Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu admin to open a seminar for 2000 residents

Recommended Posts

Seminaar Muqdisho uga furmaya in ku dhow 2000-qofood oo ka socda degmooyinka G/Banaadir { 29 Jul 2007}

 

waxaa la daabacay Sun 29 Jul 2007 14: 39: 48

Waxaa beri Dugsiga Sare ee Booliska Muqdisho ka furmaya Seminaar ay ka qeyb gelayaan 1800-qofood oo ka kala socda degmooyinka G/Banaadir.

Xubnaha tababarkan u furmayo ayaa la tilmaamayaa inay ka kooban yihiin guddiyada Degmooyinka, qeybaha waaxyaha iyo tabeelayaasha, waxaana mudada uu socdo tababarkan lagu wadaa in xubnahaasi ay ku qaataan duruus la xiriirta qaabka wada shaqeynta maamulada degmooyinka iyo ka qeyb qaadashada adeegyada bulshada sida uu sheegay Md.Sheekha Muudey Gacal oo ah Wakiilka dib u dejinta iyo taakuleynta qaxootiga ee maamulka G/Banaadir.

 

Wuxuuna Sheekha Muudey hoosta ka xariiqay in qabsoomida seminaarkan ay gacan ka geysanayaan Hay’adda CED oo ku deeqday macallimiin iyo dhaqaale, isagoo tallaabadaasina uga mahad celiyay Agaasimaha Hay’adda CED Prof. C/llaahi Cali Xasan.

 

Seminaarkan oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee maamulka G/Banaadir soo qabanqaabiyo ayaa waxaa la filayaa inay furitaankiisa ka soo qeyb galaan madax ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda iyo safiirada Muqdisho u jooga dowladaha caalamka.

 

Waxaa sidoo kale furitaanka seminaarkan lagu wadaa in Guddoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M/Dheere) uu ka soo jeediyo khudbad dheer oo ku aadan qorshaha waxqabadka maamulka G/Banaadir ee ku wajahan arrimaha nabadgelyada iyo dib u soo nooleynta adeegyadii dowliga ahaa ee D/Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this