Abtigiis Posted August 8, 2008 Mawlihii na abuurtay ee ninba meel ku ogaa Michael’ kii Ina Jordan murquhuu ku manaystay Million buu ku helaa oo Chicago mushaaxaa Bullskii wada maagtay inta uu kor u qaaday Maamuus ayna heleen iyo magac waa ka u keenay Miskawaynaha haysta magaaladii Moqdiishaadna Maxamed dheeraa la yidhaa’oo waxa uu ku mashquulay Madaafic dadka laysiyo, maamul beenoo la sheegtiyo Maatidoo baad laga qaado oo midba meel laga tuuro Maxamed oo Memphis gaadhay waakay Mike is arkeen Micheal baa la horeeyay oo ‘join NBA’ ku salaamay M.o.r.yaantii madaxeedu madaxuu lulayoo waxa uu ku jawaabay Mugga! waa maxay caydu? Maan fahmin hadalkaaka! Ma igaar macna wayniyo miisaan aanaba lahaynoo Mudnayn aabad imooday mise waa turjumaanka? Midka leexiyay weedha ee anoo maamula dawlad ‘Kubad aan wada dheelo’ murtidii ku aloosay? Micheal’oo aad ula yaaban ninkan aan war ka haynin MVP haduu qaatoo misaaniyadda sugaysa iyo media coverage’ka Mar qudhuun ku dhawaaq wiil yaroo alalaasi ‘O my God! The warlord!’ Jordan wuu wis wisoo 'mother f..ker’ mooye weedh kale laga waa!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted August 8, 2008 Well done A&T. keep the entartainment Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted August 8, 2008 Ducaysane/Habaarane, xageed isku aastay baryahan? Waryaa meesha soo shid ninyahoow. Your humor is missed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted August 8, 2008 Maxamed dheere tolow Michael Jordan ma yaqaan? This is the man who said "dowladaha xuduuda barriga naga xiga aa dhibta ka imaahee" :confused: not knowing there is only big ocean on our east side. And that famous phrase when he was talking about kenyan foreign minister "Xoy yahay waa Ja*****r xunn ah" darn with our (his excellence) mayor of the CAPITAL. Quote Share this post Link to post Share on other sites