Sign in to follow this  
Cowke

Rain In Northern Mudug

Recommended Posts

Cowke   

Gaalkacyo: Roobab ka da’ay gobalka Mudug.

13. oktober 2009

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Roobabkii Deyrta ayaa ka curtay deegaanada gobalka Mudug, sida ay sheegayaan warar laga helayo deegaano badan oo kuyaala Waqooyi gobalka Mudug, ayadoo ay deegaanadaasi ka jireen abaaro baahsan oo saameyn ku yeeshay dadkii daganaa hareeraha magaalooyinka.

 

Roobab xoog leh ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay ka da’ay degmooyinka gobalka Mudug, qaarkood waxaana ku diirsaday dadka iyo xoolaha ku nool deegaanada ay ka da’een roobabkan, ayadoo ay wararku sheegayaan in ay roobabkaasi kala da’een xiliyo kala gedisan.

 

Magaalada Gaalkacyo oo aan horay roob uga da’in, shalay galinkii dambe iyo saqdii dhexe ee xalay ayaa lasheegay in uu ka da’ay roob fara badan, isla markaasna ay manta dadka magaalada Gaalkacyo ka wanaagsan yihiin, sidii ay ahaayeen maalmo ka hor oo ahayd kuleyl ba’an oo ay ku heysay milicda qoraxda.

 

Gobalka Mudug iyo Bari ayaa ahaa gobalada aysan wali ka da’in roobabkii deyrta, halka gobalada kale ee Puntland ay ka da’een roobabkaasi, isla markaasna ay iskaga dambeeyeen roobab kala gedisan.

 

Gobalada Nugaal & Sool 24 saac ee lasoo dhaafay waxaa ka da’ay roobabkii ugu badnaa ee dhawaanahaan ka da’a, waxa ayna dad badan oo ku dhaqan gobalada ay isku hambalyeynayaan roobabkan iyo raxmada alle ku maneystay.

 

Roobka Deyrta ayaa ku soo beegmaya, xili ay jireen abaaro baahsan oo ka jiray guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana curashadii roobkan oo ka curtay markii hore dhulka loo yaqaano hawdka ee kuyaala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa loo hayaamiyey xoolo badan oo ay lahaayeen dadka reer miyiga ah oo hadba meeshii daaq leh ukaxeeya xoolahooda.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this