Sign in to follow this  
General Duke

Reconciliation conference update: commitees sent across Somalia

Recommended Posts

Guddoomiyaha shirka qaran oo guddiyo u kala diraya gobollada dalka Somalia

 

 

Guddoomiyaha shirka qaran ee bartamaha bisha soo socota lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa maanta ka wargixiyey habka uu shirku u soconayo iyo meesha ay hawluhu u marayaan isaga oo jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in guddiga uu madaxda u yahay ay ilaa iyo haatan ay gaareen guulo wax ku ool ah waxana uu shegay in gobollada dalka oo dhan maalmaha soo socda loo kala diri doono guddi ka kooban 28 xubnood oo u sii kala baxaya min toddoba xubnood, qayb kastana ay tegi doonto saddex ama laba gobol oo kamid ah gobollada dalka.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in odayaasha, aqoon yahannada iyo culimaa’udiinka ay ku qanciyeen ka qayb galka shirkan.

 

Guddiga look ala dirayo gobollada dalka ayaa dhambaal ka sida guddiga sare ee qaban qaabada shirka qaran ee Soomaaliya ee dib u heshiisiinta.

 

Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in shirku xilliga loo qabtay uu ku qabsoomi doono, guul ku dhammaan doono lagagana bixi doono khilaafaadyadii dalka ka jirey muddada ku dhow 17-ka sano.

 

Cabdi-Jamaal Macallin

 

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Cali Mahdi Maxamed oo ka hadlay kulamo dhexmaray xubno ka socda gudiga diyaarinta Shirweynaha qaran iyo Beesha Caalamka.

22. maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Gudoomiyaha diyaarinta Shirweynaha Qaran Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu maanta saxaafada kula hadlay caasumada Soomaaliya ee Muqdisho,wuxuuna sheegay in ay xubno ka socda gudiga qabanqaabada shirweynaha qaranka ay ku sugan yihiin Magaalada Nayrobi ee xarunta kenya.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kulamo dhexmareen xubnahan iyo Wakiilada dawladaha deeqaha bixiya ujooga kenya,gaar ahaan magaalada Nayroobi.

 

Kulamadan waxaa looga wadahadlay sidii beesha caalamku u bixin lahaayeen dhaqaalaha ku baxaya shirka qeybtii ay balan qaadeen,maadaama hada ay soo dhawaatay waqtigii shirka.

 

Gudoomiyaha diyaarinta Shireynaha qaranka ayaa wuxuu intaas raaciyay in dhamaan dadka ka qeybgalaya shirkan ay Caasumada Soomaaliya soo xaadirayaan ugu danbeyn bisha Juna 10-keeda isagoo sheegay in qof walba uu soo qaadanayo cadeyn ku aadan in caasumad la gaarsiiyay.

 

Maalinta beri ah waxaa lafilayaa in ay ka ambabaxaan Muqdisho xubno ka socda Shirweynaha qaran waxa ay ukala socdaali doonaan gobalada dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho waxaa lafilayaa in uu ku qabsoomo shirka dibuheshiisiinta qaranka bartamaha Bisha Juna ee soo socota waxaana ka socda hawlo amaanka lugu sugayo inkastoo amaanka caasumadu yahay mid ka soo kabanaya sidii uu ahaa 16 sanno ka hor.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahd Maxamed:- “Wejiga Koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka, waa uu furmay, iyadoo Casiimaad loo kala diray Ergooyinka ka soo qeyb galaya Kulankaasi”

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 22/05/07

 

Guddoomiyaha Guddiga Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka, Md. Cali Mahdi Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inuu furmay Wejiga 1-aad ee Shirkaasi, oo lagu wado inuu bartamaha bisha soo socoto ka furmo Xaruuntii hore ee Gaadiidka Boliska ee Magaalladda Muqdishu.

 

Md. Cali Mahdi Maxamed, oo mar Madaxweyne ka noqday dalka Somalia, waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hotelka Ammaana ee Degmadda Shibis, isagoo faahfaahin ka bixiyey heerka uu marayo abaabulka loogu jiro Shirweynahaasi.

 

 

 

 

“Wejiga 1-aad ee Shirweynahaasi waa uu furmay, waxaana berrito Ergooyin u diraynaa Goballadda dalka Somalia, si ay Waraaqaha Casuumaadda u gaarsiiyaan Ergooyinka Goballadda Somalia uga soo qeyb geli doona Shirkaasi” ayuu yiri Md. Cali Mahdi, oo intaasi ku daray inay dirayaan 28-xubnood oo Ergo ah, kuwaasi oo loo qeybiyey min 7-qeyb, iyadoo qeyb kasta tegi doonto ilaa iyo labo gobal..

 

Mar wax laga weydiiyey Tiradda Ergooyinka lagu casuumayo Shirweynaha bisha June 14-da ka furmi doona Magaalladda Muqdishu, waxa uu sheegay in la casuumayo 1,325-xubnood oo ka kala imaanaya Goballadda dalka iyo Jaalliyadaha Soomaalida ee ku sugan dalka dibediisa, wuxuuna si gaar ah u sheegay inay Ergooyin ka socda Maamulka Somaliland ka soo qeyb geli doonaan Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee ay DFKMGS soo bandhigtay.

 

Mar wax laga wewydiiyey sababaha loo yareeyey Wafuudda ka qeyb galaysa Shirkaasi, waxa uu carrabka ku dhuftay inay taasi u sabab tahay iyadoo aan la haynin Dhaqaale ku filan in lagu marti-geliyo ilaa iyo 3,000-oo qof.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Cali Mahdi Maxamed: "Waxaa billowday wajigii hore ee Shirkii dib u heshiisiinta Qaran, wayna dhammaatay..." Posted to the Web May 22, 16:34

 

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta Qaran uu wajigiisii hore furmay ayna dhammaatay qabanqaabadii shirkaas oo soo socotay muddo 40-casho ka badan.

 

Mudane Cali Mahdi oo shir jaraa'id maanta ku qabtay gurigiisa ayaa ku sheegay in guddiga shirka uu soo xulay 28-xubnood oo loo kala dirayo maalmaha soo socda gobollada dalka si ay u soo diyaariyaan ergooyinka shirka ka qaybgalaya.

 

"Guddiga shirka wuxuu soo xulay 28-xubnood oo maalinta jimaha ah u kala baxaya gobollada dalka Soomaaliya, waxaana xubnahaan ay soo diyaarin doonaan ergooyinka shirka ka qaybgalaysa" ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, wuxuuna sheegay in ergooyinkaan loo dirayo 15-gobol oo dalka ka tirsan.

 

Mudane Mahdi ayaa sheegay in ergooyinka ay dirayaan ay sidoo kale ka dhaadhicin doonaan cuqaasha beelaha Soomaaliyeed, isla markaana gaarsiin doona warqadihii casuumaadda ah ee shirka looga soo qaybgalayo.

 

"Guddigaan aan dirayno waxay ku soo laaban doonaan caasimadda iyagoo ay la socdaan xubnihii ay beelaha u soo magacowdeen inay u matalaan shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ka dhacaya Muqdisho" ayuu yiri mar kale Mudane Cali Mahdi Maxamed.

 

Mudane Cali Mahdi ayaa sidoo kale sheegay in Xubno ka tirsan Shirka Dib heshiisiinta Qaran ay ku sugan yihiin Nairobi ayna kulammo ku saabsan sidii loo heli lahaa dhaqaalaha shirka lagu wadi lahaa la leeyihiin xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Nairobi.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi Max'ed oo maanta faahfaahin ka bixiyay shirka dib u heshiisiinta qaran

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 22, May.07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa maanta shir jaraa'id uu ku qabtey Hotel Amaana waxa uu kaga hadlay arimaha dib u heshiisiinta, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay qabsoomida shirkaan oo lagu wado in uu ka dhaco caasimadda Somalia bartamaha bisha soo socota ee June.

 

Guddiga dib u heshiisiinta qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku xuseen in guddiga ay qabteen howlo badan oo ku aadan dhinaca nabadeynta, iyadoo guddiga uu isku diyaariyay in uu u diro gobolada 28 ergo oo ku wargalisa in ay ka soo qeybgalaan kulanka dib u heshiisiinta qaran.

 

Mar waxa laga weydiiyay Cali Mahdi Mahdi in shirka dib u heshiisiinta qaran ay ka maqan yihiin golihii maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu yiri " Waxa is dagaalay oo la heshiisiinayo waa qabaa'il somaliyeed oo colaado u dhaxeysay ilaa 1991 kii tan iyo markii ay dhacday dowladdii Militariga aheyd.

 

Waxa uu sheegay in cid kasta oo daacad u ah dalka ay ka soo qeybgaleyso kulanka isla markaana ay ku soo bandhigeyso cabashadeed, iyadoo shirkana uu go'aan ka gaari doono.

 

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd sida Somaliland ay uga qeybgaleyso shirka dib u heshiisiinta qaran ayaa waxa uu yiri " Waanu ku martiqaadnay Somaliland in ay ka soo qeybgasho kulanka, inkastoo Somaliland ay u baahan tahay in arimaheeda si gaar ah loo xaliyo".

 

Shirka Jaraa'id uu qabtey Cali Mahdi Max'ed ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga dib u heshiisiinta qaran iyo saraakiil ka socotey hay'adda UNDP, iyadoo loogu baaqay saxaafadda in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato kulanka dib u heshiisiinta qaran.

 

Click here to find shabelle news in english

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taladaan La ruugin Waa lagu Rafaadaa !!!!!!Dhambaal Ku socda Guddoomiyaha Kulan weynaha Dib u heshiisiinta qaran Mudane Cali mahdi maxamed {Faallo} By :Qoraa sare Muuse maxamed Cusmaan

 

Ku dhawaqiddii madaxweyne C/llahi Yuusuf ee Shir weynaha dib u heshiisiinta qaran waxaa ay ahayd Tallaabo Geesinimo oo loo qaaday dhinaca nabadda,wuxuuna shirka wax weyn ka tarayaa isu saafi noqoshada Shacabka Soomaaliyeed

 

Ku dhawaqiddii madaxweyne C/llahi Yuusuf ee Shir weynaha dib u heshiisiinta qaran waxaa ay ahayd Tallaabo Geesinimo oo loo qaaday dhinaca nabadda,wuxuuna shirka wax weyn ka tarayaa isu saafi noqoshada Shacabka Soomaaliyeed oo Muddo 16 sano ah colaad laga dhex hurinayay,loona diiday in ay helaan nabad,nolol iyo dowladnimo.

 

Mudane Cali Mahdi Waxaad qaaday xil culus,waxaana kusoo wada eegaya indhaha Shacabka Soomaaliyeed,haweeneyda Yaayada Suuqa ku iibisa iyo aqoonyahanka ku taqasusay cilimga siyaasadda ee heysta Shahaadada Doctor of Philpsophy (PHD) iminka waxaa ay wada noqdeen kuwo u dhuun daloolalafa gurka arrimaha siyaaasadda,marka waa in aad ka fiirsataa tallaabo kasta oo aad qadeysid si aad uga fogaato in aad dhex dabaalato dhiiqo siyaasadeed.

 

Mudane Cali Mahdi noqo geesi wax isu soo jidia,qaado talooyinka wan wanaagsan ee howshan mugga leh wax ka taraya,ka fogow in aa u dhag raariciso shaqsiyaadka aan hubo in ay haatanba harerahaada fadhiyaan ee bur buriyeyaasha ah diidanna wanaagga,doonayana in aan laga bixin xaaladda lagu jiro,kuwaasoo kala ah :siyaasiyiintii hore masraxa ugu fashilmay,ganacasatada shar-badnayasha ah,hoggaamiye dhaqameedyada iyo qeybaha sheegta ururrada bulshada rayidka ah (Raq ku noolayaasha),waana wax la hubo in kooxahan oo ah qaar aysan cidi dooran kuna qaraabta magaca shacabka Soomaaliyeed in ay har iyo habeen hurdo kuu diidi doonaan si ay wax u dhab qiyaan.

 

Talada ugu wanaagsan ee kooxahan aan sare kusoo sheegnay maskaxdodoa kasoo maaxaneysa waxay la mid tahay waxa la mid tahay hoggaamiyihii Tuulada ee loo sheegay in Ri ay madaxa dhari gashatay sidaa darted looga baahan yahay in uu keeno sidii loo xallin lahaa,ugu horeyntiina uu amray in rida la gowroco,kolkii aymadaxa Rida iyo dharigii iskusoo hareena yiri dhariga ha la jabiyo,kolkii intaas la sameeyayna oyin la dhacay,isagoo markii la weydiiyay awxa ka oysiiyayna ku jawaabay {Yaa sedan wanaagsan idinkugu talin doona hadii aan geeriyoodo?}

 

Mudane Cali Mahdi waqti badan u hur in aa talo ka qaadato aqoonyahannada nadiifka ah ee ay dhibeyso xaaldda ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed una heellan in ay maskaxdooda iyo aqoontoodaba ku biiriyaan shirka dib u heshiisiinta qaran ,si aad ugu guuleysato raacidda wadada saxda ah ee kuu hor seedeysa guusha kama dambeysta ah .

 

Iminka waxaa la qorsheynayaa in cod baarlamaan loo qaado sidii guddiga aad madaxda ka tahay u noqon laha mid ka madax banan dowladda,inkastoo aan ognahay in Madaxweynaah Soomaaliya uu saxiixay dikreeto qeexeysa in guddigu uu ka madax bannaanyahay faragelin dowladeed,waxaa kaloo gacanta kuu gali doona dhqaale farabadan ,labada arrimood {awood iyo dhaqaale} qofkii ay u kulmaan ee aan is xakameyn waxaa ay u horseedaan kibir iyo isla weyni,sidaa darted ku dadaal in aad noqoto shaqsi nadiif ah oo caqli iyo maskax fayow ku shaqeeya.

 

MUdane Cali Mahdi Miizaan tallaabo kasta oo aad qaadeyso inta aadan gaarin go'aanka kama dambeysta ah horta qiimeyn ku samee maxsuulka kasoo bixi kara,waxa aad maanta ku dhawaaqdo in aad bari ka noqoto waxaa ay kuu keeneysaa sharaf darro iyo in aad lumiso kalsoonidii laguu hayay ,mar walba adeegso erayo xikmadeysan oo isu soo dhaweynaya beelaha Soomaaliyeed,noqo dhex dhexaad dhab ah,iskana ilow wixii horay usoo dhacay,beelihii dhiigga badan u daadiyay in aad kursiga madaxweynenimada kusii fadhido iyo kuwii kaa cidieeyayba si isla eg oo safinimo ah u wada tixgeli.

 

Rajada shacabka Soomaaliyeed oo idil waxay kusoo urursan tahay guusha lagagaaro kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran oo ay ka qeybgalayaan ergo lagu soo xulay habka 4.5,waxaana looga fadhiyaa in ay meyraan colaadii gaamurtay ee shacabka Soomaaliyeed la dhex dhigay si loo helo bulsho nadiif ah oo uwada taagan danta qaranka ,leemna ugasoo wada jeeda kuwa tirade yare e wali ku taamaya in ay ku dhesx jiraan riyo maalmeedka dhalan teedka ah ,waxaanse gabagabadii leeyahay Mudne cali Mahdi Taladaan La ruugin Waa lagu Rafaadaa!!!!!

 

By :Qoraa sare Muuse maxamed Cusmaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this