Sign in to follow this  
General Duke

US: urges courts to work with TFG..AUDIO

Recommended Posts

Audio, voice of America..

 

 

Henry Crumpton::: Maxkamadaha Islaamiga Waxaan u sheegnay in ay Dowlada Federaalka la shaqeeyaan

Last Updated::2006-06-15 18:48:36

 

Washington DC:- Agaasimaha Maraykanka ee qaabilsan la dagaalanka Argagaxisada ayaa

ka hadlay Jawaabtii ay u direen Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho.

 

Henry Crumpton oo ah Isu-duwaha arrimaha la dagaalanka Argagaxisada ee Dowlada Maraykanka ayaa warbixin la xariirta Soomaaliya ka hor akhriyey Golaha Senateka ee dalka Maraykanka.

 

Mr.Crumpton ayaa asagu diiday inuu saxaafada kala hadlo arrimaha la xariira xaalada dalka Soomaaliya.

 

Henry Crumpton oo dhawaan dib uga soo noqday dalka Kenya ayaa sheegay in ay isha ku hayaan isbedalada ka socda Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

 

Crumpton oo warbixin u gudbinaya Golaha Senate-ka, ayaa sheegay in ay kedis ku noqotay sida isbedalka xawliga ka socda ee kusoo baxeen Maxkamadaha Islaamiga.

 

Henry Crumpton ayaa ku tilmaamay wax la yaableh in Hogaamiye kooxeedka ay sheegtaan in ay la shaqeenayaan Dowlada Maraykanka.

 

Wuxuu isu-duwaha arrimaha Argagaxisada xaqiijiyey in qoraal ay usoo direen Maxkamadah islaamiga ee Muqdisho oo ay ku sheegeen in aysan Cadow ku ahayn dalka Maraykanka.

 

Mr.Crumpton oo ka hadlaya Jawaabtii ay u direen Maxkamadaha ayaa yiri:

 

"...anagu si cad ayaanu ugu sheegnay maxkamadaha in ay la shaqeeyaan dowlada Federaalka, isla markana ay nagala shaqeeyaan oo ay noo soo gudbiyaan xubnaha kamid ah Al Qaida...".

 

Henry Crumpton ayaa sheegay in ay jiraan dad kamid ah Al Qaida oo ku dhuumaleysanaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo ay ku jiraan dadkii ka danbeeyey weeraradii bambaano ee ka dhacay dalka Kenya iyo Tanzaaniya.

 

Mr.Crumpton ayaa xaqiijiyey in ay hada wadaan qorshe ay xiriiro kula sameenayaan Siyaasiyiin iyo Maamulo uu sheegay in ay yihiin kuwo lagu kalsoonaan karo in ay kala shaqeeyaan arrimaha la dagaalanka Argagaxisada, wuxuuna intaa raaciyey in ay hada xooga saarayaan in ay taageeraan DFKMG Somaliya.

 

Dowlada Maraykanka ayaa maanta oo khamiis ah markii ugu horeysay shir wadatashi ah kala yeelatay dalal kala gedisan arrimaha dalka Soomaaliya, iyo qaabka ugu haboon ee loo taageeri karo dowlad ka hirgasha dalka Somaliya.

 

Golaha Senateka ee ah kan ugu sareeya dalka Maraykanka ayaa asagu u yeeray Henry Crumpton si uu uga waramo arrimaha la xariira la dagaalanka argagaxisada oo todobaadkan looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale soo baxaya dhaliiceyn ka imaaneysa qaar kamid ah Senatorada oo dowlada Bush ku dhaliiceeyey in ay xukuumadaasi ku mashquushay dalka Ciraaq oo ay ka gaabisay siyaasadaha iyo goobaha kale ee looga baqayo waxa ay ugu yeereen Argagaxisada.

 

Senator Russel Feingold oo kamid ah Xisbiga Dimuquraadiga, ahna xubin muhiim ah oo kamid ah Guddiga Golaha Senate-ka ee qaabilsan siyaasada Arrimaha Dibada, ayaa asagu saxaafada u sheegay in dowlada Maraykanka looga baahan yahay in ay usoo jeesato dalka Soomaaliya, isla markaana dar dar geliso hawlaheeda dhinac walba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this