Sign in to follow this  
General Duke

Saudi Arabia calls on the world to support Somali government people

Recommended Posts

Dowladda Sacuudiga, oo ugu baaqday Beesha Caalamka inay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku bixiyaan xalka Somalia

Muqdisho, Axad , September 30 2007 SMC

 

Dowladda Sacuudiga, oo ka mid ah Dowladaha Carabta ee taageeradda ugu badan ku bixiyey Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee dabayaaqadii bishii August ee sannadkan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Muqdishu, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay gacan dhaqaale iyo mid siyaasadeed u fidiyaan dadka Soomaalida, si ay u soo af-jaraan colaadaha sokeeye iyo deganaansho la’aanta ka jirta dalka Somalia.

 

Dr. Mansuur Al-saluum Al-yaami oo xubin ka ah Ergadda Joogtadda ee Dowladda Sacuudiga ee u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, ayaa hadalkaasi kulan khaas ah oo ay xubnaha Kooxda Caalmiga ee Isku-xirka arrimaha dalka Somalia iyo Xubno ka socday Ururka Islaamka Adduunka “OIC”-da ee haatan ka qeybgalayo Shirweynaha 62-aad ee Golaha Guud ee QM ee ka socda magaalladda New York, wuxuuna xusay inay Dowladdiisa 30-million oo Dollar ku bixiyey Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia ee lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu Boqor Cabdalla Bin C/casiis uu bishan 16-dii ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, oo lagu saxiixay Natiijooyinka ka soo baxay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Somalia.

 

Dr. Mansuur Al-saluum Al-yaami, waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga si joogto ah ula socon doonto Arrimaha dalka Somalia, isagoo xusay inay gacan ka geysan doonaan Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Kulanka ay Ergooyinka ka kala socda Ururka Islaamka iyo Kooxda Caalamiga ee arrimaha Somalia, waxay kaloo taageereen in Ciiddamo Carbeed loo soo diro dalka Somalia, si ay gacan uga geystaan Soo-celinta Nabadda ee dalka Somalia iyo inay Ciiddamadda Ethiopianka isaga huleelaan gudaha dalka Somalia.

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa horey ugu baaqay in Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka kala socda Dowladaha Carabta iyo Afrikaanka oo hoos tagaya Dalladda QM loo soo diro dalka Somalia, si ay taasi u fududeyso inay Ciiddamadda Ethiopianka ee taageeradda siiya DFKMGS ay dib ugu laabtaan dalkooda.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sacuudiga oo caalamka ugu baaqday in taageero dhaqaale la siiyo dowladda KMG ah....

Somalia Sunday, September 30, 2007

Xayeysiis

 

Dowladda Sacuudiga ayaa beesha caalamka ugu baaqday in taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed la siiyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay xal ugu hesho nabad la'aanta ka taagan dalka Soomaaliya.

 

 

Mid ka mid ah ergada joogtada ee dowladda Sacuudiga u fadhiya Qaramada MidoobayDr. Almansuur Al-saluum ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay lahaayeen kooxda caalamiga ee isku xirka arrimaha dalka Soomaaliya iyo xubna ka socday ururka Islaamka Aduunka kuwaas oo ka qeybgalaya kulan weynaha 62-aaad ee golaha ammanka uga socda maagalada New York.

 

Mas'uulkan ayaa xusay in dowladda Sacuudiga oo uu ka socda ay Soomaaliya ugu deeqday 30millyan oo doolar gaar ahaan shirwayanihii dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in boqoka dalka Sacuudiga Boqor Cabdala uu magaalada Jidaha ku casuumaya qaar ka mid ah madaxda dowladda KMG ah iyo ergadii ka qeybgashay shirwaynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo halkaa lagu saxiixay natiijooyinkii ka soo baxay shirwayanahaas.

 

Sidoo ergooyinkii ka socotay Ururka Islaamka ayaa iyagana dhinacooda taageeray ciidamo loo diro dalka Soomaaliya kuwaas oo ka socda dalalka carabta si ay gacan uga geystaan howlaha nabad ilaalinta islamarkaana ay u badalaan kuwa Itoobiya ee hadda ciidamada dowladda KMG ah gacanta siinaya.

 

Cakaarra.com

Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Excuse me which government? General Gabre's one? oo uu hubka ka dhigayo, ahna kilinka 6aad. Wake up Duke, riyada qabiilkana ka bax.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i wanna know why the saudis didnt say nothing about the amxaaro invasion of somali if they are really true believers of islam!

 

supporting somali is ok, but ignoring the cause of this problem is the major issue here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this