Sign in to follow this  
SOO MAAL

Guddoomiyaha Bankiga dhaxe ee Soomaaliya Dr. Culusow

Recommended Posts

SOO MAAL   

Guddoomiyaha Bankiga dhaxe ee Soomaaliya Dr. Culusow oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku wareejiyaan maamulka cusub ee Bankiga hantidii Qaranka ee uu bankiga lahaa.

 

April 09, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Guddoomiyaha bankiga dhaxe ee Soomaaliya Dr. Maxamud Maxamed Culusow ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ku wareejiyaan maamulka cusub ee Bankiga hantidii Qaranka ee uu bankiga lahaa sida Decomnitiyada.

 

Codsiga uu Guddoomiyaha u soo jeediyey bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa uu si toos ah uga codsaday ganacsatada Soomaaliyeed inay ku taageeraan sidii loo soo celin lahaa hantidii uu Bankigu lahaa iyo sidii loo xoojin lahaa dowrkii Bankiga ku dhex lahaa bulashada Soomaaliyeed.

 

Dr. Culusow ayaa qoraalkiisa kaga hadalay mas’uuliyada Bankiga inay tahay aasaasida nidaam la aamino karo oo ah is dhaafsiga qarashaadka iyo in la jaangooyo heerka maciishada bulshada ay isticmaasho.

 

Guddoomiyaha Bankiga dhaxe ee Soomaaliya Dr. Maxamuud Maxamed Culusow ayaa u mahad celiyey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhaxe ee Kenya isagoo uga mahad celiyey qaabkii ay ugu soo dhaweeyey xilkan culus ee loo magacabay oo ay ku soo dhaweeyeen halka ay imminka dowladda Fedraaliga Soomaaliya ku sugan tahay ee Kenya.

 

Guddoomiyaha bankiga dhaxe ee Soomaaliya ayaa jagadan waxaa u magacaabay madaxeynaha dowladda fedraaliga Soomaaliya Col. Cabdulaahi Yuusuf kaddib markii uu helay codka labada gole ee dowladda Fedraaliga Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Bankiga dhaxe ee Soomaaliya ayaa hore jagadan waxa uu uga haayey dowladdii Carte ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this