General Duke Posted December 19, 2008 Baydhabo: Tv-yada Soomaalida iyo Kuwa Caalamiga ah oo bilaabay Baahinta Cajal laga duubay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii December. 19. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Saxaafada Caalamka iyo tan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay baahinta Cajal muuqaal ah oo muujinaya waxyaabihii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii Bishan December, waxa ayna muujisay cajalkan in ay cod-deyn qaldan dhacday. Cajalkan ayaa muujinaya Xildhibaano wajiyadooda la garanayo markaasna taagay labo gacmood, loona tirayay in ay labo jeer codkoodii dhiibteen, muuqaalkaan wuxuu taageerayaa hadalo ay todobaadkan jeedinayeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa in aysan dhicin wax codeyn la yiraahdo. Muuqaalkan ayaa muujinaya buuq iyo sawaxan si weyn uhareeyey maalintaasi xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in aysan dhicin codeyn la xisaabin karo. Xildhibaano uu ka mid yahay Salaad Cali Jeelle ayaa ka dhex muuqda Mudanayaal kor utaagaya labadiisa, gacmood loona xisaabiyey labo cod halkii gacanba, waxaana taasi dhaliilay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Baahinta muuqaalkan ayaa soo baxay markii habeenkii xalay lugu soo bandhigay Aqalka Madaxtooyada Baydhabo, cajalkan oo ay dad badan xalay halkaasi ku daawadeen. Tv-ga Al-Jazeera iyo Tv-yo laga leeyahay Soomaaliya ayaa goor horeba hawada galiyey, waxaana looga fadhiyaa Aaden Madoobe sababaha keenay in uu ku dhaqaaqo talaabada noocaasi ah, F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted December 19, 2008 Tv-ga Al-Jazeera iyo Tv-yo laga leeyahay Soomaaliya ayaa goor horeba hawada galiyey, waxaana looga fadhiyaa Aaden Madoobe sababaha keenay in uu ku dhaqaaqo talaabada noocaasi ah ^Dee meeday filimka? Quote Share this post Link to post Share on other sites
peasant Posted December 19, 2008 ^ Dee ay baa cuntay filimkii Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas Posted December 19, 2008 we demand to see the video. p.s. U seem a bit rattled lately? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 19, 2008 Ma dhamaato, iyo iska dabbo wareeg. Ahay, nimanyahow, dawlad xagee loo raadshaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites