Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xaabsade's dream

Recommended Posts

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo loo qorsheynayo inuu noqdo Madaxweynaha Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo

 

Oktoobar 16, 2007 -
- Ilo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayan in uu jiro qorshe Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf gadaal ka riixayo oo ah in Maxamed Ibraahim Xaabsade loo doorto Madaxweynaha Maamulka Federaalka 3 da Gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.

 

Sida ay sheegayan wararka laga helayo Baydhabo iyo Muqdisho oo Dowladda Federaalka ku sugan tahay, waxaa jira qorsho la damacsan yahay in waqti dhaw shaaca laga qaado, qorshahaas oo ah in Maamul qaab Goboleed ah loo dhiso Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo oo deris ah, kuwaas oo noqon kara Dowlad goboleed.

 

Xaabsade oo hadda Saaxiib la ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka mid yahay Wasiirada culeyska saaraya in Mr Geeddi waa Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya uu Baarlamaanka weydiisto in codka Kalsoonada loo qaado Xukuumadda Federaalka.

 

Warkan oo Magaalada Muqdisho si weyn la isla dhex maraya ayaa waxaa wax ka wada Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamud Siyad Aadan oo ka soo jeeda Gobolka Gedo.

 

Qaar ka mid ah Wasiirada Beelaha [...] iyo [...] oo arrintaas wax ka weydiinay ayaa waxay inoo sheegeen inay si hoose ula socdaan qorshahaas Madaxweynaha wax ka wado ee lala damacsan yahay in Maxamed Ibraahim Xaabsade laga dhigo Madaxweynaha 3 da Gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Gedo.

 

Lama oga sida suurtagal u noqon doonto qorshahaas iyadoo la og yahay in Beesha [...] ka hor imaan doonto qorshe kasta oo uu damacsan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaabsade waa riyoonoyaa. They -- waa Shaatigaduud, Madoowe iyo Xaabsadahaan -- couldn't agree who can rule Baydhabo, iskaba dhaaf Baay iyo Bakool, maantana wuxuuba rabaa madaxweynimo aan jirin.

 

Ar Soomaalida jago jeclaa, oo iimaan yaraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mslm: Red Sea:

Isn't this the Xaabsade from Sool?

This is an old warlord, oo la dhaho Max'ed Ibraahim Xaabsade; the other, a newcomer to the warlordism, is Axmed Cabdi Xaabsade.

 

I don't know Ayuub wuxuu arkay, maba isku eko, ka ahayn garkooda wada cad iyo bidaartooda.

 

IMAG0208.JPG

 

Max'ed Ibraahim Xaabsade

 

xaabsade2.jpg

 

Axmed Cabdi Xaabsade

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka meesha lagu kala tegi doono

 

Isniin, Oktoobar 22, 2007 - Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku goodiyay in haddii aaney Xukuumadda Federaalka kalsooni weydiisan Baarlamaanka ay Dowladda burburi doonto, isla markaana meesha lagu kala tegi doono.

 

Xildhibaan Xaabsade waxaa uu sheegay in Xukuumadda Federaalka uu ka dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in ay kalsooni weydiisato baarlamaanka.

 

“Xildhibaannada qaarkood ayaa sheega in aaney jirin cid mooshin ka keentay Xukuumadda, waxaan leeyahay Axdiga KMG ah ayaa mooshin ka keenay Xukuumadda, waana in ay codka kalsoonida weydiisataa Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade.

 

Xildhibaanka ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay Magaalada Baydhabo in uu ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Tiknikada iyo Ciidamada ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna aan Tikniko iyo Ciidamo wax lagu qaadi doonin. Xildhibaanka ma sheegin cidda ciidamo iyo Tikniko wax ku dooneysa ee ku xambaartay in uu farriintaas si dadban ugu diro.

 

Sidoo kalena, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay 8 bilood ka hor aragtay qaladaad ay ku socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xiligaas oo ay iska casishay xil ay ka heysay Wasaaradda Warfaafinta, waxayna caddeysay in ay qabto in Xukuumadda Federaalka ay tahay in ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka bacdamaa sida ay tiri aysan waxba qaban mudadii ay jirtay.

 

Xildhibaanadda oo sii hadleysay waxaa ay sheegtay in mar kasta oo la doonayo in Baarlamaanka hortiisa lagula xisaabtamo Xukuumadda ay soo baxaan Xildhibaanno sida ay tiri ku rafta Beelo iyo 4.5, iyadoo xustay in haddii qof meesha ku yimid afar beelood iyo bar uu meesha baneeyo ay beeshiisa booska soo buuxineyso, hayeeshee aysan arrintu ahayn in qofkaas weligiis iska joogo.

 

---------------

 

Wuxuu u qeylinaayo jagadaas -- "madaxweyne goboleedka" -- aan jirin ayuuba aaminsanyahay inay usoo socoto. Ar muxuu riyoonoyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i coulda swear this men would be in Asmara. at heart, this man is a dowladdiid but the sad truth is u need these kinds of *******s who hijacted the will of their people in order to rebuild the state. As for him becoming the head of whatever administration they make for bay-bakool-shabelle hoose, i see no problem. i would prefer Shatiguduud but his needed in national politics and between the two, who else is there that might fill those shoes?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this