Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu eye hospital to treat 500 patients

Recommended Posts

Isbitaalka Indhaha Al-nuur oo maanta bilaabay Qaliin Tabarauc ah oo ay ka faa’ideysanaan 500 oo qofood

Muqdisho

 

 

Isbitaalka Indhaha Al-nuur ee ku yaal xaafada Huriwaa ee magaalada Muqdisho waxaa saaka 6-dii subaxnimo ka bilowday wejigii 1-aad ee howlo samafal dhinaca qaliinka ah oo ay soo qabanqaabisay ururka dhaqaatiirta indha la’aanta dalalka carbeed, waxaana qaliinkaasi fulinayey maamulaha isbitalka Al-nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo 28-kii April 1984-tii loo aqoonsaday dhaqtar rasmi ah, kadib markii uu shahaadada dhaqtarnimada ka qaaday kulliyadii caafimaadka ee Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Dr. Dalmar oo markii uu maanta markii uu soo gabagabeeyey qaliinka la hadlayey suxufiyiinta ayaa sheegay in qaliinkan uu yahay mid tabaruc ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhaqaatiirta indha la’aanta carbeed gaar ahaan Al-nuur eye foundatioan oo xubin ka ah ururkaasi, isagoo xusay in qaliinkan wejigiisa 1-aad loo qeybiyey A & B ayna qeybta A ka qeybqaadan doonaan bukaano u dhexeeye 250 ilaa 300, Qeybta B-na dhowaan la bilaabi doono, isagoo sheegay in bukaanadii maanta qaliinka lagu billaabay ay qabeen cudur indhaha ku dhaca oo ah nooca indhuhu ay xuubka fuulayaan, wuxuuna sheegay in uu xanuunkaasi kan ugu fudud marka indhaha la qalayo.

 

 

“Wejiga labaad ee barnaamijka samafalka waxaan ka fulin doonaa dugsiyada gobolka Banaadir, waxaana ka faa’ideysan doona 10-kun oo arday oo wax ka barata fasalada 1-aad ilaa 9-aad†ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaasu ku daray howsha laga fulinayo Soomaaliya ay tahay tii 3-aad, horayna lagaga fuliyey dalalka Lubnaan & Ciraaq.

 

 

Dr. Dalmar wuxuu sheegay in dadka laga qaadayo xoogaa qidmad ah si lagaga saacido adeegyada muhiimka u ah howlaha qaliinkooda sida sheybaarka oo loo diyaariyey, daawada, goojada indhaha & ookiyaalaha.

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labaatan qof “20â€ayaa maanta indhaha loogu fiiqay Isbitaalka Al-nuur ee Magaalada Muqdisho.

 

 

January 03, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Maxamed Abuukar Ma’da. Muqdisho, Soomaaliya.

Howlo indhi fiiqid ah oo qaliin indhaha loogu sameeynayo ilaa shan boqol "500" oo qof, ayaa maanta ka bilowdey Isbitaalka Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Howshaan indha fiiqida ah oo wajigii koowaad ah ayey iska kaashadeen Isbitaalka indhaha Al-Nuur ee ku yaala Magaalada Muqdisha iyo Hey’ad Carbeed oo lagu magacaabo Al-Nuur Foundation, iyadoo maantana laga bilaabey Isbitaalka Al-Nuur ee Muqdisho.

 

 

 

Qaliinka maanta oo lagu fulinayey ilaa labaatan qofood â€20â€oo qaliino kala duwan indhaha looga sameeyey, ayaa Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo maamule ka ah isbitaalkaasi kana mid ahaa dhaqaatiirta howshan fulineyso, ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa shan boqol “500†oo qofood ay rajey nayaan in ey indhaha ka daweyn doonaan.

 

 

 

Wuxuu kaloo xusey Dr. Dalmar inuu bukaanka iska bixin doono waxoogaa khidmo ah oo la xiriira dhinaca baaritaanka, iyo wixii kaloo isbitaalka uu u qabanaayo, taasoo gaareyso ilaa iyo afartan doolar US $40.

 

 

 

Mar uu ka hadlayay Dr. Dalmar qaliinka ey maanta fuliyeen ayuu sheegay in uu yahay cudur sahlan oo indho la’aana, waxaana layiraahdaa Katarak oo ah xuub yar oo indhaha fuula.

 

 

 

Howshaan indho fiiqidi ah oo ay sugayeen bukaano aad u faro badan oo ku sugnaa Isbitaalka, ayaa u sheegay iddaacadda HornAfrik iney ku niyad san yihiin in dhaqaatiirtii ajanbiga ahaa aaney iman, iyadoo horey loogu sheegay iney ka qeyb qaadan doonaan howshaan, taasoo ay badelkeedii qabteen dhaqaatiir Soomaaliyeed.

 

 

 

Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo ka gaabsadey in uu wax ka sheego qarashka ku baxayo howshaan indho fiiqidi ah, ayaa sheegey in uu furmi doono wajiga labaad ee mashruucaan inta u dhexeysa bisha Febraayo iyo bisha Abriil ee sanadkaan.

 

 

 

Waxey kaloo sheegeen dhaqaatiirta iney ka faa’iideysan doonaan mashruucaan ilaa toban kun “10,000†oo ah ardeyda wax ka barata dugsiyada Gobolka Banaadir, kuwaasoo loo sameyn doono baaritaano laguna siin doono ookiyaalaha indhaha, taasoo ay kala kaashadeen Hey’adda ka hortaga indho la’aanta ee Al-Nuur.

 

 

 

Dr. Dalmar oo sheegey in Soomaaliya ay tahay dalkii seddexaad ee mashruucaan lagu fuliyo, marka laga reebo dalalka Lubnaan iyo Ciraaq oo iyagu horey loogu sameeyay mashruuc noocaan oo kale ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this