Jacaylbaro Posted October 29, 2008 Boorama (Qaran News)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa 12 goobood oo cusub ku kordhiyay goobihii Diiwaangeinta ee magaaldda Boorama iyo nawaaxigeeda ka dib markii ay cabasho xoog lihi ka timid Salaadiinta, Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedyada Gobolka Awdal. Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in 12 goobood qalabkoodii shalayba in 10 ka mid ah la hawl galiyay, balse illaa hadda waxa gobolkaasi lagu soo waramayaa cabashadii in ay taagan tahay oo aanay waxba ka taraynin goobahaasi. Dhinaca kale, Deegaanka Degmada Saylac ayay cabasho xoogan oo ku saabsan tirade dadka oo soo kordhaysa iyo goobaha oo ayari ay ka soo yeedhaysaa Mas'uuliyiinta Deegaankaasi kuwaasi oo sheegay in ay xaalado nololeed oo deegaankaasi ahi ay jirto. Quote Share this post Link to post Share on other sites