GAAROODI Posted October 25, 2009 Siyaad Barre haloo aqoonsado `Masiibadii qowmiyadda soomaalida ee qarnigii 20-aad`. Eng.Farhan Fagah-Fagah 24/10/09 Dhamaan waxaan salaamayaa dadka afsoomaaliga ku hadla meel kasta oo ay joogaan. Haddaan u dhaadhaco dulucda maqaalkayga waxa beryahan dambe warbaahinta qowmiyadda soomaalida qaybeheeda kala duwan kusoo baxayey faalooyin ku saabsan kacaankii uu gadhwadeenka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Dadka ka faaloonayey ama fikradahooda ka dhiibanayey waxay u qaybsanaayeen saddex qaybood: 1-Qaar iyagu la soo shaqeeyey Siyaad Barre oo weliba u ahaa gacantii midig iyo bidix,taladuna ka goi jirtey oo odaygu wax ka dhegeysan jirey, 2-Qaar macalinka kacaanka ku taageeraya qabiil oo waxkasta oo uu sameeyey qaba inuu ku saxsanaa,maadaama oo ay isku reer yihiin, 3-Dulmanayaal la dulmay ilaa haddana ciddii dulmiday aan la maxkamadeyn oo waxay usoo taagnaayeen ee markhaatiga ka ahaayeen jeclaa inay soo bandhigaan balse codkooda ilaa hadda aanu dhegihii maqli lahaa ku dhicin. Qolyaha aan ku xusay qodobka koowaad waxay siiyeen Macalin Siyaad talooyin qaldan oo beertii maalintaas la beeray ilaa hadda midhaheedii Soomaaliyi guranayso. Waxay dhegta macallinka ugu sheegeen in qabaailka soomaalida la kala sareysiiyo oo la kala fadilo,in loo kala sadburiyo,loo kala eexdo iwm. Burburka,colaadaha dabada dheeraaday,qabyaaladda,faqriga,abaaraha,barakaca,qaxootiga,jahliga,gaajada,cudurada iwm ee maanta ka jira Soomaaliya waxa aabo u ah ee midhihii uu beeray la guranayaa waa Siyaad Barre iyo shaqsiyaadkii aadka ugu dhowaa ee uu la tashan jirey. Mudadii uu Siyaad Barre ka talinayey soomaaliya qoorta dadka soomaalida hoos bay u foorartay,oo indhahoodu may arkeyn caalamka iyo sida looga noolyahay, iyaga ayaana laysku jeediyey taas meesha ka saartay tartan(Challenge) horumarineed oo lala galo bulshada caalamka,gaar ahaan wadamada gobolka. Dib ma rabo inaan ugu noqdo taariikho la wada og yahay,taariikhduna way is qortaa hadday xun tahay iyo hadday wanaagsan tahayba. Haddii aan xaqiiqada la iska indho tireyn dhibka ilaa maanta dhacaya waxa ka masuul ah Maxamed Siyaad Barre,dhibkani ma dhamaaanayo oo carruurtii xilligii uu burburku bilaabmay yaryareyd ama xiligaas dhalatay 98% daryeel waxbarasho,caafimaad iyo tarbiyad iyo barbaarin wanaagsan may helin,maalin walba dhiig daadanaya,dad dhimanaya,nafaqodarro,naxariis darro iwm ayay jaar la ahaayeen oo indhahoodu arkayeen,kuwii usoo qaxay wadamada shisheeyey ee magangelyada qaxootinimo helay kamay faaiideysan fursadaha waxbarasho ee bilaashka u ah,balse waxay ka doorbideen inay iskaga saaqidaan iskuulada bilaabaana dhaqaaloraadis ay si xun u raadiyeen kadib markay bilaabeen ka ganacsiga maandooriyaha iwm,taasna waxa ka markhaati ah tirada dhalinyarada hablo iyo wiilal ee jeelasha caalamka ku jirta. Qowmiyadda soomaalidu maanta maalinta ka xun ee ay soo mari doontaa waa maalinta jiilashan aan kor ku xusay ay 40-50 da'doodu noqoto ee talo dal iyo dad dhan iyaga laga sugo.(Mid dhiig,dil iyo dhac buu ku taqasusay,kan kalena afkiisii hooyo ayuu u arkaa af xayawaan oo daayeeradu ku hadlaan iyo dadka jaahilka ahi,taas oo ay ugu wacan tahay aqoon la,aan haysata,luqadda uu ku hadlayana u malaynaya inay tahay aqoon iyo ilbaxnimo) Soo afmeeridda ama joojinta burburka dhaqan dhaqaale ee qowmiyadda weli fari kama qodna,ilaa si daacad ah oo cilmiyeysan loo lafa guro meesha dhibtu ka timi iyo sidii dawo loogu heli lahaa,iyadoo meel layska dhigayo shaqsi jecleysi iyo qabyaaladda ragaadisay meel kasta oo soomaalidu joogto. Waxa lasoo gaadhay xilligii maskaxdu shaqayn lahayd ee jihada markabka la bedeli lahaa,si loo badbaadiyo mustaqbalka jiilasha dambe ee qowmiyadda. Si taas loo helo waa in la sameeyo urur ka madaxnaan qabyaaladda,ururkaas oo howshiisa ugu muhiimsani noqoto sidii shaqsiyaadka dembiyada ka dhanka ah xuquuqal insaanka loo soo qabqaban lahaa loona maxkamadayn lahaa.Kii shlay wax xasuuqayey maaha inuu maanta xukun raadiyo isagoo qabiil ku gabanaya. Taas haddii la sameeyo iyadoo lala kaashanayo hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda biniaadamka waxa meesha ka bixi doona kala shakigii qabiilada soomaalida,waxana soo degdegaya is afgaradka,wax wada qabsiga iyo wada noolaanshaha qowmiyadda soomaalida meel kasta oo ay ku sugan yihiin. Akhristayaal iyadoo 40-kii sano ee la soo dhaafay ay bulshada soomaalidu soo martay dhib kasta oo qof biniaadam ah damqaysa,miyaanay ahayn inaynu inagoo dhinac iska dhigayna caadifad qabiil iyo shaqsi jecleysi aynu cambaareyno cid kasta oo dabkan dami'la shiday. Maxamed Siyaad Barre magaciisa Maxamed haddaad labada xaraf ee ugu horeeya ka soo qaadato(MA), aabihii Siyaadna aad (SI)kasoo qaadato,awoowgii Barre-na aad (BA) kasoo qaadato waxa kuusoo baxaya kelmadda ((((MASIBA))). Markaa maadaama oo midhaha aan maanta quudanayno ama cunayno uu isagu beeray soomaalina halkaa kala geeyey, miyaanay habooneyn in loo aqoonsado Maxamed Siyaad Barre(AHUN) ''MASIIBADII QOWMIYADDA SOOMAALIDA EE QARNIGII 20-AAD?''. Fiiro gaar ah:Fikradayda aniga ayay ii gaar tahay mana ka turjumayso afkaar qabiil ee waa bes aragtidayda ku aadan aabihii kacaanka iyo gacan yarayaashiisii. Wabilaahi tawfiiq Eng.Farhan Fagah-Fagah Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted October 25, 2009 THE RIGHT TO SELF DETERMINATION... Quote Share this post Link to post Share on other sites