Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: caught on Camera, opposition dreams evaporate

Recommended Posts

Baydhabo: Tv-yada Soomaalida iyo Kuwa Caalamiga ah oo bilaabay Baahinta Cajal laga duubay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii December.

19. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Saxaafada Caalamka iyo tan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay baahinta Cajal muuqaal ah oo muujinaya waxyaabihii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii Bishan December, waxa ayna muujisay cajalkan in ay cod-deyn qaldan dhacday.

 

Cajalkan ayaa muujinaya Xildhibaano wajiyadooda la garanayo markaasna taagay labo gacmood, loona tirayay in ay labo jeer codkoodii dhiibteen, muuqaalkaan wuxuu taageerayaa hadalo ay todobaadkan jeedinayeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa in aysan dhicin wax codeyn la yiraahdo.

 

Muuqaalkan ayaa muujinaya buuq iyo sawaxan si weyn uhareeyey maalintaasi xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in aysan dhicin codeyn la xisaabin karo.

 

Xildhibaano uu ka mid yahay Salaad Cali Jeelle ayaa ka dhex muuqda Mudanayaal kor utaagaya labadiisa, gacmood loona xisaabiyey labo cod halkii gacanba, waxaana taasi dhaliilay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

 

Baahinta muuqaalkan ayaa soo baxay markii habeenkii xalay lugu soo bandhigay Aqalka Madaxtooyada Baydhabo, cajalkan oo ay dad badan xalay halkaasi ku daawadeen.

 

Tv-ga Al-Jazeera iyo Tv-yo laga leeyahay Soomaaliya ayaa goor horeba hawada galiyey, waxaana looga fadhiyaa Aaden Madoobe sababaha keenay in uu ku dhaqaaqo talaabada noocaasi ah,

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tv-ga Al-Jazeera iyo Tv-yo laga leeyahay Soomaaliya ayaa goor horeba hawada galiyey, waxaana looga fadhiyaa Aaden Madoobe sababaha keenay in uu ku dhaqaaqo talaabada noocaasi ah

^Dee meeday filimka?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this