Sign in to follow this  
mr-diib

Milatrigii Somalia Ee Looyaqaanay African Lions Oo Washington Ku Kulmay

Recommended Posts

mr-diib   

Milatrigii Somalia Ee Looyaqaanay African Lions Oo Washington Ku Kulmay

 

{Washington} 4-609"Qaar ka mid ah Saraakiishii hore ee xooga dalka Somalia, ayaa kulan googol xaadh ah ku yeeshay Magaalada Washington ee dalka Maraykanka, kaasi oo diiradda lagu saaray diyaarinta qodobada looga hadli doono kulan ballaadhan oo bisha fooda inagau soo haysa ka dhacaya dalkaasi.

 

 

Janaraal Maxamed Sh Cismaan (Badmaceeye) oo ka qeyb galay kulankaasi, ayaa sheegay ujeedada kulanka looga gol lahaa sidii la iskula meel dhigi lahaa ajendayaasha la hor keeni doono kulan ay kawada qeyb gali doonaan Saraakiishii hore ee xoogga dalka Somalia oo horraanta July ka furmi doona Washington.

 

Qaban qaabada kulanka ayaa waxaa iska kaashanaya Xafiiska Siyaada Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somalia iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Somalia, ayaa sidoo kale waxaa ka xaadiri doona mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca Dowladda .

 

“Kulankan hordhaca ahaa waxaa isku weydaarsanay fikrado ku salaysan xasilooni ka islaaxda dalka iyo sidii dib boodhka looga jafi lahaa Ciidamadii xoogga ee dalka Somalia, iyadoo la tababarayo maleeshiyaadka” sidaana waxaa yidhi Janaraal Badmaceeye.

 

Ciidamadii xoogga dalka Somalia ayaa kala qoqobmay wixii ka dambeeyey burburkii dalka, waxaana Ciidamada militariga Somalia xilligaasi lagu naaneysi jiray *African Lions* oo macnaheedu yahay Libaaxyada Afrika, maadaama ay Somalia aheyd dal quwad sare ku lahaa Qaaradda Africa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this