Jacaylbaro Posted October 17, 2007 Taliyihii Daraawiishta Puntland oo Xilka Laga Qaaday Garoowe (Jam/W.Wararka)- Warar aan si rasmi ah loo shaacin oo aannu ka soo xiganay shabakadaha wararka qaarkood, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Garoowe uu xilkii ka xayuubiyey Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland Col. Cabdisamad Cali Shire. Sida wararku sheegeen xil-ka-qaadista taliyaha ayaa timi kadib markii qaar ka mid ah wasiirrada Puntland ee Laascaanood ku sugnaa dagaalka ka hor ay ku eedeeyeen Cabdisamad Cali Shire in uu si xun u maamulay dagaalkii ay Puntland la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ciidamada Somaliland oo ay taageerayaan qaar ka mid ah beelaha degaanku kula wareegeen magaalada Laascaanood. Warkan oo aan weli si rasmi ah uga soo bixin Dawlad-goboleedka Puntland ayaa hadda si weyn laysula dhexmarayaa magaalada xarunta ah ee Garoowe oo uu ka socdo abaabul dagaal oo aad xoog badan. Geesta kale, waxa jira abaabul ciidamo-beeleedyo ay wadaan dhamaan beelaha gobollada Nugaal, Bari iyo Mudug, kaas oo yimi kadib markii isimada degaanadaasi ay walaac xooggan ka muujiyeen isku hallaynta xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Cadde Muuse. Dhinaca kale, Cadde Muuse ayaa ku dhawaaqay dagaal culus oo uu ku qaadi doono ciidammada Somaliland ee la wareegay Laascaanood, isla markaana aanay sinaba suurtogal u noqon doonin in calanka Somaliland laga taago ciidaa magaalada Laascaanood. Jamhuuriya Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jamster Posted October 17, 2007 C/samad is a traitor number one (that is what I am hearing on the ground). Because of his friendship with Dhegoweyne and Ina Kahin he has betrayed his people. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2007 as confused as cade muse ,,, haye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 17, 2007 No no Shekha, there is accountability in Darawiishta, and obviously this dude failed so he gets the sack....I piy his succesor though. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 17, 2007 Don't u think he'll join the other side now ?? ,,, the border is closer now Quote Share this post Link to post Share on other sites