Jacaylbaro Posted July 11, 2007 Burco (Somaliland.org) – Ururada Haweenka Gobolka Togdheer ayaa manta ka soo saaray magaalada Burco Baaq ay ku dalbanayaan in la cayimo saamiga ay Haweenku ku yeelanayaan Doorashooyinka dalka ka ka dhacaya. Baaqan oo ay ku saxeennaayeen Garabka Haweenka ee ay ururadani u ig madeen ka qaybqaadashada Talada dalka waxay ku cadeeyeen in golaha baarlamaanka iyo xukuumada soomaaliland ay si cad ugu dhawaaqaan saami la og yahay oo ay haweenka soomaaliland ku yeelanayaan musharaxiinta u tartmaysa doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay ka dhacaan soomaaliland bilaha inagu soo socda. Baaqaasi oo ay ku saxeexan tahay Jawaahir Axmed Cabdi oo ah afhayeenka u hadlaysa garabkan haweenka waxa uu u dhignaa sida:- "Annaga oo ah haweenka Togdheer waxaanu baaq ku soo jeedinayanaa in loo ogolaado haweenka kooto laga siiyo doorashooyinka dawlada hoose, mar hadii ay yihiin haweenku tirada ugu badan ee codeeyeyaasha ee bulshada, laguna reebo qabiil oo ah "dhaxdin ama dhalasho", iyadoo aanu dastuurka soomaaliland aanu ka maanacayan in haweenka la doorto iyana ay wax doorato ayna cadaynaso qodobada dastuurka ee 36, 22aad oo qiraya inaan kala sarayn jirin sida midabka, dhalashada, hantida iyo mudnaanta afkaarta , kaasi oo ah mid lab iyo dhedig loo siman yahay sharciga." Arintani waxa ay ku soo beegantay xili ay gudaha baarlamaanka Somaliland ka socoto dood adag oo ku wajahan doorka ay haweenka soomaaliland ku yeelan karaan dhinaca doorashooyinka . Dhinaca kalena dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayey haweenka gobolka Togdheer. Ka soo saareen magaalada Burco baaqyo isdaba jooga oo ay ku dalbanayaan inay haweenku ka dhux muuqdaan xubnaha komishanka qaranka. Quote Share this post Link to post Share on other sites