General Duke Posted September 18, 2009 Muqdisho:Maleeshiyo ka tirsan xoogaga mucaaradka oo S/Bakaaraha ku toogtay mas'uul ka tirsan odayaasha labaxay ****** 18. september 2009 Muqdisho(AllPuntland )C/laahi Carab oo xoghaye u ahaa Axmed Diiriye iyoXaad oo ah hogaamiyayaasha odayaasha la baxay golaha midnimada ****** ayay kooxaha mucaaradka toogasho ku dileen. Toogashada ninkan ayaa waxaa geystay laba wiil oo wajiyada soo xirtay kuna hubeysnaa bistoolado ,waxaana ay ku togteen afaafka hore ee wadada shirkadaha. Dhalinyaradan ayaa marki ay dilka geysteen waxaa ay u socdeen si tartiib ah ayagoo aan is galin wax dareen ah ,waxaana dadka goobta ka ag dhawaa laga soo xigtay in toogashadaas ay geysteen maleeshiyo ka tirsan xoogaga mucaaradka. Xubin ka tirsanaa Odayaasha Beelaha ******, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Gudoomiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shalay Kooxo Hubeysan ku qaarijiyeen gudaha Suuqa Bakaaraha maadama lagu toogtay goob ay ka taliyaan xoogagan. Waa mas'uulki labaad oo ka tirsan odayaasha la baxay ****** ee lagu toogto Muqdisho. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites