Sign in to follow this  
General Duke

President, Speaker and 15 MP's to meet AU EU leaders in Adis:

Recommended Posts

Nairobi:Madaxweynaha DKMG ah ee Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo galabta ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii jeeda Addis Ababa

- Friday, October 22, 2004 at 15:10

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa 4:00 galabnimo ee maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport oo ku yaal magaalada Nairobi madaxweynaha DKMGF ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

 

Wefdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka KMGF ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno kale ayaa waxay u kicitimeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,kuwaasoo kala ah:

 

1-Shariif Xasan Shiikh Aadan Afhayeenka baarlamaanka KMG ah

 

2-Ismaaciil Maxamed Hurre Buubaa

 

3-Xasan Dhinbil Warsame

 

4-Ismaaciil Qaasim Naaji

 

5-C/qaadir Nuur Caraale

 

6-Axmed Xaashi Maxamed

 

7-Xuseen Shiikh Maxamed

 

8-Amiin Axmed Shiikh

 

9-Daahir Mire Jibriil

 

10-Cabdullaahi Maxamuud Maxamed

 

11-Cabdullaahi Rashiid Guure

 

12-Maxamed Faarax Gees

 

13-Cabdiwahaab Macallin Maxamed

 

14-Maxamed Shiikh Xasan

 

15-Yuusuf Cali Haaruun

 

Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka KMGF Soomaaliya oo gaarayey 160 xildhibaan Hotel 680 ee magaalada Nairobi oo uu goobjoog ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayuu xildhibaanadii halkaas ku sugnaa uga waramay ujeedada socdaalka wefdiga oo uu ku sheegay in looga yeeray Addis Ababa oo ay ku taal xarunta midowga Afrika,taasoo aan doonayno ayuu yiri inaan arrimeheenna kala soo hadalno maadaama aan gacan uga baahanahay.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo la hadlayey xildhibaanada ayaa waxa uu yiri "Qorshaha hirgelinta dawladda waxaa ugu muhiimsan sidii aynu amniga wax uga qaban lahayn,waxaynuna Afrika uga baahanahay inaan weydiisano in dalka la keeno ciidammo nabadda ilaaliya oo gacan siin doona ciidammada aan dhisanayno ee Soomaalida ah oo isugu jiri doona Millatari iyo Booliis,kaasoo noqon doona ciidan xoog leh oo hubka ka dhiga maleeshiyooyinka hubaysan".

 

Waxaan kale oo Afrika uga baahan nahay ayuu yiri madaxweynuhu dhaqaalihii ciidammadaasi ku hawlgeli lahaayeen iyo ciddii kharashkaas qaabili lahayd,waxana uu sheegay in safarkoodaani qaadan doono muddo 3 casho ah ,iyagoo kula kulmi doona Addis Ababa ninka madaxda ka ah dhinaca siyaasadda xiriirka dibedda ee Midowga Yurub Mr. Javier

Solana oo ay kala xaajoon doonaan sidii uu ugu gogol xaari lahaa wadahadalada dhexmari doona DKMGF ee Soomaaliya iyo ururka midowga Yurub oo dhowaan ka dhici doona magaalada Brussels.

 

Dhinaca magacaabistii Ra'iisal wasaaraha ayuu sheegay inay socdaan wadatashiyo cidda noqonaysa laga yeelanayo isagoo sheegay in sida axdigu qorayo uu haysto muddo bil ah oo ka soo bilaabmaysey xilligii xilka loo dhaariyey sidaas darteedna laga baaraan dego oo aan lagu degdegin ,isla markaana waxa jira oo madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay inta aan la magaabin Ra'iisal Wasaaraha in sixitaan lagu sameeyo qodobbada 46 iyo 47 ee axdiga KMG ah kuwaasoo qaybta ku qoran afka Soomaaligu ay sheegayso in Ra'iisal wasaaruhu uu ka mid ahaado golaha baarlamaanka,halka midka Ingiriiska ku qoranina qorayo in Ra'iisal Wasaaruhu ka imaan karo baarlamaanka ama qof aan ku jirin ee bannaanka ka ah xubnaha baarlmaanka,arrintaas oo xildhibaanadu u ballameen in maalinta Isniinta ee soo socota laga doodo.

 

Iimaan Cali Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMG ah Oo Magaalada Adis-ababa Ee Xarunta Itoobiya Booqanaya

 

Madaxwaynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Md C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Adis-ababa ee xarunta dawlada Itoobiya, taasoo xarun u ah Midowga Afrka .

 

Col. C/laahi Yuusuf waxaa la sheegay aa in halkaas kulamo kula yeelan doono masuuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Afrika, oo ay isla soo hadal qaadi doonaan arrinta la xiriirta sidii Soomaaliya loogu soo diri lahaa ciidamo Afrikaan ah oo hubka dhigis ku sameeya maleeshiyooyinka Soomaalida ee hubku gacanta ugu jiro.

 

Madaxwaynaha waxaa la sheegayaa safarkiisa in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan barlamaanka federaalka ah ee Somalia kuwaas oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan.

 

C/laahi Yuusuf Axmed waxaa warar soo baxayaahi sheegayaan in uu kulammo sidoo kale la yeelan doono saraakiil heer sare ah oo Itoobiyaan ah, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo aan ka fogeyn kuwa ay ka wada hadlayaan masuuliiinta Midowga Afrika oo xaruntoodu tahay adis ababa Ethiopia.

 

Booqashada madaxweynaha ee dalka Ethiopia waxay noqonaysaa tii ugu horeysay ee uu ku tago meel ka baxsan dalka Kenya oo isagu ah halkii lagu doortay , waxaana booqashadiisani ay imanaysaa xilli looga fadhiyo in uu soo magacaabo ra'iisuwasaare uu magacaabistiisa maalmihii la soo dhaafay kala tashanayey xildhibaannada baarlamaanka federalka ah, waxayna u muuqanaysaa in magacaabista raiisuwasaaraha uu dib u dhigay inta uu ka soo laabanayo booqashadiisan.

 

C/laahi Khadar,goobjoog, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this