Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

BreakingNews They Capture Xarardhere Mudug

Recommended Posts

Ciidamo fara badan oo ku hubaysan Gawaarida Dagaalka oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saakay gudaha u galay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana la sheegayaa in Ciidamadaan ay yihiin kuwii dhawaan la wareegay gacan ku haynta Degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Al-Shabaab ay haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Degmada Xaradheere, mana jirto wax iska cabin ah oo kala horyimaadeenkooxaha Burcad badeeda ah ee halkaasi fariisinka ku leh.

 

Dadka Magaalada xaradheere ayaa sheegay inay dareemayaan Cabsi xooggan, islamarkaana ay dhici karto in Ciidamada Al-Shabaab ay la wareegaan Degmadaasi oo idil, waxaan halkaasi ka jira dhaq dhaqaaqyo xooggan oo ay wadaan kooxaha Burcad badeeda.

 

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in hadii ay degmadaasi qabsato inay noqonayso Degmadii ugu horaysay oo ay ka qabsadaan Gobolka Mudug, iyadoo al-Shabaab ay tahay urur ka taliya inta badan Gobolada Koonfureed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

They are yet to capture Guriceel, Dhusamareeb, Galckayo, but i doubt they will, they are always pushed back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this