Sign in to follow this  
General Duke

President Faroole's comments on the clashes,

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadley Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Tuulada Karin

 

July 26, 201013 comments| leave your own!Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta saxaafadda kula hadley caasimadda Puntland ee Garoowe, Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal saakey waaberkii ka dhacay tuulada Karin oo 40km u jirta magaalada Bosaso isla markaana kaga beegan dhanka Koonfureed.

 

 

Podcast: Play in new window | Download

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland lagu soo duuley oo ay ku soo duuleen Argagixiso caalami ah oo is bahaysatey kuwaas oo ka kala yimid caalamka oo dhan.

 

“….Waxaa xalay ka dhacay magaalada Bosaso meel u dhaw dagaal aad u xoog badan, waa la caabiyey dhimasho badan ayaana soo gaartey, waana laga sifeeyey meelihii ay soo weerareen, waxaana laga qabtey saraakiil ka mid ahayd kuwa weerarka soo qaadey oo uu ka mid yahay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ahaa ninkii hadda ka hor soo weeraray magaalada Baargaal isaga oo wata ciidamo ajnabi ah….” ayuu Madaxweynuhu

 

Dr.Faroole ayaa sheegay in malayshiyadii dagaalka ku soo qaadey ay ka dileen 13 nin, waa sida hadalka uu u dhigay, mana jirto ilo madax banaan oo arintaas xaqiijiyey.

 

Warar madaxbanaan oo Horseed Media saakey heshay ayaa xaqiijiyey in saddex askeri ay ka dhimatay ciidanka Puntland isla markaana dhaawac soo gaarey shan kale.

 

Madaxweynaha ayaa baaq u direy dhamaan shacabka Puntland, waxaana uu ka codsadey in ay ciidanka Puntland garab istaagaan, waayo waxaa loo socdaa waa jiritaankooda ayuu yiri. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in qabaa’ilku hubka ay isu samaysteen ay keenaan goobaha dagaalka oo ka qaybgalaan dagaalka, ciddii hadlaaysa waxba nagama gelin anaga, qabaailku waa in ay hubkooda qaataan ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynuhu.

 

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa beesha caalamka iyo wadamada dersika ah ka codsadey in Puntland lagala shaqeeyo sidii ay uga hortagi lahayd kooxaha ku soo duuley, kuwaas oo gobolka oo dhan khatar ku ah, sida hadalka uu u dhigay Dr.Faroole

 

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka kale ee dagaalka soo qaadey kaas oo la sheegay in uu hoggaamiyo Shiikh Maxamed Siciid Attam oo la sheegay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this