Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Diaspora Forum (PDF) MN chapter to hold meeting dont miss

Recommended Posts

Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota 'Puntland Diaspora Forum, MN Chapter' oo 20-ka June shir bulsheed ku yeelan doona Minneapolis.

 

Minneapolis, June 11 | Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka Minnesota [Puntland Diaspora Forum, MN Chapter] oo bilihii la soo dhaafay ku hawlanaa dhismaha hoggaanka sare ee cutubka, turxaan bixinta hawlaha cutubka, dejinta shuruucda hagi doonta cutubka, iyo dardargelinta shaqada guud ee cutubka ayaa shir bulsheed ku yeelan doona Minneapolis 20-ka bishan June.

 

Hogaanka ku meel gaarka ah ee Cutubka MN oo in dhawaale darsayey yagleelka hogaanka joogtada ah ee cutubka, iyo qorshe hawleedkiisa ayaa go'aamiyey in hadda la gaaray xilligii bulshada Puntland ee MN loo soo bandhigi lahaa himilada guud ee Golaha Qurbajoogta Puntland, iyo tan Golaha Qurbajoogta Puntland, cutubka MN.

 

Hawlaha Cutubka MN ayaa bilawday horaantii sannadkan, bilihii la soo dhaafayna qabtay tiro shirar wadatashi ah oo ay bulshada la yeesheen, lagu soo bandhigay himilada iyo yoolka guud ee golaha Puntland Diaspora Forum, iyo hirgelinta qorshe hawleedka bulsheed ee golaha.

 

Dhismaha cutubka MN ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ee Minnesota, waxaana uu kaashan doonaa ururada bulshada ee hore uga jiray Minnesota.

 

Puntland Diaspora Forum ma aha gole siyaasadeed ama tijaaro sida ku cad shuruucda golaha, mana aha mid la tartami doona ururada bulsheed ama siyaasadeed ee mashaariicda ka fuliya Minnesota.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cutubka MN waxaa uu leeyahay 3 gole oo mid kastaa leeyahay aste shaqo oo u gaar ah:

 

- Golaha Guurtida [Elders Council] oo qaabilsan dhaqanka iyo arrimaha bulshada,

- Golaha Sharciga [board of Directors] oo ah gole go'aameed iyo meel marin shuruuc gole,

- Golaha Fulinta [Executive Council] oo u kala baxa mid farsamo iyo mid shaqo, mid kastaana ka kooban yahay unug-hooseedyo hawleed.

 

Hogaanka sare ee Puntland Diaspora Forum ayaa kaalin waafi ah ka qaatay dhismaha Cutubka MN.

 

Eng. Maxamuud Xaamud, ku xigeenka golaha Puntland Diaspora Forum, kana mid ahaa aasaasayaashii golaha, ayaa ku amaanan kaalinta uu ka qaatay dhismaha Cutubka MN.

 

Dr. C/qadir A. Haashi, madaxa golaha Puntland Diaspora Forum ayaa ku tilmaamay hawlaha golaha kuwa dawr waafi ah ka qaadan doona isku xidhka cududa iyo caqliga qurbajoogta Puntland, iyo shacabka iyo maamulka Puntland oo sida uu sheegay iskaashi dhex maraa uu udud-dhexaad u yahay horumarka dhaqan-dhaqaale, bulsheed iyo siyaasadeed ee Puntland.

 

Dr. C/wali M. Cali, oo ka mid ahaa aasaasayaashii golaha, ahna la taliye sare, ayaa isna dawr muhim ah ka qaatay turxaaan bixinta iyo taabagalinta hawlaha guud ee golaha, iyo kuwa cutubka MN.

 

Sidoo kale, waxaa ka socda dalalka Canada, Britain, Australia, wadamada Scandanavia, iyo dawlad goboleedyada kale ee Maraykanka dhismaha cutubyada Golaha Qurbajoogta Puntland [Puntland Diaspora Forum].

 

Puntland Diaspora Forum ayaa shir weyn oo ay ka soo qayb gali doonaan madaxda, indheergaradka, aqoonyahanka, bulshada rayadaka iyo warbaahinta Puntland ku qaban doonta Minneapolis 10-ka iyo 11-ka bisha Octobar, 2009.

 

Shir kan ka horeeyey ayaa Puntland Diaspora Forum ku yeelatay bishii December ee kal hore magaalada Toronto ee Canada.

 

Xogta iyo hawlaha Puntland Diaspora Forum, cutubka MN waxaad kala xidhiidhi kartaa:

i) Yaasiin Yaabarag - 612.703.8039,

ii) C/fitaac C/nuur - 507.271.4753,

iii) Yusuf Cali - 612.532.5390.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this