ansaar17 Posted April 1, 2007 Malishiyad qabsadey Ceel Cirfiid 1 Apr 1, 2007 - 3:54:02 AM Ciidamo daacad u ah Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ka tirsanaa Guddigii Shuuradda Maxkamadihii Islaamiga ee laga awood roonaaday ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanada Ceel Cirfiid, Darmoole iyo Suuqa Xoolaha. Macalin Xaashi oo ka tirsanaa maamulkii Maxkamadihii Islaamiga isla markaana ahaa Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sh/Dhexe ayaa haatan Muqdisho ku sugan isagoo sheegay in ciidamadiisa ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanadaasi isla markaana ay ka taliyaan wuxuuna sheegay in ay iska difaaci doonaan wax uu ku sheegay Gaalada iyo inta raacda. Macalin Xaashi ayaa shacabka Muqdisho gaar ahaan dad kasoo jeeda Waqooyiga magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ku soo biiraan walaalahooda Muslimiinta ah ee jihaadka kula jira wax uu ku sheegay ciidamada shisheeye ee duulaanka ku soo qaaday dalka iyo Diinta. Ciidamada dalka Itoobiya iyo kuwa dowladda ayaa shalay isaga caraabay deegaanka Ceel Cirfiid iyo Darmooley sababo aan la sheegin dartood. Waa markii ugu horeysay ee Macallin Xaashi ku dhawaaqo in ciidamadiisa ay ku jiraan kooxaha dagaalada ka wada Muqdisho isagoo haatan ku sugan magaalada Muqdisho. Garowe Online,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted April 1, 2007 Courts, i thought it was a clan war? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gordon Gekko Posted April 1, 2007 This guy exposed himself. He has no real force as he claims and thought the ethopians had left for good so he could jump back into action again. He is now easy prey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 2, 2007 Maxkamado, qabiil ,,, horta dadkani waa dhinacee ??? Quote Share this post Link to post Share on other sites