Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ONLF Pays $40,000 For Each Vehicle

Recommended Posts

Saddexdii Baabuur ee ay lahaayeen Muwaadiniinta Somaliland ee loo adeegsaday inay ka soo qaadaan xeebta u dhaxaysa Lughaya iyo Saylac Maleeshiyadii ONLF ee sida qarsoodiga ah bishan 10-keedii uga soo dagay deegaankaasi ayaa la sheegay inay ku kiraysteen baabuurtaasi midkiiba lacag dhan $40,000 Dollar.

 

Maleeshiyadaa hubaysnayd oo tababar ku soo qaadatay dalka Eriteria, isla markaana ku jihaysnaa inay u gudbaan gudaha dhulka Ethiopia si ay halkaasi uga dagaalamaan.

 

Saddexda gaadhi oo laba ka mid ah noocoodu ahaa Shaamboo Xayraan iyo Tm ayaa Maleeshiyadaas ka soo qaaday Xeebta Somaliland, kuwaas oo gudaha Somaliland dhex maray Masaafo dhan 120KM, iyaga oo galay buuralayda Maarmaar.

 

Gawaadhidan qaaday maleeshiyada hubaysan ee ku jihaysanayd Itoobiya ayaa Qiimaha gaadhiga nooca shaambo xayraanka lagu iibsadaa yahay qiime dhan $18,000, halka maleeshiyada hubaysan ee ka tirsan ONLF ay kaga kirasyteen gaadhigiiba $40,000

 

Maleeshiyadaas oo la sheegay inay duulaan ku yihiin dalka Ethiopia.

 

Ilo-Wareedyo aad ugu dhaw Deegaankaas ayaa waxa ay Haatuf u xaqiijiyeen, in markii ay Maleeshiyadaasi marayeen Kantaroolka Tuuladda Jidhi in ay Askartii Kantaroolku damceen inay baadhaan baabuurtaasi, balse markii ay u dhaqaaqeen uu masuulkii haysty uu ku yidhi iska daaya waa baabuurtii hore usoo mari jirtay ee Milixda’e.

 

Ninka iska leh baabuurka TM-ka ah ee ka mid ahaa saddexdii gaadhi ee maleeshiyada lagu qaaday ayaa waxa lagu magacaaba Halaya, waxa la sheegay inuu ku sugan yahay tuulada Boon ee ka tirsan gobolka Awdal, kaas oo sida la sheegay hore loogu xidhiidhinayay dambiyo ku saabsan alaabooyin lagu soo qariyay baabuurkiisa wakhtiyo kala duwan.

 

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gawaadhidan qaaday maleeshiyada hubaysan ee ku jihaysanayd Itoobiya ayaa Qiimaha gaadhiga nooca shaambo xayraanka lagu iibsadaa yahay qiime dhan $18,000, halka maleeshiyada hubaysan ee ka tirsan ONLF ay kaga kirasyteen gaadhigiiba $40,000

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Booyadiiii wax qarxisay ,,, ayaan soo xasuustay ,,,, :D

 

Originally posted by Ferguson:

quote:Originally posted by Qudhac:

(Jam)-17,10–Ciidammada ammaanka Somaliland, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Booyadii wax Qarxisay maanta duhurkii oo si qarsoodi magaaladda Hargeysa u soo gashay kana timi xagaa iyo muqdiso.

:D

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Jacaylbaro:

It is probably paid by their trainers in Asmara ....

Trainers paying their clients, only JB could say that, odd!

 

Are you saying ONLF waa gaajo oo waxba iskama bixin karaan, it is in fact ONLF who paid that amount for the rent of the cars, and it is them who paid the trainers in Asmara for their training, it is common sense yaaa JB, bal iskaga ogoloow iney lacagtu iyagu la baxeen, without money, ONLF can't do one step, can't travel, can't train, wax un iskaga ogoloow ee iska dhaaf macangagnimada :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar lacag way heli karaane laakiin this one was a whole package dee ,, the training, transportation, smuggling costs and was one package paid by Eritrea to support the ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by nuune:

quote:Originally posted by Jacaylbaro:

It is probably paid by their trainers in Asmara ....

Trainers paying their clients, only JB could say that, odd!

 

Are you saying ONLF waa gaajo oo waxba iskama bixin karaan, it is in fact ONLF who paid that amount for the rent of the cars, and it is them who paid the trainers in Asmara for their training, it is common sense yaaa JB, bal iskaga ogoloow iney lacagtu iyagu la baxeen, without money, ONLF can't do one step, can't travel, can't train, wax un iskaga ogoloow ee iska dhaaf macangagnimada
:D
In other word, JB wanted to say ONLF Paid $40,000 for each Jerikan... good advertising bid .... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

shoow wuxu adheero seal kuu sheego hore ayaad ka rumeeysta!

 

Weeli maa ku sheegey ino astrounat yahey oo uu dayaxa fuuley biri?? oo u markaana ku soo arkey a big camel!

 

No body knows what happen to that camel. According to some people, the camel was see last in Las qorey!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this