Sign in to follow this  
General Duke

IIDAALE: small clashes between TFG Clan courts..

Recommended Posts

IIDAALE: Dagaal dhex maray Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Malleeshiyo beeleed ku sugan Deegaanka Iidaale

Posted to the Web Nov 21, 12:14

 

 

Iidaale (PP) - Aroornimadii saakay ayaa wuxuu dagaal ka dhacay Deegaanka Iidaale ee Gobolka Gobolka Bay halkasoo ay isaga hor yimaadeen Ciidammo ka tirsan kuwa Dowldda iyo Malleeshiyo beeleed ka tirsan Dadka Deegaankaas daga.

 

Dagaalkaas ayaa wuxuu ahaa mid geystay dhaawacyo iyo dhimasho aan la sheegin tiradooda inta ay dhan tahay, waxaase wararka ka imaanaya Deegaankaas ay tibaaxayaan in dagaalkaas uu ahaa mid aad u kulul.

 

Ciidammada Dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay inay saakay weerarka ku qaadeen deegaankaas halkaasoo ay ku jireen Malleeshiyo dhawaan weerar u geystay gawaari kolonyo ah oo ay lahayd Dowladda Federaalka, balse loo fasiray inay ahaayeen kuwo ay leeyihiin Ciidammo Ethiopian ah.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo gaara Puntlandpost Deegaanka Iidaale ayaa waxay sheegayaan in deegaankaas ay koontaroolkiisa la wareegeen ciidammada dowladda isla markanaa ay kala eryeen kooxihii burcadda ahaa ayna ka qabsadeen hub aad u fara badan.

 

Maxkamadaha ayaa waxay sheegteen in kooxahaas maleleshiyada ay iyaga taageersanaayeen balse waxay ka gaabsadeen inay caddeeyaan in goobta lagala wareegtay iyo in kale, waxayse sheegeen inay goobtaas ka dhaceen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandopstmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this