Sign in to follow this  
Liibaan

Ururka Darwiish Media oo Si Adag u Canbaareenaya Xadhiga Agaasimaha Horseed Media

Recommended Posts

Liibaan   

Ururka Darwiish Media Association oo Si Adag u Canbaareenaya Xadhiga Agaasimaha Horseed Media

 

 

August 15, 2010

 

 

Ururka Warbaahinta SSC ee Darwish Media Association ayaa wuxuu ka hadlay xadhiga iyo xukunka xaq darada ah ee lagu xidhay Agaasimaha ilaacada Horseedmedia ee magaalada Boosaaso.

 

Ururku wuxuu canbaareyn dusha ka saaraya Maamulka Puntland talabada cabudhin , cago jugleynta iyo handaadada ah ee lagu sameeyey weriyaayasha Horseed oo ku guda jirey shaqo maalmeedkoodii ay u hayeen umada Soomaaliyeed guud ahaantood.

 

Ururku wuxuu si weyn u canbaareenayaa xukunka 6 sano ah ee xeerka iyo dastuurka toona aan ku xusnayn ee sida hal haleelka ah loogu xukumay Eng; C/Fataax jaamac Mirre. Ururku wuxuu u arkaa xukunkaas mid ay ka muuqato kelitalisnimo , Cabudhin saxaafada Xorta ah, Bur burin xeerka Caalamiga ah ee Geneva, Ku talaxtegid xuquuqda weriayaha ee gaarka ah iyo bahdilid saxaafada xorta iyo suxufiyiinta Mandaqada oo idil.

 

Ururku wuxuu ugu baaqaya xukuumada uu madaxweynaha ka yahay Mr: Faroole in ay si deg deg ah u sii dayaan Agaasime C/Fataax isla markaana ay u ogolaadaan Qareenada u doodaya in dacwada weriyahaas si rasmi ah oo cadaaladi ku dheehan tahay loo furo loona dhagaysto.

 

Ururka Darwish media wuxuu si weyn uga dhiidhiyayaa isla markaana gaashaanka u daruurayaa in Saxaafada lagu cabudhiyo waxyaalo aan caqliga saliimka ah xeerarka saxafada ee calaaamka kuwa Soomaaliya kan bini’adanimadaba aan geli karin. Taasoo ah in danbi laga dhigo waraysi ay ilaacad ka qaaday hogamiye ka mid ah kuwo ka soo horjeeda mamulka hada jira ee Puntland. Isla markaana u dhashay deegaanada maamulkaasi uu sheeganayo.

 

Waxaana xasuus mudan in uusanb ilaawin maamulka Puntland in warbaahinta caalamku ay waraystaan, Osama Bin Laden, Ayman Al Dawaahiri iyo xubno kale oo fara badan isla markaana laga soo daayo warbaahinta waa weyn oo ay ku jirto CNNka oo Maraykanku lee yahay.

 

Ururku wuxuu ugu baaqaya mar kale maamulka C/Raxman Faroole in ay joojiyaan tacadiga aan kala go’a lahayn ee ay ku cabudhinayaan Saxafada gudaha iyo debeda ayaodo ay Todobaadkan uun ahayd markii ay shaqada ka joojiyeen weriyihii VOA ee magaalada Garoowe Nuur Muuse Birjeeb.

Ururku wuxuu u sheegaya maamulkaas in tacadiya weriyaasha iyo ilaacadaha madax banaan aan la sooga hadhi doonin isla markaana ururkasta uu meesha uu joogo dacwad kaga furi doono Maamulka caan ka ku noqday ku tumashada Xuquuqda weriyaasha iyo tan Aadanaha. Ururku wuxuu baaq u diraya Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Q,M, Amnesty International , Human Right Watch, RFJ iyo dhamaan hay’adaha daneeya arimaha bini’aadanimada in ay maamulkaas Puntland ku cadaadiyaan sidii uu u dhimin lahaa weerarada saaxafada lagu hayo, cabudhinta iyo tacadiyada joogtada ah.

 

Ugu danbeyntii wuxu ururku ku boorinaya warbaahinta Horseed ee madax banaan in aysan hawlahooda shaqo , dhex dhexaadnimadooda , adeega dadweynaha ay u hayaan iyo Hunaanta wararkoodii aysan u dhimin una naaqusin handadaada xadhiga iyo Jidh dilka lagu ahyo. Isla markaana ay sii labo labaan dedaalkooda iyo tayeynta wararkooda ayagoo u maraya wado kasta oo ay ku heli karan warar isku dheeli tiran.

Waxaana Aan ku amaanaynaa sida habsamida leh ee aan niyad jabka lahayn ee ay wrarka Geyiga Soomaaliya guud ahaan u soo tebiyaan.

 

Waa Bilaahay Tafiiq

Gudoomiyaha Darwish Media Association

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this