Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President of Somalia meets with Bakara business groups

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha dawlada Soomaaliya oo la kulmay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

9. juli 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlada Faderalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu maanta kulan layeeshay ganacsatada Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu usheegay ganacsatada in suuqa Bakaaraha laga dhex furidoono saldhiga u weyn ciidamada booliska gobalka Banaadir.

 

Kulankaan ayaa wuxuu Madaxweyne Yuusuf ugu sheegay ganacsatada in aysan dawlada Soomaaliya ogolaaleyn in ay dad shacab ah hub ku dhex heystaan gudaha caasumada Soomaaliya ee Muqdisho,isla markaana dawlada Soomaaliya ay ganacsade walba ilaalintiisa u xilsaareyso ciidamo ugaara oo amaankiisa suga.

 

Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale ganacsatada Magaalada Muqdisho kala hadlay ,sidii ay utaageeri lahaayeen dawlada Soomaaliya ayagoo ganacsatadu balan qaadeen in ay dawlada Soomaaliya ganacsiinayaan.

 

Ganacsatada ayaa waxa ay usheegeen Madaxweynaha Soomaaliya in ay ayagu doonayaan in ay nabad helaan isla markaana ay hubkooda ku wareejinayaan inta harsan dawlada Soomaaliya ,hadii ay dawladu usameysay ciidamo amaankooda suga.

 

Shirkan maanta dhexmaray Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo ganacsatada Magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxaana sidoo kaler fadhiyay gudoomiyaha gudiga diyaarinta shirweynaha beelaha Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf: “Hadii saldhig ciidan laga dhex furo suuqa Bakaaraha oo amaanka la sugo waxay dan u tahay ganacsatada iyo suuqaba

 

9. July 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Kulan xasaasi ah oo ay maanta yeesheen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddiga amniga qaran, Guddoomiyaha Gobolka iyo xubno ka socday ganacsatada Soomaaliyeed oo looga hadlayey sidii loo joojin lahaa xasarada mudada shanta maalmood ah ka taagan gudaha Suuqa Bakaaraha iyo hareerahiisa.

 

Kulankaasi oo la iskula soo qaaday sida ugu sahlan ee wax looga badali karo xaalada haatan taagan ayey warbixin ka soo jeediyeen xubno ka socday ganacsatada gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa suuqa Bakaaraha iyagoo codsaday in wax laga badalo nidaamka hada ay wax ku socdaan oo sababi kara inuu gebi ahaanba xermo suuqa Bakaaraha ama laga kala guuro.

 

Dhinaca kale warbixino ay kulankaasi ka soo jeediyeen guddiga amaanka qaranka gaar ahaan madaxa guddigaasi ahna Taliyaha nabad sugida qaranka Gen. Maxamed Warsame Darwiish iyo sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) kuwaasi oo talooyin ay soo jeediyeen iyaga iyo ganacsatada loo gudbiyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyadoo Madaxweynaha iyo guddiga amniga qaranka iyo kuwa ganacsatada ay isla ogolaadeen in saldhig ciidan boolis laga dhex sameeyo gudaha suuqa Bakaaraha kaasoo amaanka ganacsatada iyo suuqaba wax weyn ka qaban kara si looga hortago kooxaha dadka dhibaateynaya.

 

Sidoo kale kulanka ayaa la isku afgartay in ganacsatada magaca ku leh Muqdisho in midkiiba la siiyo shan askari oo boolis ah kuwaasoo amaankooda sugaya si markaasi looga baxo ilaalada shacbiga ah ama kuwa maliishiyooyinka.

 

Gabagabadii kulankaas ayaa la isku afgartay in marka ciidamada dowladda ay baaritaanka ka sameynayaan suuqa Bakaaraha ay la socdaan guddi ka socda ganacsatada si ay ula socdaan baaritaanadaasi gacanna ugu siiyaan ciidamada iyo sidoo kale in la furo goobaha shantan maalmood sababay iney xermaan iyadoo taasina ay keeni karto inuu dib u soo noqdo nabadgelyadii suuqa Bakaaraha.

 

Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi goob joog ka ahaa ayaa markii uu dhamaaday kadib go’anadii ka soo baxay fadhigaasi kaga hadlay gabagabadii shirkii wadatashiga ee beelaha ****** oo maanta ku soo gabagabooway hotel Lafweyn, “Kulanka maanta wuxuu ahaa mid lagu guuleystay waayo Suuqa Bakaaraha maalmahan waxa ka jiray xasarad adag, waxaana la isla gartay in saldhig laga dhex furo suuqa, ganacsatada magaca lehna la siiyo shan askari oo boolis ah oo amaankooda sugo, marka baaritaan jirana ay guddiyo ka socda ganacsatada ay goob joog ahaadaan taasina waxay muujineysaa hadii dowladda gacan la siiyo iney wax walba hagaagayaan, hadiise la xabadeeyo oo Hoobiye lagu rido ama bamboo lagu tuuro waxay dhalineysaa iney iyaguna sidaas oo kale ay ku jawaabaan, waayo waxa ku baaba’ayo waa shacbiga, waad la socotiin in isbadal uu dhacay shantaan maalmood oo qaarkood amar lagu bixiyay in la xero shirkaddaha isgaarsiinta taasoo iminka lagu heshiiyay iney howlahoodii dib u wataan ayna gacan siiyaan ciidamada dowladda” ayuu yiri Md. Cali Mahdi Maxamed oo tallaabo horumar leh ku tilmaamay kulankii maanta.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka oo ka wada hadlay Mushkiladda ka taagan Suuqa Bakaaraha

 

Talaado, July 10, 2007(HOL): Qalalaase iyo kala-haad muddo shan maalmood ah ka taagnaa Suuqa Bakaaraha ayaa ugu dambeyntii waxaa shir isugu yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir, iyagoo ka wada hadlay sidii loo maareyn lahaa mushkiladda ka aloosantay Suuqa Bakaaraha.

 

 

 

Labada dhinac oo dood ka yeeshay sidii xal loogu heli lahaa arrinta Suuqa Bakaaraha oo aaney wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin muddo shan maalmood ah ayaa ugu dambeyntii waxaa la isku af-gartay qodobo ay ka mid ahaayeen:

 

 

 

In la sameeyo Guddi Ganacsatado ah oo Ciidamada Dowladda Federaalka la socda marka ay howlgallada baarista ah sameynayaan.

 

 

 

In gudaha Suuqa Bakaaraha laga sameeyo Saldhig Boolis oo laga sugo ammaanka Suuqaas oo ah midka ugu weyn Soomaaliya.

 

 

 

In Shirkadaha waa weyn ee Ganacsiga loo sameeyo Ciidamo Boolis ah oo ilaalo u noqda, maadaama hubkii ay heysan jireen ay Dowladda Federaalka horay uga qaaday

 

 

 

Iyo in Ciidamada Dowladda Federaalka lagu gacan siiyo howlgallada ay ammaanka ku sugayaan, isla markaana lagu wargeliyo dadka ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah.

 

 

 

Suuqa Bakaaraha oo ay ka xoogsadaan dad badan Soomaaliyeed ayaa muddo shan maalmood ah wuxuu ahaa mid aaney ka socon howlo ganacsi, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku daadisay ciidamo tiro badan oo holwgallo baaris ah ka sameynayay, iyadoo intii ay howlgalladaas socdeena ay dhaceen ilaa 6 qarax oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo Ciidamadii howlgallada sameynayay.

 

 

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu waxay maalmahan ka cabanayeen falal aan wanaagsaneyn oo kula dhaqmeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay mararka qaarkood kala kulmaan dhac iyo handadaad, sidaas darteedna waxay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay Ciidamadaas ka xakameyso.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku yaala oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo manaafacaadsada raashin quutul-daruuri ah oo Suuqaas looga iibyo.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this