aan mushaar kaaga rabin fahamka maahmaahda

 

Anigaa runtii kuu macneyn qaar maldahayeene

 

Misaal iyo tusaalaan ku siin kuu muraayad ahe

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mowle nimuu dulleynaayo yaan maaro loo heline

 

Malaayiin iyagoo hantoo maal adduun haysta

 

xilal aysan mudan iyo iyagoo mansabyo loo dhiibay

 

kuwa madaxda lagu sheegayaa aysan uba muuqan

 

Oo raba malyuun inay dilaan maalmo gudahooda

 

Kuwa malafsan gurigaada oo miririfleynaaya

 

Een mucjisee kaa faaruqayn kuguna meeraysta

 

Oo inaadba soo mayratiyo musqushi kuu diiddan

 

Minyarooyin siday kuu yihiin minanka kuu jooga

 

Kuwa ay marwada kuu dhaxdaa kaba masayrayso

 

Oo meel xishoodkii dhigtayee tuuray maradiisi

 

Duuflaaladaa miyirka laad tahay misaalkoode

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mujrim ruux kastoo soo ahaa maxas wuxuu laayo

 

Maalin buu nabsiga meerayaa madaxa soo qabanne

 

Miruhuu abuurtuu qofiba muudsan doonaaye

 

Middiduu afeeyaa ka jari marin halbowla ahe

 

Doqonkii Manrooofiya xukmay mala' awaalkiisii

 

Meydkii uu googoyn jiriyo mashaqaduu suubshay

 

Matantahoo lagaa jeexay oy muuqan dabadaadu

 

Maqas baa jirkaa taaban iyo mindiyo soofeysan

 

In maqaarka laga siibi karo Doo ma filanayne ( Samuel Doe)

 

Mudankiisi yuu helay haddaan been la marinayne

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mobuutihi Sa'iir yeeshayee looga kala maagay ( Mobutu Sese Seko )

 

Waxuu marras u xoogsheegto oo macashu laalaaddo

 

Wuxu midab shabeel soo xirtoo Miririqleeyaaba

 

Wuxu dheeman miistoo agoon mooraduugaaba

 

Maalkii dadweyanaha wuxuu meelo geystaaba

 

Xukunkii muddada dheer ahaa seken ma moodayne

 

Na mood iyo markuu shacabku yiri macasalaamoo tag

 

Isagoo miskiin yaabbanoo oo mergiga taagaayaa

 

Oo Marsheediskii laga la haray uu Milyaard siistay

 

Oo matoobo hantidiisu tahay uu ku mudan ciidda

 

Oo marad la luudaaya bey maalin qixiyeene

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mengistihii galbaday waad ogtahay meeshii uu maraye (Mengistu Haile Mariam)

 

Maangaab wixii uu xushiyo Qalbi-malaasoo dhan

 

Maarrey sideedii wuxuu danyarta mooreeyo

 

Waxa uu midkoodii mintida marag ku taagaaba

 

Maslaxadda wuxuu diido oo muruq ku faanaaba

 

Mu'aamarad wixii uu ku dilo niman maqaawiira

 

Musuqmaasuq waxuu doorbidoo xaqa musmaaraaba

 

Magaranya hoosteeda iyo xaafaddii Makonon

 

Madaxtooyadiisii markii la isku meegaaray

 

Mulacyada sidoodii asoo muska ku hoos dhuuman

 

Haddii aan Mareykanku baxsheen magli ma seegeene

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Mufsidniintaa Maalik caasiyoo meyti iyo nool leh

 

Oo mayaci uu ugu darsamay mingis habaarqabe ah

 

Ayaad lagu misaalyow aduna marinkood haysaaye

 

Dadkaad marisay ehelkoodi baa mitirro kuu jira y e

 

Mar uun bay magaalada Addis mashxaradaysaaye ( Addis Abeba)

 

Makele-na mar baad orod ku mari mugdi habeenkiiye ( Caasimadda Tigray)

 

Mujrimkii mar baa lagugu oran laayay maatidiye

 

In milicda lagugu jiidayuu sheegay malaheeye

 

Haddii aadan meyd noqonninoon malag ku soo doonan

 

Oo aan madfaca duula iyo miino kula haadin

 

Mindhinaw inaad jeel ka dhihi adoo maxaabiis ah

 

Oo ay Maxkamad kuu dambeyn waa mid aan huba y e

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Waxba yaan murtidu ila durkine waxaan ku soo meershay

 

Muxibbiyo qaddarintaan mudnaa inaad i maamuusto

 

Abaal magid anoon kaa sugayn oo isaga maarmay

 

Inaad miyir lahaataan jeclaa ood macquul tahaye

 

Mandaqaddan holceysaan lahaa miis ku nabadeeye

 

Maqrib goortaan kuu diray haddaad mashriq u heeseyso

 

Adeegana maqsuud aad ku tahoy kula macaanaatay

 

Ood muhallig la kireysto iyo noqotay maal raadis

 

Maalmaa laguu tirinayaa maanta dabadeede

 

Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

 

 

 

Miif miifta duqsigii badshee meel san dagi waaya

 

Mar uun buu madaarkiisu noqon maraq karaayaaye

 

Adna dabin rag miiqaa Masyahow mijaha kuu surane

 

Haddaad taada moogtoo nin kale tiisa kuu meersho

 

Ood Mowlahoon caabbudniyo Maxamed (SCW) oon raacnay

 

Muslinnimadii aad nagu nacdoo naguba maagayso

 

Muqdishaba haddaad karahdayuu ku dhibi muuqeedu

 

Masaajidka haddaad necebtihiyo Mu'adin sowdkiisa

 

Hadduu mala-awaalkaadu yahay mariba Soomaali

 

Marsadii Jabuutiyo Berbera Mudug intaad dhaafto

 

Marka iyo Kismaanyiyo illaa xeebka Mombaasa

 

Soo meher xalaalee hadduu tabayo maankaadu

 

Malahaagu waa riyo haddaad talo maqleysaaye

 

Nin mariid dalbaday baad tahoo malag hodaayaaye

 

Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso

 

Dad Mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne

 

Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye

 

Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye.

 

 

 

Miimiida is-madluumintiyo munkar la caadeysto

 

Waa idiin mashruuc muranka iyo deris la maagaaye

 

Miciinsiga shisheeyuhuna waa meheraddiinniiye

 

Sidii aabbahaa Minilik iyo Xeyle maanlaawe

 

Marmarsiinyo beeniyo adoon masabbid joogteynin

 

Adoon Moosko iyo Waashiton beenta kula meerin

 

Yaa Mucatab xiraneey adoon duni la meereysan

 

Madanaa dab kulul kuugu jira maashka daaweyne

 

Markaan guluf mahiigaan ah iyo maayad soo kicinno

 

Oo aan xaqii naga maqnaa muruq ku soo doonno

 

Markaan maanyo kugu soo rogniyo mool ku liqi doona

 

Adigoo macaaclow hirqaday milix markaad laacdo

 

Waa waxan hubaa inad matagi qaanta noo maqane

 

Is-miidaamin haddii aad rabtiyo inaad is-miineyso

 

Dad mujaahidiinaan nahoon mowdka ka cabsoonne

 

Inaan guul mataankeeda nahay waabad moogtahaye

 

Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashnaaye!

 

 

 

Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye

 

Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye

 

Isi soo maqiiq waa waxaan kala macaashanaaye

 

 

 

******** DHAMAAD *************

 

 

 

-------------------------------------------------------------

source: alqaadiya.com

 

Alle-garabsi, Guul iyo Gobonnimo

 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

 

Delft Holland

 

Mohamed_ebra@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this