Suldaanka Posted March 17, 2005 Xildhibaan Jinni-boqor “Taariikhda noo geli meyso, caruurta Soomaaliyeed ee mustaqbalkana iskuulada loogu dhigi maayo baarlamaan Soomaaliyeed baa maalin ogolaaday in Amxaaro dalka la keeno Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradada xoogan kala soo horjeeda madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in aqlabiyada ugu badan ee baarlamaanka ay diidan yihiin ciidamada dowladaha safka hore ayna taasi ku cadeynayaan marka la gaaro xilliga loo codeynayo qorshahaasi. “ Taariikhda noo geli meyso, caruurta Soomaaliyeed ee mustaqbalkana iskuulada loogu dhigi maayo baarlamaan Soomaaliyeed baa maalin ogolaaday in Amxaaro dalka la keeno †ayuu yiri xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) oo sheegay in Itoobiyaan-ku aysan jecleyn dowladnimada Soomaaliya taasina ay tahay mid uu ogyahay dhalaanka yar ee Soomaaliyeed, isla markaana C/llaahi Yuusuf isagoo taa maanka ku haya in ay kala weyn tahay kursiga madaxweynenimada ee uu helay. “ Waad ogtihiin C/llaahi Yuusuf si xalaal ah laguma dooran ee lacag baa lagu doortay, waxaana maqlaayey lacagtiina hadda waa ka dhammaatay waxaan u maleynayaa in qorshaha uu ciidamada ku doonayo aan laad ku dhufan doono†ayuu yiri xildhibaan Jinni-boqor oo ka mid ahaa ragga ugu dhow dhowaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka hor tartankii doorashada, wuxuuna sheegay xildhibaan-ku in uu la soo shaqeeyey C/llaahi Yuusuf muddo ku dhow 38 sano. “Soomaaliya waxey nasiib darro dhaxashay maalintii C/llaahi Yuusuf madaxweyne loo doortay , dadka ku nad-naadaya in shacabku uu qabo baahi dowladeed ayna taageerayaan , waxaana taa marqaati ka ah wareysiyadii uu bixiyey dhowr sano ka hor hadaladii uu ku yiri ee uu ku jaa’ifeeyey qaar ka tirsan qabaa’ilada Soomaaliyeed†ayuu yiri xildhibaan Jinni-boqor wuxuuna sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ee u codeynaya ciidamada shisheeye in ay u kala bixi doonaan Soomaali & Soomaali-diid , sida uu yiri. Quote Share this post Link to post Share on other sites