Sign in to follow this  
General Duke

Mataban clan millitia enter town.. Internal clan dispute

Recommended Posts

Maleeshiyooyin la wareegay degmada Matabaan

Last Updated::2007-02-12 17:11:30

 

Matabaan:- Maleeshiyo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saaka la wareegay xarumo ku yaal magaalada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

 

Maleeshiyadan oo la sheegay in ay kasoo jeedaan gobalka Galgaduud, ayaa la sheegay in ay magaalada lasoo galeen dhawr gaari oo nooca dagaalka ah.

 

Maleeshiyadan ayaan wax iska caabin ah kala kulmin deegaanka Matabaan, walow halkaasi xiisadi ay ka dhalatay imaanshaha maleeshiyadan.

 

Maamulka degmada Matabaan ayaa ugu digay Maleeshiyadaasi in ay halkaasi isaga baxaan, ayadoo maamulkaasi uu ka codsaday ciidamada Dowlada in ay tilaabo ka qaadaan maleeshiyooyinka halkaasi soo gaaray.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MATABAAN: Kooxo Malleeshiyo ah oo xoog ku qabsaday Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Posted to the Web Feb 12, 12:33

 

 

Matabaan (PP) – Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in cidammo ka yimid dhanka Deegaanka Gobolka Galguduud ay xoog ku qabsadeen Matanaan saakay.

 

Ciidamada duullaanka ah oo ka yimid dhanka gobolka Galguduud ayaa la sheegay inay xalay saqdii dhexe soo dageen meel ku dhow Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Galguduud, saakayna ay soo galeen, deegaanka iyagoo aan wax dagaal ah kala kulmin gudaha degmada.

 

 

Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Matabaan ayaa saxaafadda qaarkeed u sheegay inaysan ogolaan doonin in Ciidamo ka yimaada Gobolka Galgaduud oo xoog ku qabsada deegaankooda, waxaana ay sheegeen inay ka hortegi doonaan ciidammadaas oo ay ku sheegen inay yihiin kuwo doonaya inay fadqalalo ka abuuraan gudaha Degmadooda.

 

 

 

Mas’uuliyiintaan ayaa sheegay inay dagaal kaga hortagi doonaan ciidammadaan soo duulay haddii ay kaga bixi waayaan deegaankooda sida ugu dhaqsiyaha badan, waxanaa ay ka gaabsadeen Mas’uuliyiintaan inay sheegaan halka ay ka soo jeedaan ciidammadaan ku soo duulay deegaankooda.

 

 

 

Dhanka kale ciidammadaan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin hadda gudaha degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay sida ay sheegayaan dadka deegaanka Matabaan inaysan ka baxayn halkaas aysanna ka soo horjeedin dowladda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this