Sign in to follow this  
General Duke

US warns Eritrea anti-TFG groups..pressure mounts

Recommended Posts

WASHINGTON: Jandayi Frazer oo sheegtay in Mareykanku uga digayo Dowladda Eritrea inay gacan-siiso kooxo ay ku sheegtay...

Posted to the Web Apr 09, 07:38

 

Washington (PP) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Arrimaha Afrika Mss. Jandayir ayaa ku eedeysay dowladda Eritrea inay gacan siiso kooxo ay ku sheegtay inay yihiin kuwo xagjir ah oo ku sugan Soomaaliya, qaarkoodna ay dagaallada ka wadaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Mss. Frazer waxay sheegtay in dowladda Eritrea ay hub iyo waxyaabo kale soo siisay kooxahaas intii ay dagaallada ka wadeen Muqdisho, waxayna sheegtay in Eritrea looga baahan yahay inay joojiso taageerrada ay siiso kooxaha xagjirka ah ee Dagaallada ka wada Muqdisho.

 

"Dowladda Eritrea waxay markii hore gacansiin jirtay Maxkamadihii laga itaalka roonaaday, haddana waxay isku rogtay inay gacansiiso kooxaha ka soo horjeeda dowadda ee dagaallada ka wada Muqdisho, waana mid aan kaga digayno Eritrea arrimaha ay waddo" ayay tiri Mss. Jandayi Frazer.

 

Mss. Frazer waxay carrabka ku dhajisay in haddii Eritrea ay joojin waydo kaalmooyinka ay siinayso kooxaha lagu tuhmayo Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-Qaacida uu Mareykanku tallaabo ka qaadi doono, taasna ay dhibaato weyn ku keeni karto Dowladda Eritrea.

 

"Kooxaha ku sugan Muqdisho ee gacansaarka la leh Argagaxisada ma badbaadayaan, waana lala dagaalami doonaa, waxaase marka hore la dagaalamaynaa kooxaha ay gacansaarka ka helaan" ayay tiri Jadayi Frazer oo intaas ku dartay: "Wax walba oo ay qaadato waa in laga taqaluso kooxaha mitidka ah ee ku sugan Soomaaliya, dagaalladana ka wada Muqdisho".

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this