Sign in to follow this  
General Duke

Italy to blame??? + Shariff to resign ??

Recommended Posts

Desperate times call for desperate measures.. Ethiopia was the last scape goat of the happless warlords and their cheerleaders. Now they have added two nations to their list of why they keep failing. Italy and Yemen.... And Tool Shariff does not know where to turn, so he cries wolf once more.. ;)

 

 

MAXAMED QANYARE OO DALALKA TALYAANIGA, ITOOBIYA IYO YEMEN KU EEDEEYAY IN AYSAN DHEXDHEXAAD KA AHAYN HOWLAHA NABADEYNTA AH EE KA SOCDA MAGAALADA MUQDISHO

Cusmaan Caato oo sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu maanta ka degay Magaalada Boosaaso

 

Jimco, July 01, 2005(HOL): Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Qanyare Afrax oo xalay ka hadlayay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimo qaadashadii Gobollada Koofureed ee Soomaaliya iyo Midowgii labada gole ee Waqooyi iyo Koofur ayaa qudbadii uu ugu talagalay xuska munaasabaddaas waxaa uu kaga faa’iideystay eedeyn uu u jeediyay Dalalka Talyaaniga, Itoobiya iyo Yemen oo uu sheegay in aysan dhexdhexaad ka ahayn howlaha nabadeynta ah ee ka socda ee magaalada Muqdisho.

 

“Yemen, Itoobiya iyo Talyaaniga dhexdhexaad kama ahan arrintan, waxayna rabaan in ay dumiyaan wax wanaagsan oo kasta marka la dhisayo, Talyaaniga wuxuu nala daba joogaa mar walba lacag, isku dirid iyo balaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaa la rabaa in uu sidaas u ogaado, lacag haddii la bixiyo waxay noqon kartaa hub iyo rasaasâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax.

 

Wasiirka Amniga waxaa uu intaas ku daray in dowladahaas ay si weyn ugu xadgudbeen, welina ugu xadgudbayaan qaraarkii hubka loo mamnuucay Soomaaliya ee 733, kaasi oo UN-ka ka soo saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, “Itoobiya iyo Yemen waxa si toos ah hub iyo rasaas ugu daldalaan Soomaaliya, halka Talyaaniga uu lacag ku bixiyo lug goynta Soomaaliya iyo in aaney xasilooni ka dhicin, lacagtaas uu Talyaaniga bixiyayna waxay la mid tahay hubka ay labada dowladood ee kale soo gelinayaan Soomaaliyaâ€ayuu yiri Maxamed Qanyare oo sheegay in warbixin uu dhowaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray Soomaaliya lagu xusay in ay jiraan dalal weli hub sharci darro ah geliya Soomaaliya.

 

Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in seddexdaas dal marka laga reebo ay beesha Caalamka inteeda kale taageersan tahay howlaha nabadeynta ah ee ay magaalada Muqdisho ka wadaa, wuxuuna xubnihii saaxibadiisa ahaa ee uu la hadlayay uu ugu laab qaboojiyay in kooxda kale ee ka soo horjeeda la garan waayay wax ay wadaan, isla markaana sida uu hadalka u dhigay la aqrin waayay fartoodii.

 

Wasiirka Amniga oo qudbaddiisa aad u kululeyd waxaa uu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeedba in la cambaareeyo dowladaha Yemen iyo Talyaaniga, halka Itoobiyana uu ku sheegay in ay iyadu dhaaftay cambaareyn, isla markaana ay candho qabto, ka hadalkeeduna uu gaar yahay.

 

Hadalka Wasiirkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay uu ku sugnaa magaalada Jowhar ee xarunta u ah xubnaha TFG-da garabka Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ergayga Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Signore Mario, iyadoo safiirkaasina uu maanta Ra’iisal Wasaare Geedi guddoonsiiyay Deeq ay Dowladda Talyaaniga soo gaarsiisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, taasi oo isugu jirtay 40 Matoor oo dab dhaliyayaal ah iyo 300 oo Teendho.

 

Dhanka kalena, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa isagoo u waramayay Idaacadda Horn Afrik waxaa uu daboolka ka qaaday in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta gaaray magaalada Boosaaso uu halkaasi geystay hub sida uu yiri ay soo siisay dowladda Yemen, kaasi oo laga dejiyay 2-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah diyaaraddii uu la socday, iyadoo kadibna lagu daabulay 8 gaari oo nooca yar yar ah.

 

Cusmaan Caato wuxuu sheegay in ay warkaasi soo gaarsiiyeen dad u jooga magaalada Boosaaso, kuwaasi oo arrinta la socday, wuxuuna ku cel celiyay in aaney wax laga filayay ahayn dowladda Yemen in ay dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya in ay hub soo siiso, tiiyoo weliba ay Soomaaliya saaran yahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

 

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta sidii Maxamed Qanyare oo kale wuxuu eedeyn u jeediyay dowladda Talyaaniga oo uu sheegay in aysan arrimaha Soomaaliya dhex dhexaad ka ahayn, wuxuuna tilmaamay in deeq loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed uu faraqa u geliyay dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan “Haddaad hirgelin weysaan nabaddii aan ku soo heshiinay ee aan halkan ku nimid waan is casilayaa, Itoobiya & C/llaahi & idinka ayaana isaga kiin dhex baxayaaâ€

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

 

Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku hanjabay inuu is casili doona haddii aan waxba laga qaban dhamaan wixii ay ku heshiiyeen xubnaha Labada Gole ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Shariif Xasan oo saaka ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay haddii amaanka magaalada muqdisho wax laga qaban waayo uu xilka iska casili doona isla markaana isaga tagayo muqdisho waa sida uu hadalka u dhigay Shariifka.

 

“ Haddaad hirgelin weysaan nabaddii aan ku soo heshiinay ee aan halkan ku nimid waan is casilayaa, Itoobiya & C/llaahi & idinka ayaana isaga kiin dhex baxayaaâ€ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

“Waxaa la isku haysta waxaa weeye Caasimadu amaan kama jiro, lama tagi karo intaas waaye waxaa khilaafka keenay, marka waa in wax laga qabtaa xaaladda Muqdisho ayuu yiri Shariif Xasan oo u muuqday nin ka xun sida wax u socdaan.

 

Hadalka Shariifka ayaa waxaa u muuqday mid aragti cusub u keenayo xaaladda Dowladda Federaalka ku sugan tahay,iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin inaan waxba laga qaban Karin amaanka muqdisho,halka qaar kale leeyihiin shariifka ayaa ku saxan oo muqdisho waxbaa laga qaban karaa.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Jowhar, Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Xubnaha Golaha Baarlamaanka Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Fadhi Ay Yeesheen Kasoo Saaray Qodob Ah In Arbada La Dhigo Banaanbax Looga Soo Horjeedo Talyaaniga, Yeman Iyo Itoobiya

- Sunday, July 03, 2005 at 00:32

 

Muqdisho (AllPuntland)- Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kalfadhi aan caadi aheyn ku yeeshay xaruntii hore ee XISBIGA kaasoo qorshaha ahaa in looga hadlo qodobo aan kan maanta looga hadlay aheyn ayaa kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii la rabay loo weeciyay arimo kale.

 

Shirkaas oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayay kaga hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen qaabka ugu haboon ee xubnaha dowladda oo ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho u yeelan lahaayeen xiriir iyadoo ay guddiyo u saareen arintaasi iyo wax ay ku sheegeen faragelinta dowladdaha Talyaaniga, Yamen iyo itoobiya oo kaalmo ugu deeqday Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xernaa ayaa shirkaasi kadib waxa saxaafadda u waramay Xildhibaan Cumar Xaashi oo sheegay in qodobadii looga hadlayey ay ka mid ahaayeen in la dhigo Banaanbax ay kaga soo horjeedaan dowladdaha Talyaaniga, Yamen iyo Itoobiya oo ay sheegeen in ay kaalmo dhaqaale ugu deeqday xukuumada Federaalka garab ka mid ah waa sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Cumar Xaashi.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

Muqdisho, AllPuntnland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this