General Duke Posted June 5, 2005 Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa u soo bandhigay Madaxwaynaha in la qoro 22.000 oo Ciidankii Qaranka ah iyadoo loo kala qaybinayao dhamaan Gobolada Dalka. :: (422 Reads) Posted by webmaster on Saturday, June 04, 2005 - 02:44 AM Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka ayaa Madaxwayne Yuusuf waxa ay u soo bandhigeen in la diyaariyo Ciidankii Qaranka.Ciidanla la diyaarinaayo ayaa waxa ay yihiin 10.000 oo Boolis ah iyo 12.000 oo Daraawiish ah ama Milatari oo uu Dalku Yeelanayo, Ciidamadan ayaa waxaa la sheegay in Gobolada Dalka Dhamaan loo kala qaybiyay in ay qaybsadaan oo laga qoro. Magalada Muqdisho ama Gobolka Banaadir ayaa ugu badan Meelaha ciidanka laga qorayo ama laga keenayo. Raysul Wasaare Geedi ayaa isagu la sheegay in uu Xafiis wayn ka furan doono Magaalada Muqdisho kaasoo isku xiri doono Magaalooyinka kale ee Dowladu ay dagidoonto ama ay ku siinagaandoonto inta Magaalada Muqdisho la nadaaminayo. Waxaa Dowlada Loo ogolaaday ama Beesha Caalamku ay u diyaargaraysay dhamaan Dhaqaalihii lagu Howlgali lahaa iyadoo wali lagu jiro Qaban qaabadii Guuritaanka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 5, 2005 Ra'**** wasaaraha Xukuummadda FKMG ah oo Xilal u magacaabay Gobolka Banaadir Posted to the Web Jun 05, 11:11 Nairobi:-Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda FKMG ah Cali Maxamed Geedi ayaa Digretto qoraal ah uu ku saxiixnaa,soona baxday saaka waxa uu Ma'suuliyiin ugu magacaabay Gobolka Banaadir,taasoo qayb ka ah dhamaytirka Maamulka Gobolkaasi,iyadoo Xubnihii Xilalka loo magacaabay ay kala ahaayeen:- 1-Cali Maxamed Cali Ugaas -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Gobolka Banaadir 2-Maxamed Cismaan Cali -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Nabadgelyada ee Gobolka Banaadir 3-Maxamed C/qaadir Maxamed -Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Gobolka Banaadir Magacaabista xubnahan ayaa waxay ku soo beegantay wakhti Dawladda FKMG ah diyaargaraw u jirto sidii dalka loogu guuri lahaa,iyadoo war rasmi ah oo aan ka soo xiganay Wasiir ka tirsan Xukuummadda FKMG ah uu shaaca ka qaaday in la fasaxi doono Xildhibaanada baarlamaanka muddo labo bilood ah,islamarkaasna labadaas bilood gudahooda lagu soo dhamaystiri doono Maamul u sameynta Gobolada iyo Degmooyinka dalka. Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu hore u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada,iyadoo sidoo kale Jagooyinka loo dhiibay Ma'suuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo Guddoomiyaha Maxkammadda sare. Warar hoose oo ka soo baxaya dib u guuritaanka dalka ee Dawladda FKMG ah ayaa waxay sheegayaan inay Golaha wsiirada iyo Ra'iisal wasaaruhu fariisin ka dhigan doonaan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 5, 2005 Kuxigeenada Gud/Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta la magacaabay Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Maanta Wareegto uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu Magacaabay kuxigeenada Gudoomiyaha iyo duqa Magaalada Muqdisho waxayna gaarayeen ilaa iyo 3 Guddoomiye Kuxigeen uu yeelanayo gobolka Banadir. Wareegtadani kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa Saxaafadda u aqriyay Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Xayir (maareeye ) wuxuuna wasiirka Magacyada ku sheegay sida tan :- Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali) Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha siyaasadda iyo dib u heshiisiinta. Maxa’ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banadir ee arimaha nabadgelyada. Dr.Maxamed C/qaadir Maxamed. Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee arimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda Mas’uuliyiintan la magacaabay ayaa waxa ay yihiin mas’uuliyiin horey uga soo shaqeysay Maamuladii hore ee Gobolka Banaadir waxayna iminka ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites