Sign in to follow this  
General Duke

B/Xaawo: Murder of man sparks tension.

Recommended Posts

B/Xaawo: Xiisad ba’an oo ka taagan degmada B/Xaawo

11. August 2007

 

B/Xaawo(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaasi ka jirto xiisad ba’an oo u dhaxeysa labo beelood oo deegaankaasi ku wada nool taasoo uu mid ka mid ah dadka deegaankaasi uu shalay halkaasi ku dilay nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray Marxuum Barre Sh. Cali.

 

Maamulka degmada B/Xaawo iyo odayaasha dhaqanka iyo deegaanka oo gaarayey 60 xubnod ayaa maanta hoolka shirarka ee Xeroow kulan ay ku yeesheen isku raacay in beesha uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay soo dhiibaan si shareecadda Islaamka loogu fuliyo taasoo ay ku tilmaameen iney tahay mid baajin karta xiisadaasi.

 

Marxuumka shalay la dilay oo ka yimid magaalada Baydhabo ayaan la garaneyn sababta loo dilay balse Guddoomiyaha degmada B/Xaawo Md. Axmed Maxamed Barguus ayaa sheegay in degmadaasi uu ka jiro nidaam ah in ninkii nin dilo loo qisaaso sida ay qabto shareecadda Islaamka kuna heshiiyeen dadka deegaanka.

 

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xili Khamiistii degmadaasi lagu fuliyay dil qisaas ah gacan ku dhiigle horay u dilay nin kale oo rayid ah kaasoo ay soo dhoweeyeen dadka deegaanka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Macne ma le adeer meesha sharci iyo nidaam baa ka dhisan. Waa la qisaasi gacan ku dhiiglaha. He killed an innocent man from Bay region so his clan was asked to turn him over. He will be turned over to face justice.

 

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xili Khamiistii degmadaasi lagu fuliyay dil qisaas ah gacan ku dhiigle horay u dilay nin kale oo rayid ah kaasoo ay soo dhoweeyeen dadka deegaanka.

Tane taa bay raaci. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this