Liibaan Posted May 30, 2010 Waa La Doogiye Yaan la Dacarroon Saturday, May 29, 2010 Marka bulshadu sideedaaba wajahdo xaalada , waxaa lagama maarmaan ah in ay soo baxaan waxyaalo badan oo qaarkoodna la filayey kuwo kalena aan la hawaysanayn ama la dhaadeynba. Xaalada SSC hada gashay waxay daaha ka qaaday oo faydey arimo badan oo qaarkoodna siigo isku qaris ahaayeen kuwana aysan ku cusubayn dhegaha iyo dhaayaha shacabka SSC. Wax yaalaha dhegaha shacabka aan ku cusbayn laakiin dhaayahooda aysan ku arag hada ka horoow waxaa ka mid ah. Xidhiidhka qotada dheer ee kargacaylku weheliyo ee u dhexeeya labada Maamul ee Garoowe iyo Hargaysa, Xidhiidhka hiilka iyo hoodaba leh ee u dhexeeya Itoobiya iyo maamulka Haragaysa kaasoo gaadhsiisan in labada dhinaca shacabka SSC laga soo wada weeraro isku maalin. In la arko mas'uul *********** oo shacabkiisii oo cadaw xasuuqayo lana marinayo Beebe oo asaganu dhankiisa ka soo saaraya digreeto lagu xidh xidhayo kuwa dhiidhiyey ee dhiiga leh. Waxayaalahaas iyo kuwo ka qalafsan ayaa la arkaa marka xaaladi dhacdo sidan oo kale ah isla markaana halgal la bilaabo. Si hadaba aysan u dhicin guul daro isla markaana loo beeniyo ficilada Mujaaxaabinta ah ee uu maamulka Garoowe isticmaalayo asagoo adeegsanaya ninka ugu sareeya ee SSC ugu jira maamulkaas kaasoo maanta laga filayey in uu shacabkiisa garbaha qabto laakiin taa bedelkeedii lugaha qabtay waxaa loo baahan yahay arimahan soo socda. In aan la niyad jabin, In samir badan iyo dulqaad xad dhaaf ah la muujiyo si loo xaqiijiyo hiigsageena ku salaysan xaq doonka. In Midnimada lagu dedaalo aana cid ka badan shakhsiga denbiga gaystey loo nisbeyn cid kale. In laga wada duulo hal ujeedo taasoo ah in cidina aysan sharaf yeelaydeyn hadaanay deegaankeeda u dhimana una caydhoobin. Waxaana loo baahan yahay in xoog iyo kalsooni fara badan laga sii qaado ficilada ka dhacaya deeganada maamulka Garoowe ee lagu mujo xaabinayo dedaalka SSC, kuwaasoo ay ugu danbeeyeen qab qabashada dadka aan waxba galabsan ee shacabka Ganacsatada ah, denbiga keliya ee ay galeena yahay , maxaad dadkiina iyo maatadiina ugu damqanaysaan. Run ahanatiina waxaa xasuus mudan in Kursiga Garoowe maanta ninka ku fadhiyaa uusan ku waareyn siina Joogeyn. Laakiin ta cidhib danbeedka reebaysaa ay tahay taariikhda danbe. Taaasoo ah mid qormaysa, ruuxkastana ku calaamadinaysa waxa uu yeelay iyo waxa uu taray dadkiisa iyo deegaankiisa. Maah maah Soomaaliyeed ayaa ahayd Soomaalidu ninkeey Adhiga kala quusato ayey Geella u dirtaa, ninkii asagoo ahaa Jananka ciidamada Daraawiishta u sareeya watana in ka badan 80 tikniko ah ka gudbey wadada dheer ee Garoowe iyo Laascaanood u dhaxaysa ay maanta tahay waali in aan la yaabno in uu wax ina yeelo ama lugaha ina jiido jiido. Shacabka SSC waxaa aad maanta haysataan Fursad qaali ah oo dahabi ah, taasoo u baahan in laga faa'ideysto, waxaana hubaal ah in hadii maanta taas laga faa'ideysan waayo aysan dhacayn in tanoo kale ina soo marto. Waxaana maanta hubaal ah in aynu haysano halyeeyo dantoodii, khaas ahaaneed, Hantidoodii, Juhdigoodii iyo naftoodiiba u soo huray shacabkooda sidii ay deegaanadooda wax ugu qaban laahaayeen ama ugu dhiman laahaayeen. Taasna waxaa makhraati u ah in jiida hore ayagoo tuute wata lagu soo sawirayey laguna waraysanayey. Waxaa maant shacabka SSC la Gudboon in aysan beer darayn fursadan dahabiga ah isla markaana ku daran dedaal naf iyo maalba leh io Zamir dhabar adayg lagu Ladhay. Ugu danbeyntii waxaan ku soo afmeerayaa, maanta waxaa socota dabayl, taasoo ah mid xawli sare ku ordaysa waxaana hubaal ah in qofkii isku daya in uu is hortaago ay Legdi doonto. Waayo Maah maah ayaa ahayd Ilaahay haduu xoolo kula maagay dadkeeduu ku siiyaa, Maantana SSC ilaahay dadkiidii ayuu siiyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites