Xaaji Xunjuf Posted April 26, 2010 Ciidamo fara badan oo ku hubaysan Gawaarida Dagaalka oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saakay gudaha u galay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegayaa in Ciidamadaan ay yihiin kuwii dhawaan la wareegay gacan ku haynta Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud. Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Al-Shabaab ay haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Degmada Xaradheere, mana jirto wax iska cabin ah oo kala horyimaadeenkooxaha Burcad badeeda ah ee halkaasi fariisinka ku leh. Dadka Magaalada xaradheere ayaa sheegay inay dareemayaan Cabsi xooggan, islamarkaana ay dhici karto in Ciidamada Al-Shabaab ay la wareegaan Degmadaasi oo idil, waxaan halkaasi ka jira dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan kooxaha Burcad badeeda. Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in hadii ay degmadaasi qabsato inay noqonayso Degmadii ugu horaysay oo ay ka qabsadaan Gobolka Mudug, iyadoo al-Shabaab ay tahay urur ka taliya inta badan Gobolada Koonfureed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted April 26, 2010 They are yet to capture Guriceel, Dhusamareeb, Galckayo, but i doubt they will, they are always pushed back. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted April 26, 2010 And may they reach Hargeysa, Zeila, Bosaso and Lascanod. Quote Share this post Link to post Share on other sites