Sign in to follow this  
Gabbal

Governor of Gedo welcomes back UN organizations into Gedo region.

Recommended Posts

Gabbal   

Gudoomiyaha Gobalka GEDO Mudane Xuseen-Fareey Oo Ku Sugan Caasimada Gobalka GEDO Iyo Qeybo Ka Mid Ah Hay'adaha Samafalka Oo Maanta Soo Gaaray Isla Magaaladaas

 

Dayuurad siday wakiilada qaybo ka mid ah hay'adaha caalamka ayaa maanta abaare 11:20 AM ka soo cagadhigatay gegida dayuuradaha ee degmada G/haarey xarunta G/GEDO.

 

Hay'adahan oo ay si diiran garoon-ka dayuuradaha ugu soo dhaweeyeen boqollaal qof oo ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada G/haarey ayaa waxaa ka mid ahaa UN-OCHA,WFP, UNCEF, ICF,WORLD VISION iyo ICF. Waxayna ujeedada hay'adahani tahay in ay muddo shan cisho ah socdaallo shaqo ku bixiyaan qaybao ka mid ah degmooyinka iyo deegaamada G/Gedo si ay mudadaasi daraasad ugu sameeyaan hab-nololeedka bulshada ku dhaqan G/Gedo ee dhinacyada nolosha, caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo dhamaanba adeegyada bulshada ee asaasiga ah sida uu sheegay xariiriyaha UN-OCHA ee G/Gedo islamarkaasna hormuud ka ah hawl-gallada hay'adaha dunida ee gudaha G/Gedo Dr. Xasan Faarax Shirwac.

 

Gudoomiyaha degmada G/haarey Gaarane Nuure oo xafiiskiisa ku qaabilay waftiga hay'adaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay hannaan-ka nabadeed ee ka taabagalay degmada G/haarey iyo qaybaha kale ee gobalka waxuna gudoomiyuhu ku nuux-nuuxsaday in markii la eego wadiiqooyinkii loo qaaday nabadeynta gobalka aan iminka laga rajo qabin xasilooni darro dib uga soo cusboonaato gudaha gobalka.

 

Dhanka kalena waxaa xalay goor dambe soo gaaray degmada G/haarey gudoomiyaha G/Gedo Xuseen Sh.Cabdi Ismaaciil (Xuseen-fareey). Mudane Xuseen Fareey ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya masuuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada booliska ee G/Gedo Col.Yuusuf Dhuumaal.

 

Mr.Xuseen Fareey oo maanta hadal kooban ka soo jeediyay munaasabadii lagu soo dhaweynayay hay'adaha caalamka ayaa tibaaxay sida uu ugu faraxsanyahay in uu shacabka G/haarey kala qayb qaato munaasabadaasi muhiimka ah isaga oo intaa ku daray in uu dardar galinayo hawlaha waxqabad ee maamulkiisa, waxuna gudoomiyuhu sheegay in laga billaabo 09/12/05 lagu tillaabo qaadayo dib-uhabaynta iyo qaramaynta malaysiyaadka hubaysan ee ku sugan daafaha gobalka si ay uga qayb qaataan hawlaha lagu hormarinayo amniga gobalka.

 

Axmed Gaaruf

Gedonet, east africa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Max’uud Sayid Aadan oo sheegay in ay bilaabayaan dhismaha Maamulka gobolka Gedo.

 

 

Baardheere 10 Dec. 05 ( Sh.M.Network) Wasiirka hantida qaranka iyo qalabeynta Max'uud Sayid Aadan ayaa waxa uu sheegay in dhowaan ay bilaabayaan dhismaha maamulka gobolka Gedo ka dib markii dowladda FS ay ka heleen dhaqaalihii lagu dhisi lahaa maamulkaasi.

 

Wasiirka Hantida qaranka iyo qalabeynta dowladda FS Max'uud Sayid Aadan ayaa waxa uu si cad u shaaciyay in isaga iyo xubno ka tirsan dowladda ee ku sugan magaalada Jowhar ay dhowaan ka amababaxayaan halkaasi si ay ugu biiraan xubno ka tirsan dowladda FS oo maalmahaan ku sugnaa magaalada B/xaawo si ay u gudo galaan dhismaha maamulada degmooyinka gobolka Gedo.

 

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in dhismaha gobolka ay hakiyeen dhaqaalo la'aan iyo dib u dhac ku keentay balse waxa uu sheegay in haatan ay heleen dhaqaalihii loogu talo galay dhismaha gobolka isla markaana ay shalay heshiis la saxiixdeen hay'adihii gobolka isla markaana lagu wareejiyay dhaqaalihii, waxa uu sheegay in 18 ka bishaan ay bilaabayaan dhismayaasha maamulada, iyadoo laga bilaabayo heer degmo oo la fariisinayo duqeyda iyo waxgaradka si ay u doortaan gole yaal degmo oo ka kooban 21 xubnood, kuwaaasi oo uu sheegay in ay iska dhex dooran doonaan Gudoomiye iyo labo K/xigeen iyo xubno kale ka dibna degmo kasta ay dhisan doonto lix xubnood oo uga qeybgala maamulka gobolka waana nidaam ku qeexan habka ismaamul goboleedka ee ku qeexan Charterka FKMG ah ee Somaliya.

 

Shabelle Media Network, Gedo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Baardheere: Kulamo waxgaradka iyo maamulka degmada Baardheere ka yeesheen sidii ay dib ugu furi lahaayeen garoonka diyaaradaha ee Baardheere.

- Friday, December 09, 2005 at 07:05

 

 

Baardheere(AllPuntland)- Maamulka degmada Baardheere iyo waxgaradka ayaa maalmihii ugu danbeeyay lahaa kulamo is daba joog ah oo kusaabsan sidii irdaha loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha Baardheere oo muddo xirnaa.

 

Sida uu sheegay masuul kamid ah maamulka degmada oo lagu magacaabo Cumar Ilkocase , waxaa kulankan looga hadlayay sidii hay'adaha ajnabiga ah looga dhaadhicin lahaa inay ka hawlgalaan magaalada Baardheere.

 

Hay'adaha ayaa lagu dhaliilay tan iyo 2003da inaysan wax hawl ah ka fulin magaalada Baardheere marka laga reebo tallaalka Lixda cudur oo ay WHO ka fuliso halkaasi.

 

Hay'adaha ayaa waxaa kaloo lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen horumarinta arimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo horay si habsami ah uga socon jiray Baardheere.

 

Kulanka dhex maray maamulka iyo waxgaradka degmada Baardheere waxaa kaloo looga hadlay sidii mar hay'adaha looga dhaadhicin lahaa inay isticmaalaan garoonka Bardheere.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ayaa 2003dii diyaarad kusoo dagtay ay rasaas ku fureen dablay hubaysan oo u dhalatay degmada Baardheere , xilligaasi ayay si rasmi ah hay'adahu u joojiyeen shaqadii Garoonka.

 

Waxyaabaha shirkaasi lagu soo qaadayna waxaa kamid ahaa in ammaanka degmada Baardheere uu noqdo mid la isku hallayn karo oo aad u wanaagsan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Baladxaawo: Xubno kasocda labada gole ee DFKGS ayaa kulan ay uga hadlayaan aruurinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku yeeshay Baladxaawo.

- Thursday, December 08, 2005 at 07:07

 

 

Baladxaawo(AllPuntland)-Hoolka shirarka ee degmad Baladxaawo ayaa waxaa ak dhacay kulan dhex maray maamulka degmda iyo xubno ka socda labada gole ee dawladda oo uu hor kacayo wasiir kuxigeenka garsoorka iyo caddaaladda Yuusuf Maxamed C/qaadir.

 

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saarayay sidii loo sii wadi lahaa hawlihii lagu aruurinayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya qaybtii gobolka Gedo.

 

Wasiir kuxigeenka garsoorka iyo caddaaladda Md: Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in ay waa hadalkiisa ku weheliyaan xildhibaanno dhowr ah kuwaasoo ay si wada jir ah u aruurinayaan inta harsan ciidanka xoogga dalka ee aan wali la isku dubba ridin.

 

Shirkaan waxaa lagu casumay madaxda ciidamada degmada kuwaasoo laga codsaday inay sida ugu dhaqsaha badan kusoo aruuriyaan ciidan gaarya illaa iyo 400 oo askari kuwaasoo ku biira ciidan horay looga aruuriyay gobolka Gedo oo tiradoodu gaarayso 300 oo askari oo haatan kusugan gobolka Waajid.

 

Wasiir kuxigeenka garsoorka iyo caddaaladda wuxuu tilmaamay in dar dargalintan hawlahan ay timidday kadib markii xoogaa habacsanaan ah laga dareemay aruurintii ciidamada.

 

Maamulka degmada Baladxaawo ayaa sheegay inay u hawlgalayaan sidii ay ugala shaqayn lahaayeen ciidamada isku dubbarididda ciidamadan.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this