Jacaylbaro Posted August 5, 2010 Waa Murtidii iyo Madadaaladii Axmed Cali Garas (MAQALOOCSHE) oo in badan aan lagu arag saaxada Saxaafadda, iyadoo akhristayaasha Wargesyka Waaheen uu ugu bushaaraynayo in ay ka dheehan doonaan cadadiisa soo socda. Qormada maantana wuxuu ku bilaabay sidan: Siduu yidhi Abwaan San-gal: “Mar mar iyo Dhif uun baan, Macaariiftaa Awgood, Madadka u Xasuustaa” Doorasho la kala helay, laakiin ka sallaxantay Jamhuuriyaddan aan Shankaroonta ula baxay, taas oo Xisbigii Salaan wayne ee xagga Mucaaradka ka soo kadleeyay. Halkaana waa kaa hambalyeeyay, Xisbigii hawsha laga furtay ee UDUB, taas oo ah ta keentay habkan carqalad la’aanta waxaa loo qaybsamayay mid heliyo mid hambalyeeya, inkastoo dhaqanka Doorashada ka dudaa ku ceeboobo, haddana waxa quruxda wayn qaatay Madaxweynihii jagada ka carmaliyeeyay, kaas oo yidhi “Dalbaa ka burburaa ceeb ah, laakiin Doorashaa lagaa helay ceeb maaha” UDUB-eey Istawuu !!. Waxaana gabay uu tiriyay ka mid ahaa :- “Inta aniga igu diiqayeen duminta laanteena, Kol haddaan Dalkoo Nabad qaba Iyo Dowladnimo dhiibay, Iska dumiyaa waa taad wax badan Igu dul-meerteene” Arrintaasi waxay Madaxyuubka u toshay xiniiyo dheeraad ah kaasoo u dalacay darajada State Oday, waloow hamblayada uu Siilaanyaba uga horeeyay oo ay amaah ahaan loogu lahaa, haddana wuxuu dheeraa nin awood haya oo natiijada aqbalay, Siilaanyana haddii aanu hore u hambalyayn maanta ma heleen in la hambalyeeyo, markaasi waxaan odhan karnaa hal-ku-dhiga la yidhaahdo Doorasho Musuq-maasuq ma waydee, Dalkaa bur-burka laga illaaliyaa, inkastoo Madaxyuubka Udbihii ka yar-yaraa ay ku ay leeyihiin isaga uun baa lafihiisa u dalacee anagu waa dhacnay, kuwaaso qaba in aan Xisbiga UDUB tamartisii tartamin ee uu dabar-ku-daaq ahaa. Haddaba, habar baasta-foorad ah oo ciyaala siminaar ah oo aan wax ka waydiiyay habkii Doorashadu u dhacday waxaan idhi “Doorashadani soo ma ahayn mid xor iyo xalaal ku dhacday ? waxay tidhi: “Xor iyo xalaal xasilooni daro keentaa ayaa jirta, inaga waxa inoo guul ah haba la is xadee xanaaq la’aanta ay ku dhammaatay, maraasi anigu waxaan ku qiimayn karaa waxay ahayd xal Qaran, xor iyo xalaal xasarad la’aan ku qabsoontay” Su’aal kale oo aan waydiiyay ayaan ku idhi “Kulmiye inuu helay ma shaki baa kaga jira ? Waxay tidh “Shaki igagama jiro uu helay oo waan u hambalyeeyay, waxaaban is leeyahay inuu helo ayaabay xasiloonidu ku jirtay. Habartaasi oo ahayd mid il-dheernimada cilaaq ku darsatay ayaa tidhi waan kuu sheekayne i dhagayso waxaanu ku bilowday sheekadii:- Nin Bari reer Berbera ahaa ayaa lacag uu haystay khamaar ku ciyaaray, ninkaasi khamaarka nasiib kuma yeeshee isaga uun baa lacagta laga heli jiray, maalintii dambe ee lacagtii in yari ku hadhay ayuu tashaday waxaanu ku go’aansaday inuu intana uu khamaar ku soo ciyaaro oo haddii laga helo aanu sagan la’aan ku tagin ee uu rag laay, ka dibna inta uu baaskoolad soo qarsaday ayuu goobtii khamaarka yimid, dabadeeana intuu miiskii fadhiistay ayuu baaskooladiina xagga dambe ku qarsaday isagoo doonaya ninkii caawa ka hela inuu dilo, markaa habeenkaasi khamaarkiisa nasiib kumuu ogayn ee laakiin inuu ragii ka heli jiray caawa laayo ayuu ku tallo-jiraa, nimankii khamaarka ka heli jiray oo aan waxba iskaga tirinayn ayaa miiskii la soo fadhiistay, Iraadada Illaahay habeenkaasi baadhkii rogmadaba isaga ayuun baa hela, isagaa wada urursaday wixii lacag meesha lala yimid kala ururin kari waa ileen nin lacag ka heli jiray meesha ma ahayne, haddaba dadkii habeenkaasi fadhiyay ayaa ku cel-celiyay oo ku yidhaahda waar waa sidee caawa miyaanad waxba reebayn ee wixiiba meesha miyaad wada-heshay, kelmad keliya ayuu yidhaahdaa ninkaasi oo ahayd INAAN IDINKA HELO AYAA IDIIN KHAYR ROON, cid kastoo la hadashana wuxuu ku yidhaahdaa WALLEE CAAWA INAAN IDINKA HELO AYAA IDIIN KHAYR ROON. Markaasi waxaan is leeyahay Kulmiye Doorashada inuu helo ayaa idiin khayr roonayd. La soco cadadka dambe… Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 5, 2010 Nin Bari reer Berbera ahaa ayaa lacag uu haystay khamaar ku ciyaaray, ninkaasi khamaarka nasiib kuma yeeshee isaga uun baa lacagta laga heli jiray, maalintii dambe ee lacagtii in yari ku hadhay ayuu tashaday waxaanu ku go’aansaday inuu intana uu khamaar ku soo ciyaaro oo haddii laga helo aanu sagan la’aan ku tagin ee uu rag laay, ka dibna inta uu baaskoolad soo qarsaday ayuu goobtii khamaarka yimid, dabadeeana intuu miiskii fadhiistay ayuu baaskooladiina xagga dambe ku qarsaday isagoo doonaya ninkii caawa ka hela inuu dilo, markaa habeenkaasi khamaarkiisa nasiib kumuu ogayn ee laakiin inuu ragii ka heli jiray caawa laayo ayuu ku tallo-jiraa, nimankii khamaarka ka heli jiray oo aan waxba iskaga tirinayn ayaa miiskii la soo fadhiistay, Iraadada Illaahay habeenkaasi baadhkii rogmadaba isaga ayuun baa hela, isagaa wada urursaday wixii lacag meesha lala yimid kala ururin kari waa ileen nin lacag ka heli jiray meesha ma ahayne, haddaba dadkii habeenkaasi fadhiyay ayaa ku cel-celiyay oo ku yidhaahda waar waa sidee caawa miyaanad waxba reebayn ee wixiiba meesha miyaad wada-heshay, kelmad keliya ayuu yidhaahdaa ninkaasi oo ahayd INAAN IDINKA HELO AYAA IDIIN KHAYR ROON, cid kastoo la hadashana wuxuu ku yidhaahdaa WALLEE CAAWA INAAN IDINKA HELO AYAA IDIIN KHAYR ROON. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 5, 2010 WALLEE CAAWA INAAN IDINKA HELO AYAA IDIIN KHAYR ROON. lol, Quote Share this post Link to post Share on other sites