Sign in to follow this  
General Duke

PM visits Villa Somalia;+ Meets MP's

Recommended Posts

gedi_xamar.jpg

 

rw_geedi.jpg

 

shibirow.jpg

 

rw_geedi1.jpg

 

Taageerayaasha Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka oo maanta si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Geedi

 

 

Axad, May 01, 2005(HOL)@20:00GMT: Taageerayaasha Ra’iisal Wasaare ku xigeenka labaad, ahna wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Xaruntii Villa Somalia Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi la socday oo ay ku jireen wakiillada Beesha Caalamka iyo Safiirada dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya.

 

Abuukar Cusmaan Shiikh (Abuukar Ganey) oo ah Ku simaha Xuseen Maxamed Caydiid ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku soo dhaweeyay Xarunta Villa Somalia , wuxuuna u sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay Taageerayaasha Isbaheysiga SNA ay ku soo dhaweynayaan Xaruntii Qaranka Soomaaliyeed (Villa Somalia), isla markaana ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed in ay ku howlgasho.

 

 

Abuukar Ganey waxaa uu intaas ku daray in ay soo dhaweeyeen maanta Ummad uu ugu yeeray Umaddii Xoriyadda iyo sharafta jecleyd, kuwaasi oo sida uu yiri jecel in ay dowladda federaalka dalka timaado, isla markaana ka howl bilowdo, isagoo codsaday Ra'iisal Wasaaraha in uu khilaafka ka dhex jira xubnaha labada gole uu ku dhameeyo safarka uu ku joogo magaalada Muqdisho, isagoo weliba caddeeyay in uu maanta wixii ka dambeeyo uu ku wareejiyay Ra’iisal Wasaaraha Furaha Xarunta Villa Somalia isagoo ka wakiil ah Taageerayaasha Isbaheysiga SNA iyo madaxdiisa.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, wuxuuna ugu horeyn baray dadkii isugu soo baxay Villa Somalia xubnaha Wafdigiisa, wuxuuna yiri "Wafdigeyga waxaa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Iskaashiga Dowladda Kenya, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wakiilka Midowga Afrika, Wakiilka Jaamacadda Carabta, Safiirka Dalka Aljeeriya, Safiirka Dalka Kenya, Safiirka Dalka Yemen, Safiir ku xigeenka Uganda, Safiirka Jabuuti iyo saraakiil ka socota Xafiisyada Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ee magaalada Nairobi".

 

 

Intaas kadib Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu maanta Taageerayaasha SNA la joogo saldhigga Qarankii Soomaaliyeed ee Villa Somalia, isagoo dadkii uu la hadlayay gaarsiiyay salaan uu kaga siday madaxda dowladda Federaalka ee Nairobi ku sugan oo ay ku jiraan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo weliba Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Xuseen Maxamed Caydiid.

 

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu ka sheekeeyay dhibaatada Soomaaliya gaartay oo Soomaalida lafteeda ay isu geysatay, taasi oo ay ku naf waayeen dad badan, isla markaana ay ilin badan ku daadatay hayeeshee waqti dheer kadib maanta Soomaaliya ay u dhisan tahay dowlad federaal ah oo loo dhan yahay, kuna dhaqmi doonta shareecada Islaamka, "Waxaan idiin sheegayaa dowlad Soomaaliyeed waa dhalatay, xisaabta ku darsada in ay leedahay dowladdaas cadaw gudaha ah iyo mid dibadda ah, waxaana la idinka doonayaa in aad ka difaacdaan" ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in Soomaali aysan u baahneyn dagaal sokeeye oo dambe balse ay baahan tahay kaliya nabadeyn, xasilin, maamul qaran iyo dib u dhis.

 

 

"Ma dhici karto in la iloobo dadkii u soo dagaalamay, u soo halgamay guusha maanta la joogo, waxaan hortiina ka ballanqaadayaa in maleeshiyooyinka hubeysan ee mujaahidiinta ah iyo ciidamadii hore Qaranka in aan dhamaantood xareyno, isla markaana aan ka dhigno ciidamo qaran" ayuu mar kale Ra’iisal Wasaaraha oo sheegay in ay sahlan tahay in guul la dhaliyo, balse ay dhidid badan iyo dadaal u baahan tahay in la hantiyo oo guushaas lagu sii negaado.

 

Ra’iisal Wasaaraha sidii uu maalmahaanba lahaa wuxuu ku ballansaday dadkii uu maanta la hadlayay munaasabad kale oo intaan ka ballaaran, isagoo carrabka ku dhuftay in uu halkaasi ku beenin doono in aan magaalada Muqdisho la imaan karin, "Dowladda aan Ra’iisal Wasaaraha ka ahay, C/llaahi Yuusuf Axmedna uu madaxweynaha ka yahay waan hubaa haddii ay heshi taageerada shacabka iyo mujaahidiinta iy o ciidamada in ay cagta dhigi doonto, dalkana dejin doonto, taariikhda ay u geli doonto" ayuu yiri Prof. Geedi oo dhanka kale u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay.

 

Intaas kadib Ra’iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa waxay booqdeen Xaruntii Raadiyo Muqdisho, halkaasi oo uu isha ku soo mariyay Studiyayaasha iyo Keydadka, waxaana halkaasi warbixin ku siiyay Agaasimaha Raadiyo Muqdisho ninka lagu magacaabo C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi). Prof. Geedi intaas kadib waxaa uu ballanqaaday in uu dayactir ku sameyn doono qeybaha kala duwan Idaacadda Raadiyo Muqdisho, si ay u noqoto Idaacaddii Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna wafdigu dib ugu soo laabtay Hotelkii uu ka baxay saakay ee Hotel Ramadaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ra'iisal wasaare Geedi oo la kulmay Xubnaha labada gole ee Muqdisho joogay iyo Muuse Suudi oo...

- Sunday, May 01, 2005 at 22:26

 

Muqdisho (AllPuntland)- Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa kulanka uu maanta la yeeshay xubnaha labada gole oo aad xasaasi u ahaa ayaa xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka warfaafinta Maxamuud Jaamac C/llaahi Sifir, Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo xildhibaano kale waxaana halkasi lagu dhageystay warbixin ay kaga hadlayeen arimahii ay ka hayeen gobolka Banaadir iyo muhiimada joogitaankooda Muqdisho ay u leedahay Dowladda Soomaaliyeed.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Geedi oo kulankaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu mahad celiyay xubnaha labada gole talaabooyinka wax ku oolka ah oo ay horay ugu qaadeen dhinaca nabadeynta gobolka Banaadir, isagoo sheegay in howsha shaqo ee labada gole ay kala duwan tahay isla markaana golaha Wasiiradu uu yahay howl fulinta sidaas darteed waxa uu xaqiijiyay in uu taageersan yahay howsha Muqdisho laga qabtay isagoo ku hadlayey magaca xukuumadda ayuu Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyay in arintaasi ay tahay guulo dowladdu ay gaartay.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Geedi ayaa codsaday in ka hadalka khilaafaadka siyaasadda ay si gaar ah ugu hadlaan xubnaha labada gole maadaama ay kulankaasi koob joog ka ahaayeen ergooyin ka socday Qaramada Midoobay, IGAD iyo qeybaha Saxaafadda, intaa kadib ayaa Ra’iisul Wasaaruhu iyo xubnaha wafdigii la socday ay u baqooleen dhinaca Madaxtoooyada Villa Somalia iyagoo soo booqday qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, Raadiyo Muqdisho waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay taageerayaasha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid halkaasoo khudbad uu ka jeediyay ugu mahad celiyay soo dhoweynta iyo diyaar u ahaanshaha dowladda Soomaaliyeed la shaqeynteeda, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu halkaasi ka balan qaaday in dowladdiisu dayactir ku sameyn doonto Xarunta Warfaafinta ee Raadiyo Muqdisho iyo qeybaha Madaxtooyada.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali PM seeks tribal cooperation

Posted to the Web Apr 30, 19:04

 

 

Somalia:-Somali Prime Minister Ali Muhammad Gedi appealed to the tribal chiefs controlling the country's capital to cooperate with his government, currently exiled in Kenya, to pave the way for its safe relocation home.

 

 

"It is time to work together for the wellbeing of Somalia," Gedi told thousands of Somalis in northern Mogadishu during his first visit to the capital since taking office last year.

 

"It is time to accept the conclusion of a long peace process that was negotiated by regional countries," Gedi said in a speech apparently aimed at the chiefs who occupy positions in the transitional institutions and who have opposed his plans to relocate the government to the regional towns of Baidoa or Jowhar.

 

Earlier in the day, Gedi told the thousands who turned out waving banners to welcome him at the K-50 airport about 50km from Mogadishu that he was delighted with their reception.

 

Armed guard

 

"This shows your desire (to see) the transitional federal government of Somalia working. You are people who deserve good leadership and I appreciate your goodwill to my government," he said.

 

The motorcade of the prime minister, who was accompanied by several African Union and Arab League diplomats, was escorted by dozens of armed men and more than 30 pickup trucks mounted with machine guns.

 

The airport was surrounded by armed men as Gedi's plane touched down and armed units were stationed the whole length of the road into Mogadishu.

 

Gedi's trip is an attempt to heal a rift within his cabinet over when and where to move the government.

 

Relocating to Mogadishu?

 

He and President Abdullahi Yusuf Ahmad favour relocating to the towns of Baidoa and Jowhar owing to continued insecurity in Mogadishu, a proposal that has drawn heavy criticism from their opponents, many of whom are adamant that any relocation must be to the capital.

 

Yet Gedi himself did hint on Friday, for the first time, that his government might in fact relocate to Mogadishu, telling the assembled crowd the capital "must be peaceful and able to accommodate the transitional federal government as a whole".

 

Somali lawmakers came to blows over the relocation issue last month and scores of them embarked on unilateral missions to Mogadishu in a bid to sort out the mess.

 

Last week, Yusuf, backed by the United nations, appealed to those in Mogadishu to return to Kenya for a final meeting on the relocation issue, but the appeal fell on deaf ears.

 

Bullet-scarred Mogadishu has long been a hub of instability in Somalia which has been ruled by warring tribal chiefs since the Horn of Africa nation was plunged into anarchy after the 1991 ouster of clan leader Muhammad Siad Barre.

 

 

Source: AFP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this