Sign in to follow this  
Jumatatu

MP's planning to reject the bill calling for foreign troops..!

Recommended Posts

Jumatatu   

161 Xildhibaan oo isku diiwan galiyey in cod diidmada qayaxan u isticmaali doonaan hadii Barlamaanka la horkeena in ciidam Itoobiyaan ah dalka Soomaliya loo fasaxo

Sida ay shegayaan warka hoose ee laga helaaya xubnaha Barlamaanka FKMG in ay jiraan xildhibaano kor u dhafaya 161 in ay isticmaali doonaan codka diidmada qayaxan ama fitoowga hadii leysku daya in leysku hoos galiya in wadanka loo gacan galiya codwaga soo jireenka ahaa ee Itoobiya .

 

Arimaha lagu diidan yahay in loo fasaxa Soomaliya dowlada Itoobiya ayaa si xowli ah uga socota saliga dowlada fadhiidka ku ah magaalada Nairobi kuwasoo inta badan ay diidan yihin xildhibaanada xiligaan in lageeya dalka Soomaliya ciidamo Tigiree ah si ay uga fushadaan danahooda siyaasadeed ama istarajiidyo , qabsashada dowlada Itoobiya wadanka Soomaliya ayaa ogol oo kaliya xubnaha wasiirada ah horeyna uga tirsanaan jire golahii SRRCda kuwaaso muda dhan shan sano lagu quudin jrey hoteelada waa weyn ee ku yaalo magaalada Adis ababa.

 

Dhanka kale xildhibaanada ka soo jeeda dhamaan beelaha ****** marka laga reeba Geedi , Xuseen Ceydiid , Gacmadheere ayaa isku racaay in dhamaan la qaadaco qodob alaale iyo qodobkii ka hadlaaya in ciidama Itoobiyaan ah dalka la keeno ama caasimada Muqdisho la badalo ayagoona isku racay in ay shirka isaga baxaan dibna isku hubeeyaan kana horyimadaan shaqsi ale shaqsigii daba dhilif u noqda cadawga soo jireenka ah ee Tigire wadankana si wada jir ah loo difaaco waa sidey hadalka u dhigeyn.

 

 

Diidmada Xildhibaanada ****** oo u badan Hogaamiyasha hubeysan ayaan la dhaliilsan karin ayagoona xiligaan heysta taageero badan oo shacabka Soomaliyeed ah

 

Baryahaan waxaa ka jirey diidmo aad xoogan oo lagu diidan yahay dowlada Itoobiya ciidankeeda soo galaan gudaha dalka Soomaliya gobalada dalka oo dhan sida Banadir, Bari, Baladweyne. Jubada Hoose , Shabeelada Hoose , Bay iyo Bakool, Galgaduud. Gaalgacya.

 

 

firinbi6.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this